Sign in to follow this  
Jabhad

Ethiopians leave for Xamar and Waqooyi-Bari militia oo Kismaayo lawareegtay..

Recommended Posts

Jabhad   

Ethiopia Oo Kasoo Baxday Kismayo Iyo Ciidanka Puntland Oo lawaregay Kismaayo

 

News (Kismaayo}9.03-7

Ciidamo xoogan oo Ethiopian ah ayaa isaga soo baxay gobolada Jubbooyinka iyadoo qeybtii ugu horreysay ay gaadhay magaalada Baydhaba halkaasi oo ay uga sii gudbi doonaan dalkooda, ka dib markii ay sare u kacday xiisadaha iyo kacdoonada ay wadaan jab-hadaha hubaysan ee ladagaalamaya dowlada Meles Zenawi...............................................

 

Ciidamo ku hubeysan Taankiyo iyo gawaadhida kale ee dagaalka oo Ethiopian ah shalayna kasoo baxay magaalada Kismaayo ayaa saaka lagu arkayay magaalada Baydhaba, iyadoo qeyb kale oo ciidamadaasi ka mid ah ay wali ku soo jiraan wadada sida ay sheegeen goobjoogayaal ku sugan magaalada Baydhaba.

 

Sidoo kale Ilo wareedyo ku sugan magaalada Baydhaba ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamadii Ethiopianka ahaa ee magaaladaasi horey ugu sugnaa loo qeybiyay lacago isla markaana ay ka dukaameysanayeen halkaasi, iyagoo ku laabanaya dalka Ethiopia.

 

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Gen. Cabdi Mahdi ayaa warbaahinta u sheegay in ay dhamaatay howl-galadii ciidamada Ethiopoia ay ka wadeen gudaha Somalia ee ahaa la dagaalanka golihii Maxkamadaha islaamka, sidaasi darteedna ma muuqato ififaalooyin kale oo ay ku sii joogaan dalka.

 

Amaanka guud ee magaalada kismaayo ayaa waxaa si buuxda haatan ula wareegay ciidamo asalkooda kasoo jeeda goboladan puntland balse huwan magaca ciidamda dowlada federaalka

 

Dhowaan ayay aheyd markii ra’isulwasaaraha dalka Ethiopia Males Zenawi uu sheegay in ciidamada Ethiopia ay isaga baxayaan gudaha Somalia marka ay yimaadaan ciidamada Midowga Africa.

 

Ka bixitaanka ciidamada Ethiopia ee kismaayo iyo ayaa ku soo beegmay xilli ciidamo ka socda dalka Uganda ay ka soo dageen caasimadda, iyadoo kuwo kale oo ka socda dalalka Nigeria iyo Mallawi ay ka dagi doonaan Kismaayo.

 

Widhwidh Online News Desk..Media Center

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Ethiopians rewarding their most reliable puppet. But the question is, will other clans accept such transfer of Kismaayo to militia from Waqooyi Bari?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this