Sign in to follow this  
Thierry.

Most of Mogadishu Captured by Government troops: No Amisom involved

Recommended Posts

Thierry.   

Shariif_Shiikh_Axmed.jpg

 

Madaxweyne Shariif oo guulo ka sheegtay Dagaalada Muqdisho iyo isagoo beeniyay in AMISOM ay ka qeyb galayaan dagaalada. Posted: 7/12/2009 11:07:00 PM Shabelle: MUQDISHO

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta guulo ka sheegtay Dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho isagoo beeniyay in ciidamada AMISOM ay ka qeyb galayaan dagaalada.

 

Kadib shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay aqalka Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu sheegay in guulo ay ka gaareen dagaaladii maanta ka dhacay gudah Caasimadda ee Muqdisho,isagoona sheegay in dagaaladaasi ciidamada dowladda KMG ay ku wiiqeen awoodii xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda dowladda.

 

Waxaa uu tilmaamay madaxweyne Sheekh Shariif sheikh Axmed in ciidamada dowladda ay la wareegeen goobo ay ku sugnaayeen xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda dowladda.

 

Madaxweyne Sheekh shariif Sheekh Axmed waxaa uu beeniyay in dagaaladaasi ay qeyb ka ahaayeen taangiyada Ciidamada AMISOM iyo Ciidamadooda,isagoo xusuy in dagaaladaasi ay galeen oo kali ah ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.

 

“Guulaha la gaaray waad aragtiin oo ciidamada dowlada in ay Global ganacta ku dhigeen waad aragtaan,arinta ku saabsan AMISOM-na Ilaa iyo hadda kama warheyno in ay tageen goobaha dagaalka ama ay suuqa Bakaaraha duqeeyeen,Marka Masuuliyadda waxaa qaatay ciidamada dowladda”ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa uu sidoo kale ku celiyay in dalka Soomaaliya ay ku suganyihiin dad Ajaanib ah iyo waliba dhalinyaro Soomaali ah oo uu sheegay in ay heystaan Baasaboor dhanka dibadda ah.

 

Sheekh Shariif Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya waxaa uu carabka ku dhiftay in nin ay soo bandhigtay dowladda KMG Soomaaliya Maalintii shalay oo ay ku sheegtay in uu yahay Ajanabi aanay aheeyn qof ajanabi ah hase ahaatee uu ahaa wiil Soomaaliyeed oo ka yimid dalka Maraykanka Sida uu hadalka u dhigay.

 

“In dad la gowraco iyo in dad lagubo diin qabtaa malahan,diinteenan berri ayay ka tahay arinkaasi,marka waxaan leenahay dhalinyarada la soo maran habaabiyay waalidiintooda iyo iyagaba waan ku waaninaynaa in ay ka laabtaan,waxaad la socotiin shalay dowladdu in ay mayd soo bandhigtay lagu ogaadey in uu ahaa nin Maraykanka ka yimid oo Soomaali ah oo waqti dheer deganaa”ayuu hadalkiisa intaasi sii raaciyay.

 

Madaxweyaha dowladda KMG Sheikh Shariif Sheekh Axmed oo sii watta shirkiisa jaraa’id ayaa waxaa uu faah faahin ka bixiyay safaradii uu ku soo maray dalka dibadiisa gaar ahaan Liibiya,waxaa uu sheegay in uu ahaa shirkaasi mid lagu garab istaagay dowladda KMG Soomaaliya.

 

Shirkaan jaraa’id ee madaxweyne Sheekh Shariif uu ku qabtay magaalada Muqdisho islamarkaana uu ku beeniyay in AMISOM ay ka qeyb qaadanayaan dagaalada Muqdisho ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa xili dhinaca Waqooyi ee Magaalada Muqdisho wali ay ka socdaan dagaalo culus oo u dhaxeeya dowladda KMG iyo xoogaga Hubaysan ee ka soo horjeeda.

 

Degmooyinka lagu dagaalamay ayaa maanta waxaa lagu arkayay Gaadiid dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada AMISOM kuwaasi oo gacan siinayay Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya wallow saraakiisha AMISOM iyo kuwa dowladda ay beeniyeen arinkaasi.

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

 

Dhageyso wararka 7:00-Fiidnimo Habeen walba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka.

 

Fadlan wixii Qalad ah Nala Soo xariir radioshabelle@ymail. com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

38955.jpg

 

Shiikh Shariif oo bixiyey Amarka Dagaalka saakey ka bilowdey Muqdisho iyo Taangiyada AMISOM oo dagaalka ka qayb qaatay

 

Dagaal aad u qaraar ayaa weli ka sii socda qaybo ka tirsan Magaalada Muqdisho kaasoo u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Xarakooyinka Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo isku dhinac ah wuxuu dagaalka xoogiisa saakey aroortii ka bilowdey Degmada Cabdi casiis kasoo markii dambe ku fidey Degmadda Karaan waxaana lagu waramey in dagaalkaan ay ka qaybqaadanayaan Taangiyo ay leeyihiin ciidamada AMISOM inkastoo Saraakiisha Amisom ay dafireen kuna andacoodeen in aysan Fasax u heysan ka qayb galka dagaalka ka socda Magalada Muqdisho hase yeeshee dadka deegaanka ayaa sheegey in ay arkeen Taagiyada Cidamada Amisom oo ka bar bar dagaalamaya kuwa Dowladda.

 

Gaadiid Gurmadka deg dega ah ayaa la sheegay in ay Isbitaaladda Muqdisaho Gaarsiiyeen Dad gaaraya ilaa 30 qof oo dhaawac kuwaas oo la sheegey in ay u badan yihiin Dad Rayid ah oo rasaasta ugu tagtey Guryahooda , waxaa kaloo la sheegay in Dagaaladaan ay ku dhinteen Ilaa 10 Qofood oo u badan Kooxihii Dagaalamayey Sidoo kale Afhayeen u hadley Xarakada Al-Shabab wuxuu sheegay in Fariisamadooda ay ku lahaayeen Waqooyiga Muqdisho la soo weerarey ka dibna ay iska caabiyeen , wuxuu kaloo sheegay in ay ciidamadooda ay ku sugan yihiin Goobahoodii ay ku lahaayeen Degmada Cabdi Casiis iyo Kaaraan.

 

Ciidamadda Dowlada ayaa la sheegay in ay guulo ka gaareen Dagaalka sida uu sheegay gudoomiye kuxigeenka arrimaha Nabadgelyada Gobolka Banaadir Cabdifitaax Shaaweeye , wuxuu kaloo sheeya in Ciidamada Dowladda ay gaareen Deegaanka Galgalato iyo Deegaano ka tirsan waqooyiga Muqdisho oo ay hore u joogeen Kooxaha Mucaaradka ,Sheegashada Dowlada Guulahaas ayaa la xaqiijin , sidoo kale Ma jiraan warar ka soo baxay dhinaca Kooxaha Mucaaradka ah.

 

Weli waxaa la maqlayaa Daryanka Madaafiicda ku hoobaneyso Xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho iyadoo wararkii ugu dambeeyey waxay sheegayaan in Madaafiic ay ku soo dhaceen Suuqa Bakaaraha iyo Deegaano ka tirsan Cali Kamiin waxaana la xaqiijiyey in Madaafiicdaas ay geysteen Khasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac Ila iyo hadda lama garanayo waxa keeney in la duqeeyo Suuqa Bakaaraha?.

 

Labadii Bilood ee ugu dambeeyey waxaa Magaalada Muqdisho ka jirey dagaalo ay ku dhinteen dad fara badan kuwa kale ay ku dhaawacmeen , waxay dagaaladaas sababeen in ay ku barakacaan Kumanaan qoys kuwaas oo haatan ku dhibaateysan Daafaha Magaalada Muqdisho mana muuqato Rajo ay ka qabaan in ay dib ugu soo laabtaan Guryahoodii waxayna markasta ayu dalbanayaan in labada dhinac ay gaaraan heshiis si loo dhameeyo Dhibaatada

Sidoo kale waxaa Maalmahan Dowladda soo gaarayey Hub noocyadiisa kala waxaana Hubkii ugu dambeeyey uu uga yimid wadanka Mareykanka kasoo Dowladda loo soo marsiiyey Wadanka Uganda.

 

Dowladda Federaala ayaa soo bandhigtey Maydka qof ay ku sheegtey in uu u dhashey Wadanka Afganistaan kasoo ku dhintey Dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho hase yeeshee Qofkaas ayaa noqdey Qof Soomaali ah sida ay xaqiijiyeen Waalidkii oo ku nool Wadanka Mareykanka waxay kaloo ay sheegeen in wiilkooda uu ka maqnaa Muddo dheer iyagoo sheegay in aysan garaneyn halkii ugu dambeeysey waxayna Magaciisa ku sheegeen Jamaal Baana

 

Wararkii ugu dambeeyey ee Dagaalada waxay sheegayaan in Ciidamada Dowlada ay gaareen Isbitaalka Keysaneey , waxaana halkaa Shir jaraaid ku Qabtey Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad oo sheegey in Madaweyne Shiikh Shariif uu Bixiyey Amarka Dagaalka ka dib markii uu indhacadde Sheegey in kooxaha ka soo horjeeda ay diideen wadahadal.

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmai l.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

^^ When other people do it, they lie. But this dude begins with " Alhamdulilah, wasalatu wasalamu 'ala rasulah wa ba'd. and then he says something idiotic like "five Eritrean generals are leading the war in Muqdisho and they are here. he he.

Share this post


Link to post
Share on other sites

As a former member of the opposition in Asmara, don't u think he has more info about them ? ,,,

 

 

They sheikh is not only Sheikh sxb ,,,, He is a Politician Sheikh ,, No it doesn't called a LIE ,, it is called TAWRIYAH ,,,,

 

Ask Xiin and Sophist if you don't know what Towriyah is ,,,,,,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this