Sign in to follow this  
Liibaan

Jabuuti Oo Soo Iraday Wakiilkii Ufadhiyay Somaliland Jabuuti

Recommended Posts

Liibaan   

Jabuuti Oo Soo Iraday Wakiilkii Ufadhiyay Somaliland Jabuuti

20050424-fired.jpg

(Hargeisa}22.12-06

Xukuumadda Jabuuti ayaa albaabada u xidhay xafiiskii diblomaasiyadeed ee Jamhuuriyadda la magac baxday Somaliland ay ku lahayd dalka Jabuuti, isla markaana ku amartay wakiilka Hargeisa u joogay Jabuuti iyo shaqaalihii kale ee xafiiska in ay muddo saddex maalmood ah (72 saacadood) kaga baxaan dalkooda

 

 

Sida uu qoray Wargeyska Jamhuuriya ee kasoo baxa Magaalada Hargeysa Warar rasmi ah oo laga helay ilo ku dhowdhow xafiiska diblomaasi ee maamulka la baxday Somaliland ku leedahay dalka Jabuuti, ayaa sheegay qoraal rasmi ah oo ay xukuumadda Jabuuti soo saartay shalay in ay ku wargelisay wakiilka maamulka hargeisa u fadhiyey dalkaas in xukuumadda Jabuuti joojisay cilaaqaadkii diblomaasi iyo xidhiidhkii dawliga ahaa ee ay la lahayd ismaamulka Somaliland.

 

Sidaa daraadeed, xukuumadda Jabuuti ayaa ku amartay wakiilka in uu joojiyo gebi ahaanba hawlihii uu ka waday xafiiska maamulka isku Magacaabay Somaliland uga furnaa magaalada Jabuuti, isla markaana isaga iyo hawlwadeennada kale ee xafiiskaa kala shaqaynayey ay muddo saddex maalmood ah kaga baxaan dalka Jabuuti.

 

Go'aankan ay xukuumadda Jabuuti albaabada ugu laabtay xafiiska maamulka isku Magacabay Somaliland uga furnaa dalkeeda, ayaa la sheegay in uu ka dhashay kadib markii ay xukuumadda Jabuuti ka cadhootay go'aan ay toddobaadkii hore Somaliland ku mamnuucday in xoolaha nool ee ka dhoofa dekedda Berbera la sii mariyo dekedda Jabuuti, kaas oo qayb ka ah qorshe dawladda Jabuuti ku doonayso in dekedeedu marin u noqoto dhammaan xoolaha nool ee laga dhoofiyo mandaqadda Geeska Afrika.

 

Safiirka maamulka isku Magacaabay Somaliland, Ambassador Rashiid ayaa diiday in uu ka hadlo go'aanka xukuumadda Jabuuti ku xidhay xafiiska Somaliland, isaga [Wakiilka] iyo shaqaalahiisana dalka ka caydhisay.

 

Waa markii labaad ee ay dawladda Jabuuti albaabada u xidho qunsuliyadda maamulka labaxay Somaliland ku leedahay dalkeeda.

 

Sannadkii 2000, ayey xukuumadda Jabuuti xidhay xafiiskii ay Somaliland ku lahayd dalkooda, isla markaana soo caydhisay wakiilkii iyo shaqaalihii kale ka hawlgeli jiray xafiiskaas, waqtigaas oo uu xumaaday cilaaqaadkii siyaasadeed ee xukuumaddii Cigaal iyo xukuumadda Madaxweyne Geelle.

 

Hase yeeshee, sannadkii 2003-dii ayey markale xukuumadda Jabuuti oggolaatay in Somaliland dib u furato xafiiskii ay ku lahayd dalkeeda.

 

Go'aankan cusub ee xukuumadda Jabuuti albaabada ugu xidhay xafiiska Somaliland ilaa hadda wax jawaab ah kama bixin Maamulka isku magacaabay Somaliland.

 

Widhwidh Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this