Sign in to follow this  
Garyaqaan2

Mr.Thampo Mbeki say's NO to Meet Mr. riyaale

Recommended Posts

Daahir Riyaale oo aan ilaa & haatan la kulmin Madaxda sar sare ee Wadanka Koonfur Afrika icon_razz.gif

 

Pretoria-10.February.2005 Madaxweynaha Maamulka isku magacaabey Somaliland Daahir Riyaale Kaahin oo haatan socdaal ku jooga dalka Koonfur Afrika ayaa wararkii ugu dambeeyey ee SBC Online ka soo gaaraya dalkaasi ay sheegayaan inuusan la kulmin wax Madax sar sare ah oo ka tirsan wadanka uu martida u yahay.

 

Daahir Riyaale oo wadanka Koonfur Afrika ku sugan ilaa iyo laba Todobaad ayaa la sheegay in uu iska degan yahay Hotel Shereton, isla markaana aysan is arkin wax masuuliyiin sar sare ah. ;)

 

Wariyaha Idaacada SBC ee Wadanka Koonfur Afrika ayaa soo sheegaya in Daahir Riyaale uu si aad ah u daneynayo in uu la kulmo Madaxweynaha Wadanka Koonfur Afrika Mr.Thampo Mbeki hase ahaatee dhawr jeer oo Mr.Riyaale isku dayey kulan uu la yeesho Madaxweyne Mbeki ayaa ku dhamaadey guuldaro ka gadaal markii uu Thampo Mbeki uu ka muujiyey cudurdaar kulan caynkaas oo kale ah. icon_razz.gif

 

Dhanka kale sarkaal sare oo ka tirsan Wasaarada arrimaha Dibadda ee Wadanka Koonfur Afrika oo wax laga waydiiyey Socdaalka Madaxweynaha Somaliland uu ku joogo Wadanka Koonfur Afrika in ujeedadiisu tahay sidii Koonfur Afrika ay u siin laheyd aqoonsi dawladnimada Somaliland ayaa Sarkaalkaasi wuxuu sheegay in arintaas aysan waxba ka jirin Koonfur Afrikana aysan diyaar u aheyn in ay wax aqoonsi ah siiso Goboladaas ka go'ey Soomaaliya inteeda kale ;)

 

Sarkaalkaas ka tirsan Wasaarada arimaha dibada ee Wadanka Koonfur Afrika wuxuu aqoonsi Wadankiisu u siiyo Somaliland uu ku tilmamey inay la mid tahay Cape Town oo ka go'da Pretoria sidaas darteedna aysan ku talo jirin inay wax aqoonsi ah siiyaan Maamulka Somaliland. :D

 

 

Axmed Gaanni

SBC Cape Town.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this