Sign in to follow this  
guraad

Riyaalle oo gacmo Madhan kula soo noqday Hargaysa

Recommended Posts

guraad   

August 10, 2003

Hargaysa, (Somalicity).Waxaa maanta galinkii hore soo gaadhay magaalada Hargaysa madax-waynaha Dowlada laga Macag-baxaday somaliland Daahir Riyaale Kaahin . oo booqasho shan maalmood ah ku tegay magaalada Adis-Ababa.

 

Booqashadan Riyaalle ee dalka Ethiopia ayaa ka danbaysay, Cusumad uu ka helay Ra'iisal Wasaaraha Dowlada Ethopia Malaza Zanawi. Mudadii ay wafdigu halkaa ku sugnaayeen waxay kulamo layeeshay madaxwaynaha Ethiopia iyo Ra'iisal Wasaaraha dalkaa, kula madaas oo dowlada Ethiopia ugu cadaysay Waftigan mowqifkeeda ku wajahan shirka nabadaynta ee Soomaalida uga socda dalka Kenya iyo midnimda Soomaaliyeed, " Dowlada Ethiopiana marnaba qayb ka noqon doonin, kala go'a Soomaaliya," waxaa sidaa yidhi Ra'iisal Wasaaraha dowlada Ethiopia, Waxaa kaloo masuuliyiinta Ethiopia u gudbiyeen waftigan dhambaal ay uga sideed IGAD iyo shirka.

 

Mar Riyaale maanta garoonka Hargaysa ugu waramayey saxaafada ayaa lawaydiiyay arimahay Ethiopia kawada hadleen wuxuuna ku jawaabay waxaanu kawada hadalnay arimo badan oo ayka mid tahay shirka Soomaalida uga socda kenya, waxaa kaloo Riyaalle ls waydiiyay inay Ethiopia Somaliland aqoonsatay iyo in kale wuxuuna ku jawaabay in Ethiopia aanay ilaa iyo hada aqoonsanayn Somaliland waxaa kaloo Riyaale tilmaamay in booqashadii isaga iyo wafdigiisu ay ahayd mid midha-dhala.

 

Cumar Saleebaan, (Somalicity) Hargaysa, Somalia

 

 

Somalicity.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this