Sign in to follow this  
Wiilo

Wiilkii ugu horeeyay ee ay Rasaas ku dilaan Itoobiyaanka

Recommended Posts

Wiilo   

KANI WAA WIILKII UGU HORREEYAY, BALSE THERE WILL BE MORE..........

 

 

Wiilkii ugu horeeyay ee ay Rasaas ku dilaan Itoobiyaanka.

 

 

Waa arday ka mid ah ardayda dugsiga Hooyga Xamar oo ay toogteen ciidamada Itoobiyaanka oo ku sugnaa abaarihii 12-kii duhurnimo ee maanta fagaaraha weyn ee tarabuunka, wuxuuna noqonayaa wiilkii ugu horeeyay ee ay toogtaan Itoobiyaanka

 

Kaddib isu soo bax ballaaran oo maanta ka dhacay goobo badan oo magaalada Muqdisho ah ayaa waxaa ay ku dileen ciidamada Itoobiyaanka fagaaraha weyn ee Tirabuunka wiil yar oo da’diisa lagu sheegay 13-jir kana mid ahaa dadkii dibadbaxa ku muujinayay diidmada in ciidamada Itoobiyaanka ay hub ka dhigis ka sameeyaan magaalada Muqdisho, isla goobtaasna ku qurxabaxay.

Wiilka dhintay oo la oran jiray C/ladhiif Cumar Xalane Raage ayaa ka mid ahaa ardada wax ka barta dugsiga Hooyga Xamar ee magaalada Muqdisho, Aabbaha wiilkaasi oo aanu ku booqnay gurigiisa oo aan ka fogeyn fagaarahaasi ayaa yiri “Wiilkeyga wuxuu ka mid ahaa dadkii tirabuunka tagay, rasaas ayaa amxaarada ku soo fureen markii ay ka soo carareena dhabar ayay ka toogteen wadnahiisa ayaana banaanka u soo baxay,”.

 

Dhinaca kale bannaanbaxyadaasi oo hareeyay gebi ahaan magaalada Muqdisho isla markaana ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqyadii ganacsiga hakiyay ayaa waxaa kaloo dhaawac ka soo gaaray gabar yar oo iyana ku sugneyn dhinaca No.4. halkaasoo mid ka mid ah banaanbaxayaasha uu dhagax si kedis ah madaxa ugu dhuftay askari Itoobiyaan ah oo isna rasaas ugu jawaabay hase ahaatee waxa ay rasaastaasi haleeshay gabar yar oo ka mid ahayd dibad baxayaashaasi.

 

Abdikarim Ibrahim Adan (Ampacilin).

E-mail: webmaster@goobjoog.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this