Sign in to follow this  
Gabbal

Hiiraale's security apparatus enroute to Gedo; Hiiraale next?

Recommended Posts

Gabbal   

Barre Hiiraale Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Maalinta Berri Ah U Soo Ambabixi Doono G/Gedo Iyo Illaalada Wasiirka Ee Isbahaysiga Dooxada Jubba Oo Ku Soo Fool Leh Degaano Ka Tirsan G/GEDO

 

Wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta DFKG ah Xildhibaan Barre Aadan Shire iyo wafdi uu hormuud u yahay oo isugu jira xubno saraakiil ah iyo odayaal dhaqameedyo ka soo jeeda Beesha SADE ayaa waxa wararka warsidaha Gedonet maanta ka soo gaaraya magaalada Baydhabo ay sheegayaan in maalinta berri ah lagu wado inay ka soo socdaali doonaan halkaasi iyaga oo ku soo jeeda dhinaca Magaalada Ceelwaaq halkaasoo madasha kulamada wadahadalada lagu balansan yahay in horaanta bishan June ay ka furmi doonaan.

 

Safarka Barre Hiiraale ee Gobolkan Gedo ayaa waxaa lagu soo warbixinayaa inay ku wehelin doonaan masuuliyiin, waxgarad iyo odayaasha hoggaanka dhaqan, kuwaasoo ay ka midyihiin Ugaas Cumar Ugaas Xirsi (Ugaaska Beesha SADE ee G/Gedo) Ugaas Ciise Ugaas Cabdule (Ugaaska Beesha SADE ee G/Galguduud) Iyo madax kale oo ah saraakiil iyo aqoonyahano sida ay Gedonet u xaqiijiyeen ilo muhiim ah oo ku dhaw dhaw ergadaasi.

 

Wafuudan heerka sare ah ayaa waxaa ay qeyb ka yihiin xubno wafdiyo dhawr ah.Kuwaasoo maalmaha inagu soo aadan laga dhursugayo inay gaaraan Magaalada Ceelwaaq ee Gobolkan Gedo halkaasoo uu ka furmi doono shirka labada beelood ee Beesha SADE iyo GARRE.

 

Horey ayaa waxaa magaalada Ceelwaaq u gaaray wafdi ballaaran oo uu horkacayo Ugaaska Beesha GARRE Ugaas Aadan Ugaas Cali iyo xubno ay kamid yihiin Fiiloow ***** Ibraahin, C/Rashiid Ugaas Ibraahim, Nabadoon Cismaan Cabdi Iyo Col C/Qaadir Guuto iyadoona ay maalintii talaadada ahaydna ay wafdigaasi ku soo biireen Xubno isgu jiro Xildhibaano Iyo Wakiil hore oo uu ka mid yahay Mudanaha Baarlamaanka Waddanka Kenya Bilow Kerow kuwaasoo iminka ku sugan Magaalada Mandheere ee Gobolka Waqooyi Barri Kenya.

 

Dhinaca Kale waxaa lagu wadaa in maanta ay soo gaaraan degaano kamid ah Gobolkan Gedo Ciidamo ka socda isbahaysiga D/Jubba isla markaasina wadata ilaa labaatameeyo gaadiidka tiknikada ah kuwaasoo saaka ka soo baqoolay dhinaca magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka J/Hoose.

 

Ciidamdan oo aan tiradooda la shaacin ayaa waxaa lagu soo warbixinayaa inay ku sii jeedaan dhinaca Deg/Ceelwaaq ee Gobolkan Gedo. Waxaana lagu macneeyay ujeedooda safar mar aan la xiriiray saraakiil ka tirsan isbahaysiga D/Jubba howlo la xiriiro hanaanka sugida amniga madasha shirweyneha Ceelwaaq oo lagu wado in horaanta bishan daaha laga qaadi doono furitaankiisa.

 

M G

gedonet-Baardheere,Gedo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this