Sign in to follow this  
General Duke

Yusuf completes 4 years as leader of Somalia:

Recommended Posts

Yusuf oo saxafada la hadley

14 Oct 14, 2008 - 5:34:27 AM

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta soo saaray warsaxaafadeed uu kaga hadlay waxqabadka xukuumadiisa afartii sano ee ay jirtay.

 

Warsaxaafadeedka Madaxweyne Yuusuf ayaa lagu sheegay in DF ay wax la taaban karo qabtay tan iyo markii la magacaabay [Oct 12, 2004], kadib shir lagu qabtay dalka Kenya.

 

Qoraalka uu Madaxweyne Yuusuf soo saaray ayaa waxaa saxaafada u aqriyay Afhayeenkiisa Xuseen Max'ed Max'ud [Xuubsireed] isagoo sheegay in Madaxweynuhu uu salaan u dirayo dhamaan shacabka Soomaaliyeed.

 

"Kuwa shidada kawada dalka waxaan ugu baaqayaa inay dagaalada joojiyaan oo ay nabada qaataan, hadii ay sidaa yeeli waayaan ha ******** in DF ay mas'uul ka tahay shacabka Soomaaliyeed oo dhan ayna difaaci doonto" ayuu Madaxweyne Yuusuf ku yiri qoraalka uu soo saaray.

 

Xuubsireed ayaa saxafiyiinta u sheegay in Madaxweyne Yuusuf uu shir la galay Ra'iisul wasaaraha Somalia Nuur Cadde sidaa daraadeedna uu isaga saxaafada u aqrinayo qoraalka uu soo saaray Madaxweynuhu.

 

Warsaxaafadeedka Madaxweynaha Somalia ayaa lagu sheegay in Maxkamada sare ee dalka ay go'aan ku gaartay in wasiiradii iyo wasiir ku xigeenadii horay isku casilay ay shaqeynayaan, codeyntii baarlamaanka ay tahay mid aan jirin.

 

"Maxkamada sare markii ay daraasad sameysay ayay go'aan ku gaartay in wasiiradii DF ay shaqeeyaan maadaama go'aankii baarlamaanku uu noqday mid aysan waxba ka jirin" ayuu Madaxweyne Yuusuf ku yiri qoraalkiisa.

 

Madaxweyne Yuusuf ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay gacan siiyaan xukuumada, ayna ka shaqeeyaan nabada iyo xasiloonida dalka.

 

Garowe Online, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

The anniversary of the crowning of the stooge! I despair when fools try to divert the real issues, dodge the existential question of a nation and its pride, and seek release in inane rituals and fetishes that ornament false coronation.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

Males Zanawi wax rajo ah oo ka heysa xukunka Cabdulaahi Yuusuf ma jirraan, wuxuuna iminka ku howlanyahay sidii uu oga taqalusi lahaa odayga 80 jirka ah ee uu ku tilmaamay in uu howlgabyahay, isagoo ka hadlayay kulan ka dhacaya Washington ayuu sheegey in lasoo gaaray xiligii xilka laga diiri lahaa wax uu ku tilmaamay hogaamiyeyaasha cantatabka ah ee curyaamiyey shaqadii Soomaaliya uu ka fushan lahaa.

 

Wax u muuqda in uu yahay musbaarkii ugu dambeeyey ee lagu dhakabiyo naxashka godka loosii wado ee xukunka Cabdullaahi Yuusuf, ayaa ah hadal kazoo yeerey Males Zanawi oo ka hadlay kullan Washington ka dhacay, haddii ay kula tahay in kaligaa aad Cabdullaahi Yuusuf necebtahay, sidaasi xaalku waa ka duwanyahay, waxaa markani doonta kula saran Males Zanawi oo ahaa aabihii dhalay oo dhiiqey xukunka daba ka riixa ah ee Cabdullaahi Yuusuf.

 

Waxaa xusid muddan xiliga uu kusoo beegmey hadalka Zanawi oo ah qudha 4 sanno ka dib markii odayga loo dhiibey usha ajuuro cunsan ee uu ku aakhiro seegey, Zanawi wuxuu leeyahay “iskaba dhaaf in ay dowlada Cabdullaahi Yuusuf howhseeda gudatee, waxayba noqotey caqabad nabbada hortaagan”, ma ahan oo kaliya in uu fakir kaliya qabbo ee waxa ka go’an in uu talaabo qaado.

Wuxuu leeyahay “hogaanka hadda jirra oo aan la badalin wax ka hagaagaya ma jirraan”,

 

Ra'iisul wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi oo ka hadlayay rajada nabad ka dhalata Somalia ayaa yiri: "Ma jirto rajo muuqata oo Somalia nabad looga dhalin karo, isla markaana ma muuqato waqti iyo xoog loogu lumiyo wixii maanta ka dambeeya".

Zenawi, wuxuu sheegay in rajada Somalia ay tahay in la badalo hogaanka hada talada haya, isagoo sheegay inuu hogaanka hada jira ku guuldareystay inuu wax ka qabto xasilinta Somalia iyo dib u dhiskeeda.

 

"Madaxda Somalia waa kuwo ku shaqeynayay xukunkii Siyaad Barre oo jooga da'da howlgabka, halka kooxaha ka horjeeda ay yihiin kuwo u badan dhalinyaro, taasina ay sabab u noqontay kooxaha kacdoonka wada inay kaga awood bataan ciidamada DF goobaha dagaalka" ayuu yiri Zenawi oo sharaxayay madaxda DF.

 

Meles, wuxuu sheegay in Ethiopia ay tababartay tiro badan oo ka tirsan ciidamada Somalia, waxaana ciidamadaas markii aan ku wareejinay gacanta DF ay isaga tageen shaqadii, iyagoo ku biiray mucaaradka.

 

Ciidamada Ethiopia ayaa loo diray Somalia si ay u taageeraan DF, iyadoo Zenawi uu sheegay in ciidamadooda aysan u afduubnaan doonin go'aanada shaqsiga ah ee hogaanka hada gacanta ku haya Somalia.

"Tabardarada xukuumada Soomaaliya waxay sahashay in kooxda Al-shabaab ay gacanta ku dhigto Magaalada Kismaayo, taasna waa mid aan la aqbali karin" ayuu yiri Ra'iisul wasaaraha Ethiopia Miles Zenawi.

Wasiirka arimaha dibad DKMG Cali Axmed Jamac [Jangeli] oo wax laga weydiiyay canaanta uu Zenawi u jeediyay xukuumada Somalia ayaa ku timaamay kuwo ay saxaafadu buunbuuninayso, wuxuuse qiray inuu jiray kulan ay yeesheen madaxda dalalka IGAD ayna kaga hadleen arimaha Somalia.

 

Hadalka Zanawi waa cadeyn dhab ah oo ku saabsan qorshaha looga gol leeyahay shirka Nairobi lagu qabanayo bishani dabayaaqadeeda, hadalkiisa waxaa si toos ah looga fahmayaa in shirkaasi uu yahay mid Cabdullaahi Yuusuf xilka looga qaadayo, meeshana lagu keenayo wax uu ku tilmaamay hogaamiyeyaal da’ oo iska dhiciya xoogaga kacdoonka oo uu aaminsanyahay in ay yihiin dhalinyarro sida magacoodaba uu yahay “Shabaab”. Arrintani ku saabsan in isaga xilka looga qaadayo waxa daraad faafisey KismaayoNews oo soo xiganaysay hadalo la’osla dhexmarayay.

 

Hadalka aan kor kusoo xusney ee aan Zanawi kazoo xiganay eek u saabsan Kismaayo iyo isbadalka maamulka magaalada, ayaa cadayn kale u ah in muhiimnada Zanawi ay tahay Kismaayo, halkaasi waxaa ka cad in talaabada xigta ee Zanawi uu kusoo abaarayo Soomaaliya in Kismaayo indhaha loo duwi doono.

 

Hadalada Zanawi waxaa kaloo ka cad in shirka Nairobi uu yahay mid Ethiopia ay wadato oo kaliya, qorshahana uu yahay sidii dalka dib loogu soo celin lahaa DKMG oo si dhab ah u fulisa danaha cadowga.

 

Yuweri Musavani oo ah madaxweynaha Uganda oo isagana kullanka ka hadlay ayaa qabba in sheekadu aysan noqon mid Ethiopia iyo IGAD ku koobnaatee, balse ay noqoto mid aduunka oo dhan ay faraha lasoo galaan, taas oo uu ula jeedo in dalka la keeno ciidamo wadamo baddan ka socda.

 

KismaayoNews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

Males Zanawi wax rajo ah oo ka heysa xukunka Cabdulaahi Yuusuf ma jirraan, wuxuuna iminka ku howlanyahay sidii uu oga taqalusi lahaa odayga 80 jirka ah ee uu ku tilmaamay in uu howlgabyahay, isagoo ka hadlayay kulan ka dhacaya Washington ayuu sheegey in lasoo gaaray xiligii xilka laga diiri lahaa wax uu ku tilmaamay hogaamiyeyaasha cantatabka ah ee curyaamiyey shaqadii Soomaaliya uu ka fushan lahaa.

Good riddance. Now some village in Puntland can have their id!ot back.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this