Sign in to follow this  
Maaddeey

Dagaallo culus oo Muqdishu ka dhacay

Recommended Posts

Maaddeey   

Dagaalo Saaka ka dhacay Muqdisho.

By Somalimirror on 3 Jun, 2010 11:04 AM in Main, Wararka

 

Dagaalo Xoogan oo ay barbarsocdaan Madaafiic Cullus ayaa Saaka Aroortii hore ka qarxay Degmada C/casiis ee Magaalada Muqdisho kadib markii Ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG dhanka Xeebta Liido kaweerareen Ciidamo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo waayahan halkaa ku suganaa.

Taangiyada AMISOM ayaa dagaalka qeyb weyn kulahaa waxaana sidoo kale weerarka ka qeybqaadanayey Ciidamado dhawaan DKMG ah loogu soo tababaray dalka Ugandha, Madaafiicda Kaaraha iyo Hubka artalariga ah ayuuna dagaalku ku bilowday.

 

Ciidamada Al-shabaab oo Difaacyo kaga jiray Goobaha ay weerareen Ciidamda iskaashanayey ayaa dagaal kala hortagay Weerarka kaga yimid dhanka AMISOM iyo Dowlada waxaana agagaarka Xeebta liido ka dhacay Dagaalo faraha looga gubtay.

 

Afhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Max’ud Raage ( Cali Dheere) oo Saxaafada Saaka lahadlay ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM oo wata dabaabaadkooda ay ka sooweerareen dhanka Xeebta Liido ee Degmada C/casiis.

 

Sh Cali Dheere waxa uu sheegay inay iska difaaceen Weerarka lagu soo qaaday isla markaana ay mudo kadib dib u celiyeen Ciidamada iskaashanayey ee Weerarka ku soo qaaday wuxuuna Carabaabay inay dagaalka ku gubeen gaari Taaw ah oo kamida Dabaabaadka AMISOM.

 

Ujeedka dagaalka loogu soo qaaday ayuu sheegay Sh Cali inuu yahay mid culeyska looga qaadayo kooxda Sheegatada Ahlu sunah ee Suufiyada oo ay labadii Maalmood ee la soo dhaafay ay ku dagaalamayeen Hareeraha Magaalada Dhuuso-Mareeb ee Gobolka galgaduud.

 

Waxa uu sheegay in dagaalka galgaduud ay Shabaabku guulo ka gaareen isla markaana ay dhinaca kale ka dileen rag ay kujiraan Saraakiil sarsare sida uu hadalka u dhigay Sh Cali Dheere.

 

Majiro hadal ku aadan dagaalka saaka oo ka soobaxay Dhanka AMISOM iyo DKMG.

 

Dagaalada Saaka ka dhacay magaalada Mudisho intii ay socdeen iyo kadiba waxaa jiray Duqeymo Culus oo loogeystay Xaafadaha Rayidka ee ka baxsan Dagaalada waxaana inta la’ogyahay ku dhaawacmay in kabadan 10 qof oo Rayida tiro kalana wey ku dhinteen.

 

Wali Madaafiic iyo Rasaas goosgoos ah ayaa lagamaqlayaa Goobihii Dagaaladu ka dhaceen Saaka.

 

Dhanka kale Dagaal Xoogan ayaa shalay gabaldhicii qeybo kamida Degmada Hodan ku dhexmaray Xoogaga Islaamiyiinta iyo Askarta Dowlada oo kaashanaya AMISOM, goobaha uu dagaalkaasi ka dhacayna waxaa kamida Tarabuunka, Xaafada Siigaale iyo Taleex, waxaana jirtay Duqeymo ay ka dhasheen qasaarooyin oo ay Ciidamada AMISOM ugeysteen Bakaaraha iyo Xaafadaha ku hareereysan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

War Deg-Deg ah:-Taangi ay leeyihiin Amisom oo Siliska laga jaray iyo Dagaalka oo sii qaboobaya.- 03 Jun 2010

waxaa la daabacay Thu 03 Jun 2010 01: 36: 06

Muqdisho:-Warar hadad naga soo gaaray Xaafadaha Degmada Shibis ayaa sheegaya in Taangi Siliska looga jaray Wadada Nasii-Buundo waxaana sii yaraanaya dagaalkii xooganaa oo saaka bilowday.

Sida wararka xiligan naga soo gaaraya aaga dagaalka uu sheegayo waxaa Siliska laga jaray Taangi ay wateen Ciidanka Amisom kaasi oo ka dagaal galayay Wadada Nasii-Buundo Degmada Shibis Muqdisho halkaasi oo ay saaka u dhaqaaqeen Ciidamadaasi.

 

 

Qof ka mida dadka Deegaanka Shibis yaa Shacabka.Net u xaqiijiyay in Taangi ay wateen Amisom uu ku dhacay gud ku yaala Wadada Nasii-Buundo halkaasi oo qarax ka dhacay uu siliska uga go’ay.

 

 

Warkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in dagaalka uu woxoogaa ka yara qaboobay sidii uu saaka ku bilowday markii Taangi uu god kaga dhacay Amisom oo hogaaminaysay dagaalka saaka ka bilowday wadooyinka Shibis iyo C.Casiis.

 

 

Dhanka Degmada C.Casiis waxaa weli laga maqlayaa rasaasta waxaana dhacaya Taangiyada Amisom iyadoo xaalada guud ee Degmada Shibis ay haatan tahay mid dagan oo rasasta fudud oo kaliya la maqlayo.

 

 

Ciidanka Amisom ayaa xoojiyay goobta uu kaga dhacay Taangiga waxaana laga yaabaa in ay godka kala baxaan Taangiga oo siliska uu ka go’ay sida warka aynu ku helayno.

 

 

Ciidanka Alshabaab ayaa waxaa laga saaray dagaalka markii uu bilowday dhammaan dhulkii ay qabsadeen Ee Shibis iyo C.Casiis waxaana xilli waliba la filan karaa in ay ku soo laabtaan maadaama Amisom ay u muuqato mid dagaalka ka sii baxaysa.

 

 

Wixii soo kordha Shacabka.Net ayaad ka helaysaa Insha Allaah.

 

 

E_Mail: webmaster@shacabka.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this