Sign in to follow this  
Jumatatu

La taliyahii dhinaca sharciga ee Madaxweyne ....

Recommended Posts

Jumatatu   

La taliyahii dhinaca sharciga ee Madaxweyne Cabdilahi Yusuf oo is casilay,wareeysi gaara oo aan la yeelanay

 

Dr Jamaal Cabdi samad Xersi dhaqane oo ahaa La taliyahii dhinaca sharciga ee Madaxweyne Cabdilahi Yusuf ayaa markii ugu horeeysay shaaca ka qaaday inuu iska casilay xilkaas.

 

Hadaba Garyaqaan Jamaal oo aan ku booqanay Hotelka uu ka degan yahay Nairobi ayaan wareeysi gaara oo dhinacyo badan taabanayo kula yeelanay halkaas waxaana ugu horeeyn weeydiinay maxay tahay sababta kugu kaliftay inaad iska casisho xilkii dhinaca la taliyanimada sharciga ee Madaxweyne yusuf xilligaan xasaasiga ah?wuxuuna iigu jawaabay:Markii aan arkay in Madaxweyne Cabdilahi Yusuf uu go’aan ku gaaray inuu Soomaaliya gacanta u geliyo dowlada Itoobiya ,umadda Soomaaliyeedna ay dhextaalo anaga iyo Itoobiya Cadaawad soo jireen ah,Cabdilahi Yusuf waa nin Maskax adag,qaatana talooyinka qalafsan ee dowlada Itoobiya ku dooneeyso inay dalka ku qabsato sababtoo ah Soomaaliya boqolkiiba boqol ,,waxay diidan yahiin in Ciidamo safka hore ka socda la geeyo Soomaaliya dhinaca sharciga marka la eegana ilaa hada lama hayo qodobka dhigaya inay yimaadaan ,,inteey joogayaan iyo sida ay macquul ku tahay in Zenawi oo heeysto dhulka ****** ee kilinka shanaad ,,maalin walba xasuuq u geeysta uu Soomaaliya nabadeeyn karo,waqtiga hada aan ognahay Ciidamada Sirta Itoobiya waxay badankood joogaan Xafiiska Madaxweyne Cabdilahi yusuf ,wadanka Soomaaliyana tiro farabadan ayaa ku nool ,waxayna si joogta ah dimbiyo uga galaan Shacabka Soomaaliyeed ,Cabdilahi Yusuf markii aan ujeediyay talo ah inuu dadkiisa ka raadsado niyadsami oo uu ka haro Xabashida waa igu gacan seeyray wuxuuna talo ka qaatay dad aan waxna qorin waxna aqrin oo u badan qaar uu adeera u yahay ,anigana waxaan goostay in aan umadda Soomaaliyeed aysan ii arkin in aan ahay Dabadhilif Itoobiya waana sababta aan isaga casilay xilkaas.

Waxaa kale oo aan weeydiinay Dowlada Cabdilahi Yusuf Madaxweynaha ka yahay side u aragtaa??????wuxuuna ku jawaabay Garyaqaan Jamaal mar kale .

 

Dowlada Cabdilahi Yusuf waa dowlad ay dhexboodayaan dad aan aqoon u lahayn habka maamul dowladnimo ee Leadership-ka laga soo bilaabo Madaxweynaha oo wali taagan ,habkii Jabhadii SSDF ee ahaa qeeybi oo xukun ,qofkii taladaada ka hor imaada inuu dilo ama caayo ama laaluusho ,doqomana u adeegsado,waxaan u sheegi lahaa inay taas dhamaatay ,umada Soomaaliyeedna ay manta ka daaleen nidaamkaas foosha xun ee kaligii talisnimada ah ,Cabdilahi Yusuf waxaan isku daynay inaan ka soo kaxeeyno Puntland waxaan uga soo kaxeeynayna waxay ahayd dilkii Issimada Puntland iyo shacabka aan waxna galabsan ,arrintaas waxay u taashaa Umadda Soomaaliyeed .

Waxaan Dr Jamaal weeydiinay su’aashii seddexaad siyaasada ma isaga baxday oo ma halkaas baad uga hadhay???/wuxuuna iigu jawaabay .wali waxaan dagaal ugu jiraa sidii aan u hor istaagi lahayn inaan Soomaaliya la keenin wadamada Safka hore oo ay Itoobiya ku jirto,waxaan maalmahaan isku dayay inaan Xildhibaanada Soomaaliyeed ka dhaadhiciyo inay arrintaas ka soo horjeestaan,hadana meel fiican beey noo mareeysaa,habeen dhaweeyd waxaa telefoonka igula soo hadlay ku xigeenka Koffi Anan Jan Yagliand ,waana isla meel dhignay inaan Ciidamadaas la keenin ,sida uu hore u sheegay Safiirka dowlada Mareykanka u fadhiya Nairobi William Balamay,waxaan u sheegaa Umada Soomaaliyeed arrintaan oo Taariikhi ah inaan isu kaashano inaan ka hor imaana inaan Ciidamada safka hore Soomaaliya la keenin

 

Waagacusub.net 10.3.05 Nairobi

 

 

Waaga3.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Juma, resignation is needed sometimes. It is part of the democratic process. Cabinet members/staff must resign if the goverment is deaf-toned on important issues and they don't agree with it. That is the honorable thing to do. Abdulahi Yusuf must take notice.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

It is indeed a democratic process, and that is not under scope now, but the reason that led him to resign speakes volumes.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this