Sign in to follow this  
General Duke

Hargaysa: mass riot over a waterhole [economic powerhouse]

Recommended Posts

Kacdoonkii Hargeysa: Mu’aamaraddii ugu dambeysey iyo maamulxumadii ugu darrayd!! Faalo - By: Dubbad

July 15th, 2008

 

Kacdoonka 2aad ee Isniintii aynu soo dhaafnay ka dhacay magaalada Hargeysa, kana aloosmay xaafad kale oo dacalka ku haysa xaafadda kacdoonka hore, isla markaana gilgiley magaalada, kana riiq-dheeraa ka hore, waxa uu ka dhashay go’aan si kedis ah loogu dhaqaajiyey riig ceel biyood ka qodayey deegaanka Koonfurta Hargeysa, ceelkaas iyo kuwo kale oo jiiddaas u qorshaysnaa in laga qodoba waxa loogu talagalay inay waraabiyaan oo biyaha looga keeno xaafadaha Koonfurteed ee magaalada oo aanay gaadhin biyaha ka yimaadda Geed-deeble oo Waqooyiga Hargeysa ah, iyada oo xaafaddahaasi ay ka socdaan dhismayaal badan oo qurux badan, magaaladuna u sii fidayso.

 

Riigga oo ah mid casri ah, waxa sadaqo u bixisay Ururka Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta, waxaana uu ka dambeeyey booqashadii Daahir Riyaale ku tegey dalka Imaaraadka Carabta, markaas oo la sheegay inuu codsi qoraal ah ku weydiistey Kuxigeenka Ra’iisulwasaaraha Imaaraadka Carabta, Sheekh Xamdaan Bin Zayid oo madax ka ah hay’addaas Riiggaas iyo sadaqooyin kale oo ururka Bisha Cas meelaha dagaalada iyo Barakacu ka dhaco.

 

Ma sugna qaabka deeqdaasi ku timi. Waxa jira waxyaabo muujinaya in Riiggaasi aanu ahayn mid Daahir Riyaale iyo Somaliland la siiyey, balse, uu fulinayo mashruuc riigag qodis ah oo Bisha Cas ee Imaaraadku ugu deeqday Soomaaliyadii burburtay oo dhan, iyada oo la sheegay in Riiggan iyo mid kale oo soo socda loogu talagalay inay Soomaaliya iyo Somaliland ka qodaan 70 ceel, kuwii u horreeyeyna laga bilaabay Somaliland, waxaana taas sii dalliilinaya Riiggaas oo ay gacanta ku hayaan hawlwadeeno Carab iyo Soomaali ah oo laga soo raaciyey Imaaraadka Carabta, isla markaana kharashkooda ay bixinayso Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta. Waxa kale oo la sheegay in riiggani uu hawshan oo kale ka soo fuliyey Daafuur, Koonfurta Suudaan.

 

Hase yeeshee, Daahir Riyaale waxa uu u isticmaalay Riiggaas ololihiisa siyaasadeed ee uu ku xalaalaynayo muddada sharcidarrada ah ee Guurtidu u saxeexday inuu xilka sii hayo, waxana uu fagaarayaal ka ballanqaaday – iyadoo aanu riiggaasi dalka soo gaadhin – inuu keenayo Riig casri ah oo wax weyn ka tari doona biyo la’aanta dalka ka jirta, hawshiisa u horraysana uu ka bilaabi doono inuu biyo ka soo saaro Koonfurta Hargeysa, si magaalada Hargeysa biyaha loo wada gaadhsiiyo, isla markaana ceelasha uu ka qodi doono Koonfurta Hargeysa ay waraabin doonaan xaafadaha Koonfureed ee magaalada.

 

icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Let our brotthers here explain.

Tell ya powerfull scessionists with the stable economy and development why is there a fight over a waterhole donated by the red crescent in the "rich" suburbs of Hargaysa.

 

The secesionist are becoming naked by the day.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Muslim01   

Originally posted by Che -Guevara:

Are you in celebatory mood?

 

I don't understand you what you get out of this :confused:

Its that Puntland and Somaliland beef. Sorta like crips and bloods, but with the same mother.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this