Sign in to follow this  
Castro

Ambush attack kills [puppet] government soldier in Somalia capital

Recommended Posts

Castro   

Originally posted by n-syl:

God bless the Mujaahidiin in their fight to liberate the homeland from dirty Xabashos and their Somali slaves...

Aamiin.

 

Waxyaabihii ku qornaa waraaqahaasi waxaa ka mid ahaa in ururkaan uu
dagaal la gali doono Ciidamada Itoobiya iyo wax uu ku tilmaamay kuwa dabadhilifka u ah
, waxayna shacabka Soomaaliyeed uga digeen in aysan ku dhawaan goobaha ay joogaan.

If at all possible, start with the dabadhilif first.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Dagaallo culus oo caawa ka soconaya Muqdisha

Email this Print this MOST POPULAR PDF version XML version TXT version

 

 

Dagaal aad culus ayaa caawa ka soconaya magaalada Muqdisha. Wararkii ugu danbeeyey waxaa ay sheegayaan in ciidamada xabashida oo marayey waddada Warshadaha Agagaarka Warshadda cusub ee COCO_COLA una dhow guryihii ceymiska lagu qaaday weerar gaadmo ah

Goobjoog.net

 

 

Waxaa goobtaasi ka dhacay dagaal culus oo muddo socday.

 

wararku axaa ay intaasi ku darayaan in ciidamo Xabashi ah oo gurmad ahaan ugu socdey goobta dagaalka iyagana loo galay agagaarka telefeshinkii hore ee xaafadda towfiiq oo halkaas uu iyadana ka dhacay dagaal xoog badan oo la isu adeegsadey hubka nuucyadiisa kala duwan.

 

 

 

Ciidamo kale oo xabashi ah oo isku deyey iney ka soo gurmadaan dhinaca suuqa xoolaha ayaa iyagana jidka loo galay agagaarka warshadda baastada halkaas oo la sheegay in dagaal xoog badan oon asagoo kale waaayadan muqdisha la arag ka dhacay.

 

 

 

In kastoo aan dhab ahaan loo xaqiijin Karin khasaaraha uu dagaalkan sedax geesoodka ah oo socdey muddo laba saacadoo ah geystey ayaa dad goobjog ahaa waxaa ay Goobjoog.net u sheegeen iney arkeen laba gaari oo ciidamada xabshidu leeyihiin oo holcaya waxaase la filayaa in qasaaro weyn la gaarsiiyey ciidamada xabashida oo iyagu ku guuldareystey iney isu gurmadaan

 

 

 

Dagaalyahanka soomalida ah ee doonaya iney dalkooda ka xoreeyaan ciidamada cadowga xabashida ee xoogga ku qabsaday somaliya ayey muuqataa iney billabeen dagaal qorsheysan oo ay doonayaan iney dalka uga xoreeyaan gumaeysiga xabashida

 

 

 

Ciidamada xabashida ayaa tan iyo markii ay qabsadeen magaalada caasimadda ah ee muqdisho aysan jirin wax iska cabin micno leh oo ay la kulmeen, taasi oo raisulwasaaraha Ethiopia ku macneeyey in somalidu ay raalli ka tahay in Ethiopia xukunto.

 

www.goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Sxb this is just the begining of a long war of liberation.

 

Muqdisho: Saldhig Booliis oo la weeraray iyo eedeyn loo jeediyay Maamulka G/Banaadir

Email this Print this MOST POPULAR PDF version XML version TXT version

 

 

 

 

Caawa abaarihii 8-dii fiidnimo oo qadar daqiiqado dhiman ayaa koox dabley oo ku hubeysnay gaari dhashiike ah ay weerar ku qaadeen saldhigga Booliiska Dayax ee hoos taga Saldhigga Hiliwaa, iyagoo halkaasna ku dilay mid ka mid ah ciidankii halkaas ku sugnaa ayna saddex qori ka furteen.

C/risaaq Cali Iimaan oo ah saddex alifle ka howl gala saldhiggaasi, isla markaana ku sugnaa marka ay is rasaaseynta ka dhacaysay saldhigga masjid aan ka fogeyn oo uu ku soo tukanayay wuxuu sheegay in lagu soo weeraray gaari nooca Cabdi-Bilaha loo yaqaano oo uu ku xernaa qoriga dhashiikaha ay rasaas si kedis ah u huwiyeen ciidankii saldhigga ku sugnaa ayna qoryahoodii ka qaateen.

 

Dhinaca kale taliyaha saldhigga Booliiska Dayax ee deegaanka Suuqa Xoolaha ayaa ku eedeeyay ku xigeenka G/Banaadir Dhagaxtuur ahna mas’uulka dowladda amniga u xilsaartay in ay ka dambeeyeen ciidamadiisa, isagoo xusay in ay sidoo kale ay maleeshiyadii shalay abaarihii 8-dii subaxnimo weerartay saldhigga Hurwaa.

Waxaa sii kordhaya magaalada Muqdisho weerarada iyo qaraxyada lala beegsanayo ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Itoobiya goobaha ay ka degan yihiin iyadoo ciidamadana ay sameynayaan qeybo ka mid ah Muqdisho hub ka dhigis.

 

Goobjoog.net.

E-mail:webmaster@goobjoog.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Dagaalo qaraar oo ka dhacay Muqdisho, haatanse qaboobay

Posted to the Web Jan 14, 16:59

 

 

(Aayaha.com) 15.01.07 - 01:00 GMT - Wararka aroornimadan Isniinta ah naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in uu habeenimadii xalay dagaal qaraar ka dhacay degaano ka tirsan koofurta magaalada Muqdisho.

 

 

Degaanka loo yaqaan Caymiska, warshadda baastada ilaa Suuqa Xoolaha ayaa la sheegayaa in ay ka soconayeen dagaalo iyo qaraxyo lala beegsanayay ciidmada cadowga Itoobiya.

 

 

Khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac, iyo gawaari kuwa mileteriga oo laga gubay ciidamada cadowga ayaa lagu soo waramayaa.

 

 

Ugu yaraan laba gaari oo kuwa dagaalka ah ayaa lagu waramayaa in laga gubay ciidamada Itoobiya.

 

 

Ciidamo saaran gaari Uuraal ah ayaa la sheegay in lagu qarxiyay wadada warshadaha, agagaarka washadda cususb ee Coca Cola, una dhow guryaha loo yaqaan Caymiska. Weerarkan kadib gawaari gurmad ah oo ka timid dhanka Suuqa Xoolaha jidka loo galay, halkaasoo uu dagaal qaraar ka dhacay agagaarka warshadda baastada, kaasoo sababay in ciidanka cadowga laga gubay ugu yaraan hal gaari oo kuwa dagaalka ah.

 

 

Sidoo kale gawaari gurmad ah oo dhanka magaalada ka timid ayaa loo galay xaafadda Towfiiq, gaar ahaan agagaarka xaruntii Telefishinka, halkaasa qasaare badan loogu geystay.

 

 

Aayaha.com oo 02:00 aroornimo waqtiga Muqdisho xiriir la sameysay dad ku sugan aagga uu dagaalku ka dhacay ayaa xaqiijinaysa in rasaastii leys weydaarsanayey ay haatan sii yaraaneyso, dagaalkuna u muuqdo mid qaboobay.

 

 

Warar lagu kalsoon yahay oo soo garaya Aayaha.com ayaa tilmaamaya in ay dagaalkan ka dambeeyeen xoogagga xaq u dirirka ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho, weerarkuna uu qeyb ka yahay qorshihii uu horay ugu dhawaaqay hoggaamiyaha xoogagga xaq u dirirka Soomaaliyeed Sheekh Shariif Sheekh Axmed (Xafidahullaah) oo uu ku sheegay in cadowga Itoobiya meel kasta lagula dagaalami doono.

 

 

Lama ogaan karo khasaaraha dhabta ah ee gaaray cadowga, balse ilaa berri aroortii ayuu soo bixi doonaa warka oo dhameystiran hadii Rabbi idmo.

 

 

Aayaha.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abdi2005,

 

Who left you with the impression these people are the party of Allah? I'm referring to your signature. Tell me where in Islam it says to topple a legitimate elected government despite how failed and corrupt its members are? Besides leaders are just a reflection of those they lead. That is why we are a failed state up until now. Please don't insult our sense of Islamic duty by misplacing the application of God's word.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fanisha   

Originally posted by Didi Kong:

where in Islam it says to topple a
legitimate elected government
despite how failed and corrupt its members are?

Elected by whom?

 

Besides leaders are just a reflection of those they lead. That is why we are a failed state up until now.

How so?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this