Sign in to follow this  
booxaroampdildishi region

GalGala:-Yuu ahaa Siciid Saalax Caynab oo Puntland ku dishay Dagaalkii Galbeedka Bari

Recommended Posts

GalGala:-Yuu ahaa Siciid Saalax Caynab oo Puntland ku dishay Dagaalkii Galbeedka Bari

November 2, 2010

By Admin

 

Maalmahaan ayaa waxaa soo baxayay warar kuturu kuteyn ah oo kasoo baxayay wasaarada warfaafinta ee Puntland “Garoowe Online” ayaa waxay Siciid Saalax Caynab ku sheegeen inuu ahaa sarkaal sare (Col.) oo S/land ah una dhashey beesha *****. Siciid Saalah Caynab Allaha u naxariistee, wuxuu kamid ahaasadexdii nin beesha Warsangali oo ku dhintey dagaalkii Karin, (http://puntlandnews24.com/archives/2678) Hadaba dadka deegaanka Galbeedka Bari ayaa arintan ku tilmaamay mid lagu qoslo, taasoo nagu dhalisey in aynu maanta ku iftiimino Halyeygan geeriyoodey, Allaha Janadii udgooneyd ka waraabiyee, wuxuu ahaa iyo waxyaabihii lagu xusuustey.

 

Siciid Saalax Caynab wuxuu ku dhashey magaaladaGalgala isla markaana ku barbaarey, wuxuu kasoo jeedaa reer caan ah oo ka mid ah reeraha dega deegaanka Galbeedka Gobolka Bari. Walaalkii waxaa la yiraahdaa Axmed Saalax Ceynab, waa nabadoonka beesha “Xaniif/Dubeys/Warsangali”, waana nabadoonkii ugu horeeyey oo idaacada VOA ka Hadley maalintii ay Puntland gashey deegaanka Galgala, wuxuuna ka mid ahaa nabadoonadii loogu yimid Galgala. Sidoo kale wuxuu ka mid ahaa nabadoonadii ugu cadcadaa ee deegaankaasi ka waday nabadeynta. Halkaan riix… http://www.raxanreeb.com/?p=60623

 

Siciid Saalax Caynab wuxuu waxbarashadiisa inta badan ku qaatey magaalada Boosaaso, wuxuu ahaa nin ka xamaasha beeraha deegaanka Galbeedka Gobolka Bari. Waligii ma noqon askari, waqtigii ugu horeysay oo uu qori qaadana waxay ahayd markii maamulkii Cade Muuse weerar kusoo qaadey deegaanka Majiyahan iyagoo markaasi dadka u sheegayay in ay macdan soo saarayaan. Eeg sawirka Siciid Saalax Ceynab waqtigii jihaadkii Majiyahan lagula jirey. Siciid Alllaha u naxariistee waa ninka kusoo jeeda sawirka oo fadhiya.

 

Dadka uu ka dhashey waxay mar walba ku xusuusan doonaan halyeygan, geesinimadii uu lahaa, isagoo mar walba ahaa ninka ugu horeeya goobaha dagaalka lagula jirey maamulka Shahaado la dirirka ah ee Faroole.

 

Dadka reer Boosaaso ama galbeedka Bari waxay aad ula yaabanyihiin waxa haatan ay Puntland kula dirirsantahay S/land, iyadoo lawada ogyahay ingaadiid dagaal oo ay S/land leedahay kala qeyb qaateen dagaaladii ka dhacayay Galgala, taasoo uu soo kaxaystey wasiir ku xigeenka Amniga ee Puntlandoo ay ilma adeeryihiin wasiirkii hore ee shaqada iyo sportiga S/land. Arintan muran badan dhalisey oo gadood ku keentey ciidamada S/land ee gobolka Sanaag, kuwaasoo ka biyadiidey fudeydka Cabdi Jamaal oo horey u ahaa sarkaal S/land.

 

Gaadiidkii iyo ciidankii S/land oo fadhiyey deegaanada Laamiga ah ee Ceeldoofaar iyo Cawsaneayaa waxaa dhawaan ay odayaasha ku qasbeen in ay Dhahar ku noqdaan, si aanu arintan u keenin dagaal sii fogaada iyo muran hubka Puntland gacanta loo galiyey. Dadka qaar ayay ula muuqatey in S/land iyo Puntland wada shaqeyn ka dhaxeyso, laakiin Ugu dambeyntii haatan hubkii waxaa intiisa badan lagu soo celiyey xeradoodii.

 

Run ahaantii Puntland aad ayay ugu fashilantey arinta Galgala oo runtii qaawisey cududa Puntland in markii ciidanka Galgala la waayey ay ku dhawaaqeen in qabaa’il walba ciidan lagu qoro, sidii uu ahaan jirey waqtigii dagaalka qabiil ee sokooye bilowdey. Beel walba oo lagu tabaayey in ay qori haysato, looma reebin. “Siqiir iyo kabiir, Haweenka hubka ha qaadeen, Qabaa’ilada ha dagaalamaan, maamulada dariska ah hana caawiyaan”… intaasi oo dhan waa hadaladii hogaamiyaha maleeshiyada Puntland ee Faroole.

 

La yaab malaha in ay Puntland caalamka ay ku dacweyso S/land iyagoo la barbar dhigey dowladaha waaweyn ee Afrika, oo taageera dagaalada sokeeye ee Afrika ka dhaca. Wasaarada warfaafinta ee Puntland Garoowe Online, waxaa laga dhadhansan karaa xitaa in ay mararka qaarkood ay ku dacweynayaan Itoobiya. Waxaa ayaan daro Soomaali u ah in la isku dacweeyo loona kala hormaro Zenawi sidii ubad la dhalayna sugaaya in madaxa loo salaaxo. Cajiib!

 

Waxaan oranlahaa nin daad qaadey xunba cuskey, waxaad moodaa Puntland mareyso meeshii ugu dambeysay mar hadii ay jiraan qeyla dhaanka intaa le’eg oo ay caalamka been ka iibinayso. Abwaan Soomaali ah ayaa wuxuu yiri:

 

Rag haddaad colaad leedihiin, ciidanse u weydo

 

Hadba waxaad ku ciil bixi kartaa, kuu cawo adduuna

 

 

 

WAKAA, ku ciilbaxay wiilashii shalay maxaabiista ay ku sheegeen, iyadoo ay tahay markii labaad ay maxbuus tooganayaan.

 

Waxaan kula talin lahaa wiilasha wasaarada warfaafinta u badalay Garoowe Online, in ay gacantiisa kusoo celiyaan wiilkii loo magacaabay ee lagu magacaabo C/xakiin Axmed. Iyadoo ay Puntland haatan noqotey mid gabi-dhacaysa ayaa waxaa si toos ah qarka ugu sii tuuraya iyagoo been aan sal iyo raad lahayn baafiya. Garoowe Online ayaa waxay Halyeey Siciid Saalax Ceynab ku sheegeen inuu ahaa Korneyl ciidanka S/land, una dhashey beelaha *****. Hadaba goorma ayuu Siciid “Allaha u naxariistee” gobolka Bari meel u dhaafey, mise waxaa jira buufis laga qabo S/land oo ah in ay gobolka Bari joogaan mar hadii ay Laascaano heystaan?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Shilling   

^And who exactly is Puntland trying to divide and conquere?

 

About the article it was prepared and published by Galgalanews.com... I wonder why you didn't include their source when you posted this article. Perhaps you know very well that this outlet is in bed with Mr. Atom himself, believe me it's going to take more then a surname to distort the states findings, and I don't think this outlet is ready to quit Mr. Atom's bed anytime soon.

Share this post


Link to post
Share on other sites

loool calaacal baa wadaa shilling u going about atom in bed with galgala news everything about that article its the truth , what about garowe n co about there claims or should i say lies about everyting n still i dont see no proof.and to answer to your question we all know how faroole plans were to divide the migthty d***ys tribe faroole n co is having sleepless nights they will be hunted down not atom.

 

 

 

Run ahaantii Puntland aad ayay ugu fashilantey arinta Galgala oo runtii qaawisey cududa Puntland in markii ciidanka Galgala la waayey ay ku dhawaaqeen in qabaa’il walba ciidan lagu qoro, sidii uu ahaan jirey waqtigii dagaalka qabiil ee sokooye bilowdey. walba oo lagu tabaayey in ay qori haysato, looma reebin. “Siqiir iyo kabiir, Haweenka hubka ha qaadeen, Qabaa’ilada ha dagaalamaan, maamulada dariska ah hana caawiyaan”… intaasi oo dhan waa hadaladii hogaamiyaha maleeshiyada Puntland ee Faroole.

Share this post


Link to post
Share on other sites

sgaarsiinta gobolka Haylaan oo gabi ahaanba la jarey…Maxay tahay sababtu?

By

admin

– October 25, 2010Posted in: Somali

 

Dhahar: Iyadoo ay maalmahanba wada hadal u socdeen maamulka shirkada isgaarsiinta Golis iyo maamul goboleedka Puntland ayaa waxaa waxaa maamulka Puntland ka codsadeen in la jaro is gaarsiinta deegaanada Haylaan iyo Galbeedka Bari, taasoo ay isku af garan waayeen mudadii sadexdii maalmood ee lasoo dhaafey.

 

Waxaa maanta shirkada Golis la siiyey lacag dhan intii ay ka sameyn lahayd sadexda maalmood, heshiiskaasoo maanta soo gaba gaboobey, islamarkiiba hawada laga jarey is gaarsiinta Haylaan oo ay Dhahar xarunta u tahay. IYadoo ay hawada ka maqnaan doonta sadex maalmood ee soo socda.

 

Maamulka Puntland ayaa dhowr jeer ku eedeeyey in ciidamada Maxamed Siciid Atam ee galbeedka gobolka Bari laga taakulo deegaanada Haylaan oo ay isku heyb kasoo jeedaan beelaha dega, sidoo kalena ku eedeeyey in dhaawaca ciidamada Atam lagu dabiibo isla deegaanada Haylaan oo ay Dhahar xarunta u tahay.

 

Si kastaba ha ahaatee, tan ayaa waxay u muuqataa in macaamiil badan ay shirkada Golis ay ku weyso, maadaama ay laba shirkadood oo kale haatan dhismahooda ka socdo deegaanka Dhahar, kuwaasoo kala ah Telecom iyo shirkad cusub oo xarunteedu tahay Hargeysa ee maamulka Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this