Sign in to follow this  
Abwaan

Daba dhilif gacmo dheere afkiisa ma laba carab ayaa ku jirta, (****** ma metelaan waa

Recommended Posts

Abwaan   

Daba dhilif gacmo dheere afkiisa ma laba carab ayaa ku jirta, (****** ma metelaan waa qolo iska socoto iyo aan wada hadalno odayaasha ******).

 

Muqdisho,25,March-07 (Qaadisiya.com) Waxaa muuqata in wararka dabadhilifyadu ay isku dhex yaaceen oo aysan kala garaneynin waxa ay ku hadlayaan iyo waxa kale sida ka muuqata hadalada kasoo baxaya Daba dhilifka lagu magacaabo Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmadheere).

 

Soomaali ayaa ku maah maahda “'haadii aad tahay beenlow xusuustaadu ha badnaato”, lakin waxaa muuqaneysa in maalmahani dambe la arkayo in Daba dhilifyadii gaalada ee Soomaalida aheyd in hadaladooda si aan caadi aheyn ay isku burinayaan oo ay kala garan la’yihiin shalay wixii ay sheegeen iyo waxa ay maanta sheegayaan.

 

Waa munaafaq Gacmo dheere iyo Gacankudhiigle Salaad Sali Jeelle labada ugu beenta badan qolada Dhulka Daahirsan ee Soomaaliya soo gelisay Amxaarta, waxaana beenta ay horey u sheegeen kamid ah illaa iyo iminkana aysan weli ka xishooneynin in Salaad Cali

 

Jeelle uu horey u sheegay in Diyaarad gantaal lala helay oo kusoo degatay iyadoo holceysa Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho uu kusheegay in uu dab ka dhex kacay Diyaaradda lugaheeda taasi oo markii Dambe Wadankii laga lahaa Diyaaraddaasi laga qirtay in gantaal lala helay.

 

Sidoo kale Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmadheere) oo isna horey u sheegay in Muqdisho Beelaha ****** aysan ka dagaalameynin dadka u hadlayana ay yihin dad kooban in hadana uu yiraahdo Beelaha ****** hana kulmeen si Nabadda aan uga wada hadalno sow u muuqan meyso in Gacmadheere uusan ogeyn xitaa halka uu gacantiisa ku hayo.

 

Hadabala ay ku hadlayaan ayaa waxaa iska muuqaneysa in aysan aheyn hadalo kasoo baxaya Shaqsi Soomaali ah iyagoo sida iska cad Sameecad u ah Gaalada Tikreega dalka kusoo duushay oo Makaroofanka iyaga gacanta ku heysta wixii ay ku dhawaaqanna laga maqlayo keliya Sameecadaha oo Shaqaalaha Tikreega ah, xitaa waxaa cad in dalkani aysan madax ka aheyn dadka Gaaladu ay u soo xilsaarteen ee Soomaalida ah oo ay Madax ka yihiin Gaalo Madow oo Tikree ah.

 

Sida Muuqata Gacmadheere iyo Kooxda lamidka ah oo horey u dhihi jiray ****** ma ahan waxa hadlaya ee waa koox yar oo meel iskugu tagay ayaa waxaa iska cad in arrinku isbadal kuyimid oo wax badan ay dareemeen sidaasina ay ka keentay in ay yiraahdaan Odayaash ****** hanala shireen.

 

Si kasta oo ay kusoo dhamaato Arrintani waxa ay u taalaa Soomaalida oo dhegaheeda ka dhoreysa waxa kasoo baxaya Muqdisho iyo dadka kulamada yeelanaya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this