Sign in to follow this  
Alle-ubaahne

Ethiopian Feces/******** All Over the Places!

Recommended Posts

"War dadkii ma noola, qoysas badan ayaa uga qaxaya guryahooda saxarada Itoobiyaanka"

 

Posted to the Web Feb 10, 22:04

 

 

Aayaha.com, Sabti, 10 Feb. 2007 - "War dadkii ma noola, qoysas badan ayaa urka iyo wasakhda saxarada Itoobiyaanka uga qaxaya guryahooda" sidaa waxaa yiri muwaadin Soomaaliyeed oo ku nool degaanka Iskool Boliisiyo ee magaalada Muqdisho.

 

Qaar ka tirsan xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa lasoo dersay nadaafad xummo aad u weyn kadib markii ay ciidamada Itoobiya ee xarumaha ku leh degaanadaas ay meel kasta ku saxaroodeen maadaama aysan haysan wax musqulo ah.

 

Dadka ku nool agagaarka Dekedda, Xabsiga Dhexe, Iskool Boliisiyo, Xerada Hangashta, iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa ka cabanaya nadaafad xummo iyo ur qurmuun oo aan loo adkeysan karin oo lasoo deristay xaafadahooda tan iyo markii ciidamada Itoobiya soo galeen magaalada Muqdisho.

 

Cabashada dadka ku nool xaafadaha aan magacawnay ayaa isa soo tareysay dhowrkii todobaad ee lasoo dhaafay, iyadoo nadaaxad xummada iyo urtu ay maalinba maalinta ka dambeysa kasii dareyso.

 

Ciidamada Itoobiya ee xarumaha ku leh degaanada aan magacownay oo tiradoodu gaareyso kumanaan askari ayaan haysan haba yaraatee wax musqulo ah oo ay isticmaalaan, isla markaana aan awoodaan in ay dhex galaan guryaha shacabka oo ay weydiistaan in ay musqulahooda adeegsadaan, sidaa daraadeed kumanaanka ciidamada Itoobiya ee xarumaha ku leh degaanada aan magacownay ayaa ku saxarooda banaanka goobaha ay degen yihiin.

 

Baaritaan uu warsidaha Aayaha.com arrinkan ugu kuurgalay ayaan ku ogaanay in xaaladda nadaafad darro iyo urta qurmuun ee soo wajahday dadka ku nool agagaarka Dekedda, Eeraboorka, Iskool Boliisiyo, Xabsiga Dhexe, iyo Xerada Hangashta ay faraha kasii baxeyso, iyadoo dadka degaanka oo qaarkood u waramay Aayaha.com ay sheegeen in ay ka baqayaan in ay cuduro ka dilaacaan degaankaas, iyagoo gaar ahaan ka cabsi qaba in haddii ay roobab yimaadaan ay markaa halis ba'an ugu jiraan in wasakhdaas ay dhaliso cuduro aad u xun.

 

Mid kamid ah dadka degaanka Iskool Boliisiyo oo muujinaya xaaladda ay ku nool yihiin ayaa ku dhawaaqay "War dadkii ma noola, qoysas badan ayaa urka iyo wasakhda saxarada Itoobiyaanka uga qaxaya guryahooda". Hooyo Soomaaliyeed oo degen agagaarka dekedda ayaa iyana sheegtay in ay ku dhow yihiin in ay guryahooda uga qaxaan saxarada iyo wasakhda Itoobiyaanka "Haddii ay Itoobiyaanku bil kale sii joogaan halkaan, waxaa hubaal ah in ay qoysas badan guryahooda ka carari doonaan" ayey tiri hooyada Soomaaliyeed ee u warantay Aayaha.com.

 

Aqoonyahan Soomaaliyeed oo ku nool degaanka dekedda ayaa sheegay in gudaha dekedda uu dhex daadsan yahay saxarada Itoobiyaanka, iyadoo ciidamadu ay si aan xishood laheyn ay meel kasta oo ay gaaraan ugu saxaroonayaan "Dekedda oo aan musqulo laheyn looguma talo gelin in ay cidi ku noolaato, iska daa kumanaan qof'e" ayuu yiri aqoonyahanka Soomaaliyeed, isagoo hadalkiisa kusii daray "degaankaan oo awalba nadaafad darro la il darnaa ma xamili karo saxarada kumanaan Tigree ah".

 

"Waayahaanba ciyaalka waan ka joojinay in ay banaanka ku ciyaaraan, ileyn dhulkii oo idil saxaro ayaa daadsane" ayey tiri haweeney Soomaaliyeed oo muujineysay dhibaatada ay keeneen ciidamada Itoobiyaanka.

 

Iyadoo uu gobolada dalka qaarkood ka dilaacay cudurka shuban biyoodka, xadaafad xummo darteed, ayaa waxey dadka degaanada Dekedda, Eeraboorka, Iskool Boliisiyo, Xabsiga Dhexe, iyo Xerada Hangashtaka cabsi qabaan in ay cuduro halis ah oo aan horay loo arag ka dhashaan halkaasi.

 

Dadka ku nool degaanada ay nadaafad daradu soo wajahday ayaa welwel badan ka muujiyay in ciidamada Itoobiyaanku muddo dheer sii joogaan degaanadooda, iyagoo Allaah ka baryay in uu ka dul kiciyo ciidamada wasakhda ah ee dhulkoo idil najaaseeyay.

 

Rasaasta iyo madaafiicda Itoobiyaanka ayey shacabka Soomaaliyeed khaati ka taagnaayeen, haatanna saxaradoodii ayey xaafado fara badan oo reer Muqdisho ah qax ka yihiin.

 

Aayaha.com

Editor@aayaha.com

 

Source: www.aayaha.com

 

[ February 11, 2007, 11:46 PM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warlord Abdullahi Yuusuf must be served some of them as his dinner, for they brought this elusive 'victory' for him!

 

I am sure ************ would not hesitate to kiss both the feces and the bearers of it!

 

And that is the product of the Transitional Feces Government!

 

[ February 11, 2007, 11:47 PM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

AlleUbaahne, waryaa hee dee kubadda u qabooji Generale Duke, waa maxay ninka wuu kaa xishoodaa, ee adna ka xishoo.

 

I agree with you about ethiopianka urkooda iyo qurunkooda waa balaaya wada tuunjiga isticmaasho aan aqoonin musqul

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nuunow, nin aan ixtiraamo ayaa tahay, laakiin waligaa hala damcin gaalo-raac inuu sharaf iyo turiinsho helo, sababtoo ah dadkuu doortay ayaa ugu filan iney ixtiraam siiyaan, not us, i guess!

 

War ninyahow iiga waran family-ka, soo shax shax maahan waxwalba?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^That was one of your funniest, finest posts, pure comedy I tell ya.

 

Keep up the good work, from threatening to takeover the region to giving us such a story. Marvelous...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this