Sign in to follow this  
Garyaqaan2

Carfi Jaamac Musharaxad cusub

Recommended Posts

Carfi Jaamac Cali Oo Maanta Shaaca Ka Qaaday In Ay Isu Soo Taagayso Jagada Madaxweynaha Puntland.

 

Laascaanood(Radiolascaanod.com)21/12/04:- Carfi Jaamac Cali oo ah haweenay si aad ah looga yaqaano Puntland Gaar ahaan Gobolka Sool ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay isu soo taagayso Jagada Madxweynaha Puntland.

 

Carfi oo gurigeeda maanta ay kula kulmeen suxufiyiin ayaa sheegatay in ay Go'aan satay in ay Isa soo sharaxdo ka dib markii ay dareentay in ay jiraan shakhsiyaad gobolladan u dhashay oo hankoodu baryahan danbe uu dhaafi waayey madaxweyne ku xigeen, iyaga oo xaq u leh innay buuxiyaan kaalintooda madaxweynanimo.

 

Waxa kale oo ay sheegaty in ay Gabdhuna xilligoodi ay Buuxin lahaayeen kaalintooda la soo gaadhay, Carfi waxa kale oo ay sheegtay in ay dhibaatooyinka Puntland ka jira diyaar u tahay in ay wax ka qabto hadii la doorto.

 

Carfi mar wax laga weydiiyey in ay ka noqotay taageeradii ay u hayn jirtay Maamulka Isaaqiya ayey i sheegtay in ay maanta Soomaali yeelatay Dawlad loo dhan yahay wax la yidhaahdo Somaliland aysan jirin , loona baahan yahay in lala jaan qaado isbadelka dhacay.

 

Carfi Jaamac Cali waxay ay ku dhalatay Magaalada Laascaanood, waxayna in badan soo ahayd Guddoomiyaha Ururka Haweenka ee Gobolka Sool, Waxayna ka soo shaqaysay Dawladii hore , waana 60 jir.

 

 

this is what i want to see more people involved.

 

 

Radiolascaanod.com

 

Laascaanood Puntland J.F.Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this