Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Puntland parliamentarians not safe in bosaaso.

Recommended Posts

Xildhibaan Lagu Diley Bosaso iyo Dad Loo Qabtey Falkaas

January 5, 2010Waxaa fiidnimaddii caawa lagu diley magaalada Bosaso Xildhibaan Cabdullaahi Cali Cismaan. Xildhibaanka ayaa toogasho lala beegsadey xili uu ka soo baxay goob masaajid ah, kadib waxaa weerar ku qaaday nin hubaysan. kaas oo rasaas la beegsadey

 

Xildhibaanka ayaa la sheegay in uu isla goobta ku nafbaxay, waxaana isla markiiba goobta gaarey ciidanka amaanka ee Puntland.

 

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa tibaaxaya in ciidanka amaanku ay isku gedaameen goob lagu tuhunsan yahay in uu ku jiro ninka geystey, waxaana la sheegay in lagu rajo weynahay in gacanta lagu soo dhigo waqti dhaw.

 

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegay in Boolisku ay u qabteen falkaas laba nin kuwaas oo lagu tuhmey in ay xiriir la leeyihiin falkaas.

 

Xildhibaan Cabdullaahi ayaa kamid ahaa xildhabaanada Baarlamaanka Puntland, waxaana uu ka soo galay Gobolka Bari gaar ahaan magaalada Bosaso. Waa xildhibaankii labaad oo lagu dilo gudaha Puntland muddo laba bilood gudaheed ah, sidoo kale waxaa la isku dayey in la dilo Gudoomiyaha barlamanka Puntland, Cabdirashiid Maxamed Xirsi, kadib markii qarax lala beegsadey gaarigiisa waxaana ku dhintey mid kamid ah ilaaladiisi.

 

Faahfaahinka filo Hoseed Media……..

News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xildhibaan C/laahi Cali Cismaan Oo Caawa Boosaaso Lagu Dilay ,Laba Qof Oo Loo Qabtay Dilkan

Written by Jidbaale.com

Tuesday, 05 January 2010 21:17

Boosaaso(Jidbaale.com):- Waxaa caawey lagu dilay magaalada Boosaaso ee Xurunta Gobalka Bari Xildhibaan C/laahi Cali Cismaan oo loo yaqaan Karaad xildhibaanka ayaa la dilay asaga oo salaaddii cishe ka soo baxay meel aan saas oga fogayn Masaajid uu ku soo tokoday salaaddii cishe.

 

 

 

 

Waxaa soo badanaya weerararada loo gaysanayo masuuliyiinta ka tirsan Dowladda Puntland iyada oo magaalooyinka waaweyn uu maamulka Puntland la daala dhacayo sidii loo adkeyn lahaa amaankooda.

 

 

Xildhibaanka ayaa noqonaya xildhibaan kii labaad ee la dilo waxaa horay loo dilay Xildhibaan Ibraahim Cilmi warsame iyo Wasiirkii warafaafinta Puntland Warsame Abdi shirwac Seefta banaanka waxaa kaloo weerar lagu gaaciyey oo miinooyin loo dhigay wadada Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Puntland C/rashiid Maxamed Xirsi.

 

 

Maamulka Puntland ayaa wada dadaalo lagu adkaynayo ammaanka Puntland .War haatan na soo gaaray ayaa sheegay in ciidanka Amaanka ee magaalada Bosaaso ay gacanta ku dhigeen laba qof oo geystay dil ka dhacay caawa Boosaaso

 

 

Wararka ayaa intaa ku daraya in laba qof haatan lagu hayo Saldhig ku yaal Dekkada Boosaaso oo su,aalo la weydiinayo.

 

Saraakiisha Amaanka ee Boosaaso ayaa diiday in ay wax tafsiil ah ka baxshaan dilka iyo cida ka danbeysa balse waxaa ku soo badanaya Puntland dilalka aanada ah oo ku salaysan qabiilka taas oo ay adeg tahay in xal loo helo.

Dad joobjoogayaal ah ayaa sheegay in ciidanka ay qabteen laba qof oo loo badinayo in ay dilka iyagu geysteeen ka dib markii ay ceyrsadeen shacabka ayna mid ka mid ah dhaawaceen midna uu galay guri ku yaal Boosaaso ka dibna ay ciidanka ay xoog ku galeen guriga.

 

 

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa ah haatan mid degan waxaana ay ka dhacay banaanbax rabshado wata ka dib markii ay shacabka maqleen in dil uu ka dhacay Boosaaso.

 

 

 

Jidbaale.com

 

jidbaale.com@gmail.com This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

 

Last Updated on Wednesday, 06 January 2010 00:12

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this