Sign in to follow this  
Qudhac

SL Parliamentary campain kicks off>UCID

Recommended Posts

Qudhac   

wafti balaadhan oo uu hor kacaayo gudoomiyaha xisbiga mucaaradkaa ee ucid ing: faysal cali waraabe ayaa maanta meel fagaare ah kala hadlay dadweynah reer oodweyne.....

 

naasir1.JPG

 

wafti balaadhan oo uu hor kacaayo gudoomiyaha xisbiga mucaaradkaa ee ucid ing: faysal cali waraabe ayaa maanta meel fagaare ah kala hadlay dadweynah reer oodweyne

 

xaflada si heersare ah loo soo agaasimaya ayaa waxa isugu soo baxay boqolaal qof oo ka mid ah dadka ku dhaqan degmada oodweyne waxana halkaas dadweynaha qudbado dhaadheer oo dhinacyo badan taabanaysa uga jeediyay madaxda sare ee xisbiga

 

dadweynihii halkaa isugu soo baxay ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen ereyo ay ku taageerayaan xisbiga ucid waxana ay sare ugu luuqaynayeen " waa faysaloo uu foosayaa " ereyadaas oo runtii ahaa qaar soo jiitay dareenka madaxda sarsare ee xisbiga ayaa waxa la arkaayaay faysal cali waraabe oo salaan la dhex qaadaaya boqolaal qof oo halkaa ka mushxaradaayay

 

 

naasir2.JPG

 

isla markiibana wxaa bilaabmay qudbadihii waxana halkaa ugu horayn hadal dheer ka jeediyaay oday wayn oo ka tirsan madax dhaqamedada degmada waxana uu si diiran u soo dhaweeyay madax da sare ee xisbiga ucid iyo weftigooda

 

waxana isla markiiba wakhtiga oo yaraa iyo cedceeda oo kululayd ambarafaayarka lagu soo dhaweeyay afhayeenka xisbiga ucid naasir x cali shire waxana uu halkaa afhayeenku ka jeediyay qudbada dheer oo dhinacyo badan taabanaysa waxana uu afhayeenku umada reer oodweyne uga waramay u jeedada socdaalkood iyo xalada dalku maanta marayo

 

waxana uu naasir xusay in ay ujeedada socdaalkoodu uu salka ku hayo sidii ay uga war hayn lahaayeen xaalada dalku maanta maraayo waxa kale oo uu afhayeenka xisbiga ucid naasir x cali shire ka waramay arinta doorashooyinka barlamaanka ee la filaayo in dhawaan dalka ka qabsoonto waxana uu naasir yidhi

 

faysal1.JPG

 

" walaalayaa dalka waxa ka dhici doonta doorasho doorashadaas laguma dooranaayo madaxweyne ama hal qof waxa la soo dooranayaa xubnihii idin matali lahaa ee waxa idiin qaban lahaa markaa walaalayaa waxa aan inkula talinayaa in aad doorataaan mid daacad ah " waxana uu afhayeenku hadalkiisa oo dheeraa ku daray

 

walaalayaal waxa ka cabataan gole deegaan lakiin idinka ayaa codkiinii ku soo doortay ee cidna ha eersanina " waxana uu afhayeenku umada reer oodweyne kula dar daarmay in ay soo doortaan musharax daacad ah oo ay ka fiirsadaan codkood cida ay siinayaan

 

waxa kale oo isna halkaa ka hadlay gudoomiyaha xisbiga ucid ing: faysal cali waraabe waxana uu marka hore umada reer oodweyne uga mahad celiyaay sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen waxan uu yidhi

 

" walaalayaa aad ayaad ugu mahada santihiin sida wacan ee aad noo soo dhawayseen " waxana uu faysal cali waraabe halkaa ka jeediyaay hadal yar oo kooban waxana uu uga waramay xaalada dalku maanta ku sugan yahay waxna uu yidhi

 

" walaalayaa waxa aan idinka mahad celinayaa marka hore sidii aad noogu codayseen doorashooyinkii madaxweynah ee la soo dhaafay waayo? oodweyne waxa uu ahaa meesha aanu ka helna codkayagii ugu badnaa marka laga reebo hargaisa, taasina walaalayaal waxa ay sababtay in aanu idin soo xasuusano oo aanu go,aan sanay in aanu safarkayagan oo aanu ku mari doono gobolada bari oo dhan aanu idinka idin ka biloowno "

 

waxana uu faysal cali waraabe uu dhaliil u soo jeediyay xukuumada waxana uu yidhi"

 

maxaynu ka fa.iidnay udub wataas maxay inoo qabatay waxa aan soo eegay buundo 100.000 $ lagu bixiyay oo waliba haa.yado ina siiyeen oo hadana halkii laga dhisi lahaa biriish weyn ayaa waxa nayloo dhigay sibidh yar dhulka maxaynu ka fa.idnay

 

waxana uu yidhi " muxuu idinkula hadli doonaa ka udub ee idiin yimaadaa muxuu ina odhan muxuu ku odhanayaa ka kuleh udub u codee "

 

waxana uu ugu danbayn gudoomiyuh ku soo gab gabyeeyay qudbadii hadalo dardaaran ah

 

waxana uu isla maanta weftigu ka amba baxay degmada oodweyne waxana uu u kicitimay magaala madaxda gobolka togdheer ee burco waxana uu weftigu la sii hadlay dhamaan tuulooyinka u dhexeeya oodweyne iyo burco

 

waxana uu weftigu maanta 1:15 uu soo gaadhay magaalada burco halkaas oo ay kaga horyimaadeen boqolaal qof oo wata baabuur iyo calamada xisbiga ucid

 

waxan uu weftigu bari meel fagaare ah kala hadli doonaa taageerayaashiisa xisbiga , waxana uu kadib u anbabixi doonaa gobolada bariga s/land socdaalka xisbiga ucid oo ah mid ay hogaaminayaan madaxda sarsare ee xisbiga ucid ayaa waxa socdaalkooda ku weheliya taftiraha shabaka oodweyne news network foosi saleebaan aw.bindhe iyo wariyayaal kale

 

 

 

 

gudoomiyah xisbiga ucid faysal cali waraabe oo haysta hadhuub caanaa oo ay ku soo dhaweeyeeen tageerayaashiisa reer oodweyne

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

BURCO(ONN) siminaar lagag hadlaayay istiraatijiyada xisbiga ucid ayaa maanta lugu qabtay magaalda burco siminaarkaasi oo ay ka soo qayb galeen dad aad u tiro badaan oo ay kamid yihiin madaxda xisbiga ucid suldaano odayaal iyo garabka haweenka ee magaalda burco

 

faysal22.JPG

 

 

BURCO(ONN) siminaar lagag hadlaayay istiraatijiyada xisbiga ucid ayaa maanta lugu qabtay magaalda burco siminaarkaasi oo ay ka soo qayb galeen dad aad u tiro badaan oo ay kamid yihiin madaxda xisbiga ucid suldaano odayaal iyo garabka haweenka ee magaalda burco

 

ayaa waxa lagaga hadlay istiraatijiyada xisibiga ucid waxaan halkaa cashro ka bixiyaay saraakiil ka tirsan xisbiga ucid waxaan halkaa ugu horayn hadaal kooban ka jeediyaay gudoomiyaha xisbiga ucid ee gobolka togdheer iyo mid kamid ah salaadiinta gobolka togdheer gudoomiyaha xisbiga ucid ee gobolka togdheer .

 

ka dibna gudoomiyaha gobolku wuxuu ku soo dhaweeyay gudoomiyah xisbiga ucid ing ;faysal cali waraabe ayaa isagu si rasmi ah u furay siminaarka waxaa uu ka hadaly mr faysaal arimo badan waxaa uu ugu horayn ka codsaday dawlada somaliland inay xilka ka qaado gudoomiye ku xigeenka gobolka togdheer

 

waxaan uu faysal daba joogay ka dib markii uu gudoomiye ku xigeenku shalay ku soo dhex dhacay qudbadii xisbiga oo ka socotay markaa xarunta ucid ee magaalda burco gudoomiye ku xigeenka gobolka togdheer oo wataay gaadhi yar oo mark2 ah isag oo badhtanka u soo dhigay boqolaal qof oo dhagaysanaayaay qudbadii xisbiga

 

ayaa maxa uu adeegsaday baastoolada gudoomiye ku xigeenku ka dib markii ay dadkii ku qayliyeen

 

arintaaso oo aan ilaa hada la garananiin halka ay salka ku hayso faysal oo arintaas ka hadlaayaay waxaa uu yidhi waa arin laga danbeeyo walaalayaal waad ogaydeen wixii shaly ka dhacay qudbadaydii ninkii dhamaa ee goblka ka ah badhasaab ku xigeenka ayaa waxa uu umadii kula soo dhex dhacay gaadhi markii danban waxa uu ula soo baxay baastoolada

 

taasina waa waxa aad iyo aad u foolxun waliba meel kale lagama soo dirin ee waxaa soo adeegsaday nin ay ilmaadeer yihiin oo wasiir ah

 

waxaan uu faysal cali warabe arrintaas ku tilmaamay waxaan sharciga waafaqsanana waxaan uu faysal dawlada ka codsaday in xilka laga qaado waxa uu yidhi

 

( waxa fiican in masuulka caynkaas ah ee qayaral masuulka ah in umada laga qabto hadii kale midkale oo qayru masuul ah oo xisbiyada ku jira ayaa la ficiltami doona lakiin anka UCID baa nal dhahaayo waxaanu jecel nahay nabada somaliland

ing faysal cali waraabe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

Madxada Xisbiga Maucaaridka ah ee Ucid ayaa Maanta kala hadlay daweynha Ku dhaqan Magaala madaxda G/sanaag ee C/gaabo Fagaaraha Khayriyada, Xaflad si aada loo soo agaasimay ayna ka soo qayb Galeen dad gaadhaya Boqolaal. Waxa Furitaankii ayado quraana iyo Duco ka soo jeediyay Sh Axmed Xaaji Jaamac oo ka mida culimada G/sanaag, Waxa isaguna munaasibadii Furitaanka ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee G/sanaag Mr Cabdi Axmed Xassan Kaas Wuxuuna ugu Horeyn U mahad naqay dadweynaha Reer C/gaabo sidii fiicnayd ee ay u soo dhoweeyeen Madaxda Ucid ee martida u ah Dadka G/sanaag( Waxaan idinku soo dhoweynaynaa Gacmo Furan, ilaahay ayaa mahad leh ilahayga Halkan inaku soo kulmiyay, Gudoomiyaha ucid waa markii todobaad ee uu gobolka yimaado Mudane Faysal Calli Waraabe Isagoo ku mahadasan,arintaasina waxay ka marag kacay sida uu u jecel yahay Shacbka Gobolkan,Hadalka oo Da badani u hadhay darteed waxaan mar labaad idin leeyahay madaxada ucid ku soo dhowaada G/sanaag)) ayuu hadalkiisa ku soo gaabiyay Gudomiyaha Ucid Ee G/Sanaag.

 

Ucid4.jpg

 

Intaa ka bacdi Waxa hadlka qaatay Caaqil Calli Max’ud Cismaan oo ka mida Cuqaasha Gobolka sanaag Wuxuuna hadlkiisa ku bilaabay(( Halkan Waxaan ka salaamayaa dadweynha ka soo qayb galay Xafladan Xisbuga ucid, Waxaan kalle oo salaamayaa Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Calli Waraabe, Gacma furan baanu idinku soo dhowynayanaa, waxaanu kalle oo sheegaynaa dhamaan Xusbiyada Dalka ka diiwaan gashane ee sharciga ah ee shacabka u adeegaya Mid kasta waanu soo dhoweynaynaa Waxaanuna u aragnaa Muwadiniin Xaq u leh in la soo dhoweeyo Wixii masuuliyada ahina ay iyaka saaran tahay, Hadii aanu nahay shacabka G/sanaag waaxanu ka Cabanaynaa oo aad u saluugsan nahay, qaybta loo qoondeeyay G/Sanaag ee kuraasta Golaha wakiilada Gobolkayagu waa Gobolka gobolada ugu weyn hadii aanu nahay beesha sanaag Laba iyo toban xubnood baanu maqalay baa leedihiin arintaa Taladeediina waanu u fadhinaa, anagoo u basil soo dhoweynta masuuliyiinta soamaliland taytalkay doonaan ha lahaadeene Hadana waxaanu aad uga xunahay sida nalookula dhaqmo Casimada hargeysa markay noqoto waxaanu xaq u leenahay somalidu waxay tidhaahdaa Sidaan kuugu lisay iigumaad hanbayn, aad baanu arintaa uga Xunahay waxaanu kalle oo ka cudur daranayanaa siyaasiyiinta Somaliland Marka Wax naga rabaan uun Bay noo yimaadaan malintaas baana noogu danbaysa, Waxaanu leenahay siyaasiyiinta Somaliland Sida aanu idiin soo dhoweyni si la mida waa inaa u qiimaysaan G/Sanaaag.

 

 

Waxa Isaguna goobta Ka hadlay Xidhiidhiyaha Gobolada Bari ee Xisbiga Ucid Mr Maxe’ed Xirsi X Faarax Wuxuuna ugu horeyn uga mahad naqay daweynha ku nool gobolada Bari sidii fiicnayd ee ay weftiga ugu soo dhoweynayeen goobihii ay Marayeen , waxa kale oo uu u mahad naqay Xubnaha gudida Joogtada ee Xisbga ucid G/sanaag, Xubnaha garbka Haweenka, Garabka dhalinyarada iyo hawl wadaeenada kalle ee iyagu Tageerayaasha ah oo Iskood isu xil qaamay.

Xidhiidhiyuhu Wuxuu ka waramay Sida aanay dadku dooroshooyinkiii Hore waxba u fahamsanayn isagoo arintaa ka hadlayana wuxuu yidhi(( Waqtii hada ii xigey ee aan gobolka Booqashada ku imi oo ahaa waqtiyadii doroshooyinkii Golaha degaanka iyo Madaxweynaha dadku wax badan Ma fahmasanayn oo jaha wareer badan baa ka muuqday, xaqii may fahmsanayn waxa ay dooranayeen iyo Dedaalkii ka baxay, waxay ahyeen dad aan wax badan ka fahmsanayn siyaasada dalka, waxa ay dooranayaan waxa ay ku danbaynayaan aan garanayn, laakin hada mudadii u dhaxaysay doorashoyinkaa hore Waxaad moodaa in dadku waxa fahmay oo qiimayn Badan sameeyeen, ayna maanta leeyihiin Car waaa maantaba, Xaqiiqatan anigu Waxaan ahay nin reer sanaaga Waxaan doonaya in aad maanta wax badan Fahmtaan, Maanta Dooranmayno Xisbi Madaxweynena dooran mayno, Faysl Calli Waraabena dooran Mayno ee Waxynu dooranaynaa kuwii Khayrka Qabay ee mustaqbalka aynu Cidhibteena Danbe ku aamini lahayn, Xukuumadihii ina soo maray dadka reer Sanaag ama gobolada bariba maamulku Hargeysa ayuu u soo joogey way ku Dulmanayeen, Haday ku dulman yihiin Xukuumada Hada jirta ayay ku dulman yihiin Hadab waxa su’aala Canaanta Yaa leh Ma waxa leh xukuumada talada haysa mise Cida awooda leh ee marka hore wax Dooranaysa, waxaan qabaa in aynu inaku ka masuul nahay, Waa in qofku wax doorto waxaa uu doortayna aad ku qanacdid lana Xisaabtantid, anigu waxaan qabaa Tira kasta Gobolkani ha helee hadii la geeye dad wanaagsan in uu hagaagyo Markaa ka fekera dadkii fiicnaa ee aad dooran lahaydeen))

 

Mudane Naasir Xaaji Shire afhayeenka xisbiga ucid ayaa isaguna khudbad aad u balaadhan u jeediyay Dadweynihii Xaflada ka soo qayb galay, Wuxuuna ugu horeyn uga mahad Naqay soo dhoweyntii ay dadka reer Ceerigaabo u fidiyeen Weftiga xisbiga Ucid,

Ugu horeyn wuxuu ka codsaday in Dadweynaha reer ceerigaabo ay Codka siiyaan musharaxiinta xisbiga Ucid u soo xulo golaha wakiilada, Waxuu kalle oo xusay in G/sanaag gaar ahaan C/gaabo ay qiima weyn ugu fadhido Siiba kaalintii ay ka qaateen Halgankii Xoraynta Dalka , waxa kale oo uu sheegay in uu Waxbarshadiisa qaybo ka mida uu ku soo qaatay Dugsiga dayaxa.

 

Ceeri gaabo ma helin abaalkii ay ku lahayd Halganka idinka oo qudhana ma aha ee Dalka Somaliland oo dhan baan ka qatan midhihii halgankii aynu soo galnay ayuu Yidhi afhayeenka Ucid Mudane naasir.

 

Isagoo ka hadlayay baahida adeeg ee ka jirta C/gaabo iyo Guud ahaan G/sanaag Wuxuu sheegay((Walalyaal wax fara badan baad u baahan tihiin Waanay noo muuqdaan anaga Ucid ahaan Waxa Noogu jirtaan halka ugu horaysa oo waxyaabaha noo qorshaysan Waxaa ka mida Hadii mmalmaha soo socda la qaban waayo in aanu Wadada Dhamays tiro oo Gobolka dalka intiisa kalle ku xidhno, Waxa kalle oo noo qorshaysan in aad Dekeda Boosaso Ka maarantaan oo Maydh deked Idiinka samayno Halkaana xoolihiina kala soo degtaan sidaa baa noo qorshaysan tii ilaahyna meel bay taal lakiin waa in qofku Himilo Leeyahay waxna hiigsanayaa hadii aanu qofku himlo lahayn oo wax uu higsanyaa jirin markaa ma aha mid jira,))

 

Mar uu af hayeenku ka hadlayay Midnimada iyo Wada jirka Dad weynaha G/sanaag wuxuu yidhi(Marka laga hadlayo c/gaabo walaalyaal waxa muhim ah in aad is jeclaataan, oo waxa danta guud ah ka hormarisaan danta gaar ahaaneed ee qofku ku hamiyayo marka danta guud fusho baa tan Gaar ahaanedna hagaagay, walalyaal waxa muhim ah in aad mar kasta ka fekertaan waxa aad iskaga midka tihiin oo ah degaan baad wadaagtaan, meel baad wada joogtaan Ha soo horaysiinina waxa aad ku kala duwan tihii ee soo horaysiiya waxa aad iskaga midka tihiin markaas baad gahmaha is wada qabsanaysaan))

 

Wuxuu kalle o oaf hayeenku khudbadiisan ku soo qaaday marxalado Xasaasi ah oo dalka soo maray iyo Mowqifkii Xisbiga Ucid Iska taagay(( Xisbiga ucid ayaan doonayaa in aan Wax yar oo fekred ah idinka siiyo, Markii aynu distoorka u codaynay ee la yidhi aynu ka gudubno hab beeleedka oo u gudubno dad dadku soo doortaan, waxay arintani keentay in aynu qaadano habka xisbiyada badan, hadaba markii la sameeyay Xisbigii ugu horeeyay ee Xukuumiga Udub Qaar aan Doonayn in dalku dhaqaaqo ayaa yidhi Xibiyo La samayn mayo, Xisbiga Ucid Kow Buu ka ahaa wuxuuna noqday xisbigii labaad ee dalka Ka hir gala, Mar labaadkii lasku deyey shir beeleedkana ucid kow bay ka ahay in aanu shir beeleedka ka hor nimaadno, Waxa kale oo ucid qayb ka ahyd markii Dorashada madaxweynuhu dhacday ee laysku qabtay markaan ucid kow bay ka ahayd in ay xukunka hanayso inta kalena ugu baaqdo in la qabalo Go’aankii dastuuriga ahaa ka soo baxay maxkamada, arintaas oo guul u ahayd dhamaan reer Somaliland , Taasina waxay idin tusinaysaa qaabka ucid u shaqayso oo aan ahayn mid xukun Doon ah ee ah mid in dalkani Dhaqaao oo aynu wax noqono oo halgankii iyo gooni isu taagiiba aynu ka midha dhalino Ucid Marnaba Gor gortan ma gelinayso Gooni isu Taaga Somaliland Ayuu yidhi Naasir Xaaji Shire.))

 

Sidoo kalle waxa iyaguna Hadalo guubaabin ah u soo jeediyay Dadweynihii Xaflada ka soo qayb galay Xubno ay ka mid yihiin Mr C/raxmaan Jaamac Ducaale, Xoghayaha Beeraha ee Xisbiga Ucid, Mr Mustafe Maxamed Xudur Xoghayaha guud ee Gudida Fulinta, iyo Mustafe Cismaan Gudoomiyaha Xisbiga ucid ee G/togdheer.

 

Ucid5.jpg

 

Khadiija Xaaji Bandare oo Ka mida Xubnaha Sar sare ee Xisbiga Ucid ayaa iyaduna Ka mid ahayd Masuuliyiintii goobta ka hadashay Waxayna hadalkeeda ku bilawday(( Aasalama caleykum Dhamaan Reer Ceerigaabo waad salaaman tihiin aniga iima aha markii iigu horeysay G/sanaag waa gobolkii aan shaqadii iigu horeysay ka bilaabay Waxana filayaa in dadka Waaweyn ee iminka nool in badani I garanayso, Dhalinyaradan danbese aanay I garanayn, Goorahan waxaan filayaa dhalinyarada iya ragu iyaguun baa iska hadlayay,

 

Tageerayaasha garabka Haweenka Xisbiga Ucid ee Sanaag.

 

Hadaba sanadkan maanta Dumarkiina waa soo qaateen waxa jidkaa dheer I soo mariyay anigu mudo dalka waan ka maqanaa debed baan ka jiray waxaan dalka ugu soo noqday in aanu ka qayb qaadano Talada dalka aniga iyo qaar kallle oo badaniba , Sida Adna ay uga qayb qaadatay Gabadh walaashay ahi uga qayb qaadatay, Gabadhkale oo wasiir ahi uga qayb qaadatay ayaanu doonaynaa talada dalka in aau qaybtayada helo,Waayo Dhawr iyo toban sanoba Biilka dumar uun Baa bixinayey, Caruurtana anaguun baa haynay, Hadaba ilaahay mahadii iminka waanu daalanay koleyba Ragow dhibaataa qabteen ilaa biil baaba laydinka sugayee, ilaahyna waxaan idiinka baryaynaa in sharftii iyo wanaagii aad nagu maamuli jirteen in ilaahay idiin soo celiyo,Anagana nooga duceeya in Cad ceedan aanu fadhiisanay in ilaahay nooga taya siiro oo guryahayagii ku noqono, Ragii iiga horeeyay hadalka dumarka uun bay boorinayeen laakiin anigu hada Xaga Dumarka ayaan ka sii jeedaa, Raga Reer sanaag waxaan Ka codsanayaa in xubnaha Gobolka la siiyay ee Golaha wakiilada In dumarka 3ama4 xubnood aad siisaan oo ay soo galaan Baar lamanka, Haweenka reer sanaagna waxaan u sheegayaa inay isa soo sharaaxaan ma aha in aynu Durbaan uun raga daba sidno, dee ilaa iminka inkaa biilka bixinee, maadama aynu biilka bixino waa inaynu nimaadnaa bar barkooda oo baarlamanka soo galaa, waxa kale oo raga lloga baahan yahay in aaydaan dib noo eegin maadama aan diinta islaamka ee aynu ku dhaqmaynaa aanay dib noo eegin, Mar baa jirtey aan gaadhi kaxeeyay markaasa nin yidhi war aduunka Waa la rogayaa waa maxay sowkuwan Naagihii Gaadhi Kexeeyay, Waar gaadhigu Muxuu sameeyey ilaa waa Shukaantaa la wada hayee.

 

Ucid2.jpg

 

Bal tii ku dhashay eek u xanbaatrey eek u sidey eek u soo korisey, sownagan idin soo bar baarinay ee Afkii idin Barnay, ee sidiii aad mujtamaca u dhex geli lahayd idin baray markaa waa lagama maar maan in maanta aad noo ogolaataan Qaybtayada, Ubadkaygii waxaan kaga imi meel bar ka dhacayo, si aan wax u tuso Haweenka Somaliland si ay raga wax ula qaybsadaan Ankoo aan diintayada ka talaabsanayn, oo ka danbayntiina ka talaabsanayn, laakinn noo ogolaada wax qabadkayaga oo inaanu talino noo ogolaada ilaa gurigaba waankan ka talinaynee, idin hor boodi mayno laakiin meesh aad ka yara qaloocdaan baanu idiin toosinaynaa, had iyo jeer Waa aragteen in Ragu siyaasadii isku wada haystaan Shaqadaana waa naga qaadeen ee ragow ogaada, Dumarkaa inta laba Caruuri iska layso Inankaygii Inantaydii naa heblaay soo bax laba kalena halkaa ka soo boodi jireen oo na kala raaci jireen, mrkaa hadaad shaqadyadaaba naga qaadeen iminkana noo ogolaada Ta barlamanka aan idin kala Dhex gallee ugu danbayntii haweenka gobolka sanaagow ku dedaala sidii aad u soo xulan lahadeen haween aqoon leh oo idiin gala baarlamanka, Ragana waxaan u sheegayaa Dib Durbaanka Idiin daba sidi Mayno doorkan Anagaa is daba sidna ee hadaad sacab isu tumi lahadeen iyo hadii kaleba Sandkan ankaa is Daba sidna Waad salaamna tihiin))

 

Gunaanadkii Hadalka Waxa Halkaa Khudbad Dhinacyo Badan Taabanaysey Ka soo jeediyay Gudoomiyaha Xusbiga Ucud Ing Faysal Calli Waraabe oo ugu Horeyn ka warbixiyey Ujeedada Socdaalkoodan ay ku yimaadeen G/sanaag iyo Degmooyinkiisa Wuxuuna Hadalkiisa Ku furay((Walalyaal Waaxnu maanta u nimi Doorasho doon ma nihin laba arimood baanu u nimi Mid Waa in aanu xog Ogaal idiin noqono oo dalka iyo dadku laba sano ka bacdi markii dorashadii naga Dhacday Waxaanu jeclaanay in aanu eegno Waxa isbedel ah ee yimi Waxa haruumar ah ayaanu doonaynay in aanu aragno.

 

Ucid6.jpg

 

Waxa kale oo aanu u nimi in aanu idiin xog warano madaama aanay jirin Idaacad dalku leeyahay oo aad la socon kartaan waxa dalka ka jira iyo waxa debeda ka jira Waxaanu iyadana jecelahay in aan idiin Xaal warano intaa ka horow intaanan Arimahayga u gelin walalyaal aan ilahay ka baqano waayo dad islaama baynu nahay Aduunka waxa ilaahay inoo abuuray oo keliya in aynu ilaahay Caabudno Waxan kale inkaa ku darsanay Axsaabtan Madaxweynahan iyo Qaadkan inkaa ku darsanay Ilaahay wuxuu inoo abuuray Cibaado, Hadana waxa kale oo nayloo sheegay in nolasha aduunku tahay sidii qof safara oo kalle oo geed yar ku hadhsaday, oo waxynu noolaanaynaa ay tahay tiro yar ayaa ilaahay inoo sheegay hadan waxa nayloo sheegay in qofka marka uu dhinto uu raaco Camlkiisa oo keliyi ee aan qabiila raacayn Dahabna raacayn Lacagina raacayn, Marduuf Jaadna aanu dib U cunayn, Walalyaal waxa nayloo sheegay in maalinta qiyaamaha la kal carari Doono oo aabuhu Caruurtiisa ka carari doono Hooyaduna caruurteeda ka carari doonto oo la kala wada cararayo, Maaliinta Cad Ceeda Dusha laynka soo saarayo oo hadhka ilaahay mooye aanu hadh kalle jirin ilaahay kuwa Hadhkiisa hadhsada haynka yeelo, Waa inaynu ogaano in aynu dhimanayno waxa xun iska nahyino waanagna is faro, Culimadana waxaan ugu baaqayaa in ay dadka wacdiyaan bir baa ka maarmi weyday in la safeeyo, waa in dadka qalbiga loo safeeyaa oo digriga ilaahay la xasuusiyaa, intaa ka bacdi Socdaalkii aanu soo socdaalay waxaanu ka soo bilawnay Degmada Oodweyne Halkan Baanuna ku nimi ilaahay mahadii, Dhulka aanu soo maraynay waxa ugu doogsanaa qaybo ka mida G/sanaag, G/sool iyo G/togdheer qaybo ka mida qamandi baa loo qaybinayay oo abaar iyo gaajo ayaa ka taagnayd, Dhulkiinan wuxuu u ekaa in aad dayr wanaagsan hesheen Ilaahay waxaan idiinka rajeynayaa in Gu wanaagsana aad heshaan.

 

Ucid3.jpg

 

Walalyaal marka La eego Dhinaca Horuu marka Mudadaa labada sano ah ma jiro wax horuu mar ah oo dalka Laga sameeyay, meesha yare e wax laga sameeyayna waxa ka sameysay hayad oo shacbka Somaliland waxaad moodaa in magacii dawladnimadu uu ka sii baabayo waxaad maqlay hayd baa dhistay, hayad baa keentay, hayad baa soo socota hayd-hayd-hayad Dawladba waa la ilaaway Ilaahay dawlda haynoo adkeeye, Dhulkaa aanu soo maray waxa ugu horuumar wanaagsanayd degmada Gar-adag,Horuu markaa Gar adag markaan dib u raacay waxaan ogaadey in Dadku is abaauleen oo ay wax wada qabsadeen ka dib ay iyagu dantooda ******** , markaa wixii ay u baahdeen hayad bay ka soo qaateen, ama dawlad bay u tageen, ama jaaliyadohooda dibada bay la xidhiidheen oo midnimo bay wax ku heleen, Waxa kale oo aad u fiican oo aan idiin shegayaa in magaalada Burco oo Somaliland Xumaanta iyo Samahaba U bilawdaa in ay hada Samaantii bilawday oo ay gudi isu dhafan kana kooban Bari iyo Galbeed ay Samysteen hadeera ay Biriijyo dhisayaan oo ay Jaamacado dhisayaan Anaguna aanu 1000 $ (kun dolar) ugu soo deeqnay baan idiin sheegayaa Markaa waxa halkaa iiga muuqta in ay wanaag inoo bilaabeen ilahayna inoo barakaynayo.

 

Ucid1.jpg

Walalyaal Mudadii labada Sano ahayd ee aynu Dawlda Samaysanay Gaajadii Waa inagu sii badatay, Faqriguna Waa inagu sii batay, Waxa su’aala Muxuu inoogu sii batay Dawladii Baad Moodaa inay Sii diciifayso, Adeegii guud baad moodaa inuu sii diciifayo, Maamulkii Baad moodaa inuu sii daciifayo, Magaalada Oodweyne la yidhaahdo 24 xafiis baa ka furnaan jiray oo Dawladu ku leedahay Laba qudhaa ka sheqeeya,Dawladu markaa waxaad arkaysaa in aanay ood weyneba soo gaadhsiisnayn Tan aynu C/gaabo ka doonaynaa, Markaa isbedel eyn in la sameeyaa loo baahan yahay, Anaga Walalyaal Berigii waa naga Hiiliseen Hashaa Fool Habawdayna idinkaa Fool Hababiyey,Haday halawdey Waanu u Haneyney, Waxaana maanta ka cadaatay in dawladii aynu samaysanay, Madxweynihii aan Dooranay ee aynu u haneynay in aanu shacbgii Reer Somaliland u abaal gudin, in aanu reerkii uu ka Dhashay iyo gobolkii uu ka dhashay ee reer Awdal aanu Sharaftoodii Ilaalin, Sumad reer Awdala kuma taal, Sumad Udubna kuma taal, Sumad Shacbiga reer Somalilandna Kuma Taal Afar Yar yar oo Gaagaaban buu isku hareereyey wax allaale waxay yaqaanaana aanay jirin Isaga uun been ugu Sheekeeya Walalyaal, Ilaahay waxaan ka Baryaynaa inuu isagana Xoreeyo, Anigu Faysal ahaan Laba Sano Baan la shaqaynayay sadex bilood may gaadhin markaan arkay in aan wax khayra oo Daahir Riyaale ka soo jeedaa aanay jirin, laakin Waxaan ku ixtiraamayay Shacbka Reer Awdal baa idin odhanaya Waar waydin qabyaaladaynayaan oo kursiga Baanay idiin Ogolayn, Hada Markay Reer Awdal qayliyeen Baan ana qayliyey oo idhi Reer Awdala ku Ogaade ina Riyaalowe Meesha Waxba kuma Hayside Hadaanad Sidan Bedelin oo Dalka Sidan Laga Bedelin oo Mucaardkana waxa ku jira Shaqsiyaad intay Axsaab sheegtaan Laakiin Dano Gaara leh, Waxa jira iminka dad kulmiye ku abtirsada oo siyaasada kulmiye Ka shaqayn oo Hargeysii Somaliland u tahay oo Shacbka Somaliland u yahay ka hargeysa jooga oo cerigaabadaa aynu joogno aan ogeyn inaynu leenahay iyo in kalle, kuwaas baa jira oo aan cidna ogolayn qof ay iyagu soo fadhiiso yidhaahdaan mooye oo Dawladii C/raxmaan Tuur weeraray,oo tii Cigaal ka soo horjeeday oo Kana(Madaxweyne Dahir Rayale) intii aanu Fashilmin Dagaal ku qaaday, Shaqsiyaadkaasi wey jiraan oo aan cidna ogolayni laakin Waxa weeye Taasi dhibaato bay inoo keenay Axsaabna way sheeganayaan, Waxaanu ka codsanynaa Badanaa kulmiye bay ku abtirsadaane in Xisbiga kulmiye xakameeyo oo Shaqsiyaadkaa badnkoodu debeda fadhiyaan waxna aanay tarin ee Sam-Sam Cirka geeyay ee inka dhigay Dawlad Dadka cunta ku Timaamy Shacbigeenii ee maanta Warbixntii Jemciyada quruumaha ka dhexaysaa ay soo qortay markaad akhridid waxay inoo ekeysiisay Dawldaa diciifka ah ee halkaa iska fadhida Mid haysata Ciidamo dadka laaya oo Shaarubo Dhaadheer, Booliis dadka Booba, Qab-qablayaal, Waxaas oo dhan ragaa aan sheegayo ee debeda Jooga ayaa sameeyay, Walalyaal Maalmo Dhoweyto waxaa ina wareeriyey idaacad yar oo meel ay ku taalo aan la garanayn laakiin hadii aan anigu ka tegiwaayay waxay ku taal Jaaliyada Filand baa la siiyayey Idaacdaas wax kalle oo u taagerana Meelahan Baa laga sameeyay oo hargeysa iyo meeleheer Gaadh Gaadhsiiya Idaacad waa loo baahan yahay Dalkuna wuu u baahan yahay Idaacad La’aan dadka lama wadi Karo oo Dadku wuu kalla go’ayaa Laakiin Lama rabo Idaacad Fidmo wada Qaar badan oo ku jira idaacdaas oo aniga Emeylo ii soo diray intaan idaacada la samayn Waxay ku hadli jireen Waxa loo baahan yahay Faysalow in SNM labaad la sameeyo/Phase Two oo la halgamo Waxyna Joogaan Qurbaha Halgan Baad sheegaysaaye Geed ma beeri Karaan afka ayay ka nool yihiin, Waxyna u jeedaan Dakiinan Masaakiinta ah ee Walaalaha ah in la qaxiyo mar labaad ayay Doonayaan, Markaa Idaacad waanu u baahan nahay laakiin idaacdu Waa inay noqoto mid Sharci ku timaada, Dawladuna waa in ay idaacdaha sii Deysaa ilaa hadii ay idaacad Samayn kari weyday Dadku dhega la’aan maayee Ma waxaad maqashay idaacad ha samayn waxna ha dhegaysan dee taasi ma qabato, Waxaan leenahay mashkiladaa idaacada ee iminka bilaabantay marba wax Bilaa Micne ah ayaynu waqtiga iskaga luminaa, Ina Xaashi ayaynu Sadex billod iskaga luminay, Sam-sam baaynu Shan bilood iskaga luminay, Hadana Idaacad bay inoo Bilaabeen, Ma waxaad aragtay umada aan is Dhaamin oo yooyotamaya Idaacad Waa loo baahan yahay lakiin Idaacda waa in arji loo soo qortaa si Sharci ah loo furtaa Dawladuna waa inay fasaxdaa, Anigu berigii hore idaacadaha waan diidanaan jirey waxanan u diidanaan jirey Websaydyo aynu San samaysanay Websaydyadaa hadaad aragtid af qabiil bay ku hadlaan mida kooxdooda ayuu ku hadlaa, mida inankooda Mucaaradka Qalbigiisu wuxuu sheegayuu ku hadlaa, Markaa waxaan is lahaa kuwiiyoo idaacdo isu samyasta.

 

 

Nabadgelyadooda ayaa baabaysa oo qabail bay noqon doontaa, Laakiin Wixiiba waxa isku fuuqsaday Dawladii baa Idaacda keeni weyday, Iminka hawiyuhu afar iyo Shan bay leeyihii ay satalytka Gaadhsiiyeen, Qaar duryamaa la yidhaahdaa 24 saac way Hadashaa, inakuna mid qudha baynu samaysan kari weynay, Markaa waxaan leeyahay yaan Idaacadaasi fidmo noqon waa in doorasho loo jeestaa, Maalintii dhoweyto Idaacdaa la weeraray ee la yidhi Waxa lagu tuhmay Kulmiye ee Gudoomiye Axmed Siilaanyona Waraysiga Bixiyey Aduunka Khal khal weyn Bay gelisay Looma baahna in dadka Khal Khal la geliyo, Xumaan Xumaan Lagagagma jawaabo, Mindi mindi ku taag ma fiicna Dalka waxaa lagu kala baxaa sharci Dawldii Way shaqayn kari Weyday Laakiin inaynu ridno ma aha, Impeachment(Maamuus ka xayuubin) iskama Xejin karo Kelmeda uun baa inagu soo duushay, Maamuus ka xayuubin Ma jirayso laakiin doorasho ayaynu geleynaa baarlamaan adag baynu samynaynaa oo insha allah labada Xisbi ee mucaaradku u bataan, Labada Xisbi uun u Footeeya si wuxu aanay Wada udub Inooga noqon, Markaa labada Xisbi waxay ilaalin Doonaan Dawlada, Riyaale waxay ku qasbi doonaan In afratan Gaagaaban iska eryo ee aan waxba garanayn uuna Dad Dhaadheer oo wanaagsan keeno iyo kuwo Gaagabanba, wuxuu ku khasbi karaa in riyaale Dawlad yar Sameeyo oo aynu Cashuurteeda Bixin karo, in Boolis wanaagsan oo derejo leh oo Ciidan wanaagsan ah inoo sameeyo oo waxynu haysno hagaajisano markaynu waxynhu haysano hagaajisano aduuunkuna wuu ina siin doonaa macaawimo, Lakiin hadii aynu Cshuurtii islaamaha Cuno oo ku qayilo oo maamul samayn weyno Waxba nayla siin mayo, Waxaan idinka codsanayaa in ayni is Haagajino.

 

 

Takale Gobolkiinan sanaag Waxa idinku jirta Gacan Madow, Wadooyinkaa la haagajin waayay, Cidaa idiin iman weyday waxa jirat gacan mado oo ka dhigaysa gobolka meel aan amaan ahayn oo laysku haysto, Maalintii haydi timaadaba Rabshad baa samaynaysaan ee miydinaan arag, Maalinta la yidhaahdo maacawimo baa la geynayaaba Gacantii Madoobayd Baa dhaq dhaqaaqysa, Walalyaal Dhulkani Waa inka Badan yahy Ninka kuriyoonaya In Somaliland La kala qur qurbow oo Xad loo kala sameeyo Dadka reer Somaliland Waa riwaayada Dhul la kala qurbayaa ma jiro Somaliland Somaliland Bay ahaanay sida Ethiopia Ethiopia u tahay, Kiinya Kenya u tahay Xad la bedelayaa ma jiro, Waxa danteenu ku jirtaa Waxa dantiinu ku jirtaa oo Walaalo noqotaan, Dhulku wuu idinka badan yahay oo Galbeedka baanu Leenahay Badh ka soo rara oo ha beerteene ee Walalyaal heshiiya oo gacnta madow iska Qabta, oo fidmada Somali maanta ka soo dhamaanay in maanta reer barigiina oo 93 heshiis nabadgelyo ku samyasateen afar beelood in heshiiska laga bax oo Gacan shisheeye idin isticmaasho waxaan u arkaa khatar weyn oo dhibaato idiin keenaysa, dagaal ma fiicna walaalayaal, 1993 ilaa maanta waxa magaala diinu u soconweyday in aan hayaduhu nabadgelyo ku helin ayay ka baqayaan, Waxaan Shacbiga leeyahay Booliis adag ma haysano ee Nabad gelyada aan wada Ilaashano, Gacanta Madow ha Dhacdo Baan leeyahay.

 

Anigoo ka jawaabaya Arintii caqilka 82 Xubnood ee baarlmanka Saami Qaybsiga ucid Baa samaysay walalyaal waxa weeye maadama aan nayla tirin Reer awdal awdal hadaa Tagtid Waxay ku odhonayaan Shacabka Somaliland 45% baanu nahay, Hadaad tagto qolada reer Burco ee Faanka badan waxay odhanayaan Dadka anagaa u badan, Gebiley waxa iyana Dhegta loo saaray Somaliland idinkaa u badan Waa gebiley, Horta qolo waliba sidaa bay u hadlaysaa meel aan ka duulo oo qiyaas qadanaana ma jirto Ismana aynu tiring waxa keliya Ee laga duulayaa ee aynu ognahay Waa Samiqaybsigii Lixdankii, Kaas baanu ka shidaa qaadanay oo gobolkasata lo ogu dhuftay2.5

 

Ugu danbayntii wuxuu Gudoomiyhu ku qanciyey dadka gobolka sanaag in ay aqbalaan Samigaa loo qoondeeyay oo ah Wadadii loo marayey Cadaalada , ka dib uu qofkastaa iyo gobol kastaa heli doono wuxuu xaqa u lahaa ka dib marka marxladan hada la dhaafo markaas oo dadka la tira koobi doono, Wuxuu kalle oo gudoomiyaha ucid Ka Codsaday mar labaad in daku Codkooda siiyaan labada Xisbi Mucaarid ee Kulmiye Iyo Ucid si loo Xisaabiyo Dawlada, Wuxuu khudbadiisa ku soo gunaanadaey Duco uu ugu duceeyay Dadka Gobolka sanaag iyo guud ahaan Shacbka Somaliland.

 

Xaflada ayaa waxa soo gunaanadey K/xigeenka Maayarka Degmada C/gaabo Mudane Max’ud Cawed Ducalle( Herdi).

 

Sidoo kalle xaflada ayaa ku dhamaatay Jawi Degenaan ah , Maamulka Gobolka ayaa iyaguna aan ka soo Daahirin Xaflada Marka laga yimaado Xildhibaano ka tirsan Golaha degaanka Degmada Ceerigaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this