Sign in to follow this  
me

Khilaafka Itoobiya iyo Aniga guntiisa hoose wuxuu ahaa aqoonsada Somaliland

Recommended Posts

me   

C/llaahi Yuusuf: Khilaafka Itoobiya iyo Aniga guntiisa hoose wuxuu ahaa aqoonsada Somaliland.

Warkii 13-Jan-2009 iyo Qormadii: News.

 

 

C/llaahi Yuusuf Axmed oo 29-kii December ee sanadkii hore iska casilay xilka Madaxweynimo ee Soomaaliya kadib markii la sheegay in uu cadaadis kaga yimid beesha Caalamka iyo qaar ka mid ah wadamada deriska la ah Soomaaliya, ayaa mar uu kulan la yeeshay Odoyaal iyo Waxgarad ka soo jeeda Putland waxa uu ka hadlay sababihii uu isku casilay, isagoo faahfaahin dheer ka bixiyey, waxa uuna sheegay in arrimo fara badan oo ka soo wajahday Beesha Caalamka uu isku casilay, isla markaana uu Caalamku gacan-siin waayay dowladdii lagu soo dhisay dalka Kenya sanadkii 2004.

 

 

Odyey ka mid ah Odoyaashii ka qaybgalay kulankaasi oo soo gaaray Magaalada Muqdisho oo diiday in magaciisa la sheego ayaan wax ka weydiiyey halka uu gaarsiisnaa xiriirka u dhexeeyey Itoobiya iyo C/llaahi Yuusuf Axmed, waxa uuna sheegay in xiriirkaasi uu markii hore aad u wanaagsanaa hase yeeshee markii dambe uu gadaal ka xumaaday sababo soo baxay awgood, Odeygu waxa uu sheegay in C/llaahi Yuusuf uu uga waramay waxa ay isku qabteen isaga iyo Itoobiya, waxa uuna yiri C/llaahi “Khilaafka guntiisa hoose haddii aan idiin kaga waramo waxa uu salka ku hayay markii ay Itoobiya ii soo jeedisay in Dowladda Federaalka ay aqoonsato maamulka Somaliland, arrintaasi oo aan ku diiday, waxaana si cad ugu sheegay madaxda Itoobiya in arrintaasi aan labo jirkeygii ka soo horjeeday haatanna aniga oo 80 jir ay adagtay sidii aan ku ogolaan lahaa aqoonsiga Somaliland”, waxaa kale oo uu intaa sii raaciyey C/llaahi “Haddii aan dooneysaan in aan aqoonsado Somaliland adinka Itoobiya ah aqoonsada kadib ayaan aqoonsanayaa”. C/llaahi Yuusuf waxa uu sheegay in Itoobiya ay dooneysay in marka ay Dowladda Federaalka aqoonsato Somaliland in shacabka Soomaaliyeed ay ku kacaan Dowladda oo ay sidaas ku burburto Dowladda , waayo Dowladda Itoobiya ma dooneyso in Soomaaliya uu ka dhamaado khilaafka ayna yeelato Dowlad sal-adag.

 

C/llaahi Yuusuf oo ay saaxiibo isku dhow ay ahaayeen Itoobiya ayaa maalmihii dambe waxaa soo baxay khilaaf aad u adag, kadib markii ay Dowladda Itoobiya si cad ula safatay Ra’isul Wasaare Nuur Cadde, isla markaana C/llaahi Yuusuf ay ku eedeeysay in uu yahay caqabad hor taagan dib u heshiisinta Soomaaliya, sidoo kalana uu mas’uul ka yahay wax qabad la’aanta Dowladda Federaalka, iyadoo Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya uu sheegay in Dowladda Federaalka u soo tababartay ciidan gaaraya 15 kun, si ay mustaqbalka u hantaan maamulka Soomaliya, balse waxay Itoobiya sheegtay in uu taasi burburiyay C/llaahi Yuusuf Axmed.

 

Odeygan ayaa hadalkiisa sii daba dhigay “Dadka Soomaaliyeed ayaa intooda badan aaminsanaa in khilaafka madaxda Dowladda uu ku yimid kadib markii Nuur Cadde uu xilka ka qaaday guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir oo haatan u xiran ciidamada Itoobiya Max’ed Dheere iyo arrimaha dib u heshiisinta ee uu waday Ra’isul Wasaare Nuur Cadde, hase yeeshee markii C/llaahi Yuusuf uu ka dhawaajiyey in khilaafku uu ku saleysnaa arrimo ka dhex aloosnaa isaga iyo Itoobiya oo ah in la aqoonsado Somaliland, runtii aad ayaan uga naxnay ma fileyn in Itoobiya arrimahaasi ku kacdo, waayo Itoobiya iyadaa Dowlad ah, iyada ayaana laga rabay haddii wax la aqoonsanayo in ay aqoonsato .

 

Somaliland, inkastoo aqoonsiga uu ka yimaado Qaramada Midoobey waxaa muuqatay in Itoobiya aysan marnaba daneynayn in xal loo helo arrimaha Soomaaliya, waayo haddii ay Somaliland la dooneysay in ay aqoonsi hesho waxay uga ololeyn lahayd ururada Caalamiga ah sida Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo wixii la mid ah.

 

Xuseen Caydiid ayaa hadda ka hor markii ay soo galeen Ciidamada Itoobiya waxa uu ka dhawaajiyay hadal ay dadka Soomaaliyeed si aad ah uga gilgilsheen kadib markii uu yiri “Itoobiya waxaan nahay dal saaxiib ah, waxaana dooneynaa in aan xuduudda isku furano, lacag qura aan wada yeelano, Baasaboor qura aan wada yeelano, haddii aan nahay Somaaalia ”, inkastoo Xuseen Caydiid uu cudur-daar ka muujiyey haddana shacabka Soomaaliyeed arrintaasi waa ay u cuntami waysay, Itoobiyana waxay dooneysay in marka uu C/llaahi ku dhawaaqo aqoonsiga Somaliland oo uu halkaasi ka dhasho ismaanfhaaf dadka Soomaaliyeed dhexdiida ah, waxaana sidoo kale dadka arrimahaan u dhuun daloola sheegeen in Itoobiya ay dooneysay in ay tijaabiso sida ay u hirgeli karto arrintaana, loona badinayay in Itoobiya ay damacsaneed qorshayaal kale oo fog oo ay dib u dhiganeyso oo la xiriira arrimaha Soomaaliya.

 

 

Reysalwasaaraha Melis Zenawi Barnamij Laga Sidaya halkan ka daawo

 

 

Qormadii:Amiin Yuusuf Khasaaro,Muqdisho,Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Why would Ethiopia want to pressure it's puppet to recognize another puppet?

 

What Ethiopian interest does Somaliland serve?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

whether it was fact or fiction has no meaning as what this old man says is not relevant anyway, he is an old man oo asaasaqay,

 

those asking him something are even worse than him.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War jacbureed. Goormee kala bixineynaa war jacbureedka iyo war dhableyda.

 

Ninka qoraalka qoray, Yuusuf Qasaaro, waxyaabo badan iska aliftaa mar mar, though wey dhici karaan laakiin isla qoraalkiis ka garanee inay fabrication yihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this