Sign in to follow this  
Cige

Safarada Madaxweyne Shariif iyo Sharif Xasan oo Muddo 2 Bilood ah gaaray 35 duulimaad

Recommended Posts

Cige   

Safarada Madaxweyne Shariif iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Muddo 2-Bilood ah gaaray 35 Duulimaad oo caalamka ah iyo Ciidanka Dowladda oo Mushaar la'aan ka cabanaya.

 

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa ku Guda jiro Safaradiisii ugu raaxada iyo dhibka badnaa xilli Boqolaal Samali Rayid ah ay ku dhimanayaan dagaalada iyo duqaymaha ka socdo magaalada Muqdisho iyo gobalada dalka.

 

Saraakiisha Dowladda KMG ah sida Wasiirada ayaa ku jiro Safaro Tiradii ka batay iyagoona wadamada ay booqanayaan ka dega Hotelada ugu raaxada Badan.

 

Shariif Sheekh Axmed ayaa Muddo 2-Bilood ah Safray 35 Duulimaad marka uu dhawaan booqdo Wadamada Kuwait Cumaan,iyo Masar waxay duulimaadyadu noqon doonaan 45 Duulimaad Muddo laba Bil iyo Bar ah.

 

Dadka Dhaliila Siyaasadda Dowlada KMG Somalia ayaa qaba in Somalia aysan Horumar gaarsiin karin Madax aan Daacad u ahayn Dalkooda iyo Dadkooda islamarkaana shisheeyaha uga dhega Nugul Somalida marka laga hadlayo adeecida iyo Tala siinta.

 

safarada Madaxweynaha iyo wasiirkiisa Maaliyadda Shariif Xasan Sheekh Aadan Waxay Noqdeen kuwa aan latiri karin oo Kar-kaarka Jebiyay xilli Ciidankii Dowladda ay Mushaar la'aan u cabanayaan qaarkooda ay kala yaaceen.

 

Wasiirka Maaliyadda Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Safarada Madaxweynaha badiya waxaana la sheegayaa in uu Madaxweynaha u hogaamiyo wadamo aan horay uga mid ahayn qorshaha safarka Madaxweynaha.

 

Si walba oo ay ahaato xaalka dowladda ayaa u muuqdo mid aan Daba qabad lahayn waxaana bilaha soo socda arki doonaa waxa ay soo kordhiso dowladda KMG Somalia.

 

Xafiiska Wararka Markacadey.net Magaalada Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this