Sign in to follow this  
General Duke

Its Mogadishu : peace conference date announced..

Recommended Posts

BAYDHABO: Madaxweynaha Soomaaliya oo shaaca ka qaaday xilliga la qabanayo shirka dib u heshiisiinta Qaran, halka lagu qabanayo iyo mudada uu soconayo

Posted to the Web Mar 01, 12:27

Baydhabo (PP) – Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta daboolka ka qaaday xilliga uu dhici doono shirka dib u heshiisiinta Qarank, goobta uu ka dhici doono iyo inta ruux ee ka qaybqaadanaysa.

Madaxweyne Yuusuf oo khudbad u jeedinayay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in shirkaas uu dhici doono 16-ka April ee sannadkaan, waxaana uu sheegay inuu ka dhacayo Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

“Shirka dib u heshiisiinta Qaran waxaa lagu qaban doonaa haddii ALLE idmo Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana uu dhacayaa 45-casho kaddib marka maanta laga billaabo” ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf oo sheegay in shirkaas uu noqon doono mid socda muddo 2-bilood ah.

Sidoo kale Madaxweynaha wuxuu sheegay in shirkaas Qaran ay ka qaybgeli doonaan 3-kun oo Ruux oo uu sheegay inay ka kala imaanayaan gobollada dalka, qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo Dibadda dalka waxaana uu sheegay in shirkaan uu yahay mid lagu dhameynayo khilaafaadyada yaryar ee jira.

Madaxweyne Yuusuf ma uusan sheegin in xubnihii Maxkamadaha ee haatan ku sugan Dalka Carabta qaarkood ay ka qaybgalayaan kulankaas Qaranka ee lagu qabanayo Muqdisho iyo in kale, waxaana Wasiirka Arrimaha dibadda ee Yemen uu sheegay inuu ka qaybgalayo shirkaas Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale u sheegay xubnaha baarlamaanka inuu safar ku tagayo dalalka Carabta qaarkood, waxaana uu sheegay in baarlamaanka uu howshiisa sii wato, marka uu soo laabtana uu warbixin siin doono xubnaha baarlamaanka.

Ra’iisul wasaare geeddi ayaa dhankiisa la hadlay xildhibaannada baarlamaanka isagoo uga warbixiyay safarradii uu soo maray, waxaana uu sheegay in dalal dhowr ah oo uu kula kulmay Dalka Faransiiska ay u ballanqaadeen inay gacan siin doonaan Dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: jantiile@puntlandpost.com

Share this post

Link to post
Share on other sites
“Shirka dib u heshiisiinta Qaran waxaa lagu qaban doonaa haddii ALLE idmo Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana uu dhacayaa 45-casho kaddib marka maanta laga billaabo”

Share this post

Link to post
Share on other sites

Baydhabo: Madaxwaynaha Soomaaliya oo ku dhawaaqay xilliga iyo meesha la/lagu qabanayo shirka dib u heshiisiinta qaran iyo Madaxweynaha oo safar dalal carbeed ku tagaya

1. Mar 2007

Baydhabo(AllPuntland)- Madaxwaynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo raysulwasaaraha Cali Maxamed Geeddi ayaa la hadlay baarlamaanka dawladda federaalka Soomaaliya.

C/laahi Yuusuf Axmed ayaa ku dhawaaqay in shirka dib u heshiisiinta qaran la qaban doono 16ka bisha April ee sanadkan 2007da, wuxuuna sheegay inay ka soo qayb gali doonaan dad ka badan 3,000 oo qof oo ka kala socda qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxwaynuhu wuxuu sheegay in magaalada Muqdisho lagu qaban doono shirka dib heshiisiinta Soomaaliya, ayna kawada qayb gali doonaan gobollada dalka oo dhan.

Wuxuu sheegay C/laahi Yuusuf in beesha caalamka loo gudbin doono qorshaha shirka, lagana codsan doono inay bixiyaan maaliyadda ku bixi doonta shirkaaasi.

Madaxwaynuhu wuxuu sheegay in shirkan dib u heshiisiinta qaran uu kaga dhawaaqay shirkii midowga Afrika ee ka dhacay magaalada Adis Ababa, ujeedadiisuna tahay dib usoo noolaynta sharaftii iyo qaranimadii shacabka Soomaaliyeed.

Shirkan dib u heshiisiinta ayuu sheegay inuu ku yimid wada tashi ay ka yeesheen dhammaan waaxyaha dawladda Soomaaliya.

C/laahi Yuusuf wuxuu xusay in 45 maalmood loo diyaar garoobayo shirka dib u heshiisiinta qaran, muddadaasina wax laga qaban doono arimaha ammaanka .

Madaxwaynuhu wuxuu sheegay in uu safar dibadda ah u amba bixi doono, balse ma uusan sheegin xilliga iyo meesha uu safarkiisa ka bilaabayo.

Dhinaca kale raysulwasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa baarlamaanka siiyay warbixin kusaabsan safaro uu dalka uga maqnaa, asagoo sheegay in arimo caafimaad safarkiisu u badnaa.

Geeddi wuxuu sheegay inay lasoo xiriireen madaxda dalka Imaaraadka Carabta oo dawladda federaalka u ballan qaaday inay dhinaca maaliyadda ka taageeri doonaan.

Wuxuu xusay in dawladda Faransiiska ay sidoo kale ballan qaadday inay dawladda federaalka ka caawin doonto arimaha ciidamada tababarkooda.

Raysulwasaaruhu wuxuu sheegay in dawladdu ay wax ka qaban doonto arimaha ammaanka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post

Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Yuusuf oo shaaciyay xiliga iyo goobta shika dib u heshiisiinta uu ka dhacayo.

Baydhabo, Khamiis March 1, 2007 Simba Radio

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somalia Cabdilaahi Yuusuf Axmed oo maanta qudbad dheer ka jeediyay fadhigii Baarlaamanka Somalia ee magaalada Baydhabo ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in dowlada ay soo bandhigi doonto dhawaan qorshe cusub oo ku aadan dib u heshiisiinta dhinacyada kala duwan ee Soomaalida.

Madaxweyne Yuusuf ayaa intaasi ku daray in qodobada qoshahaan dhawaan loo qeybin doono Baarlamanka Soomaaliya si buu yiri ay iskula jaanqaado dowlada Federaalka Soomaaliya isla mar ahaantaana ay xiligaani wixii ka dambeeya ay ka go'antahay sidii ay dib u heshiisiin u dhex dhigi laheyd dhinacyada kala duwan ee Soomaalida.

Madaxweyne Yuusuf ayaa dhinaca kale shaaca ka qaaday halka iyo xiliga la qabanayo shirka dib u heshiisiinta ay dowladu qaban qaabinayso wuxuuna sheegay in shirkaasi mudo 45-cisho gudahood lagu qaban doono isla markaana uu ka dhici doono wadanka gudihiisa.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shirkaasi dib u heshiisiinta uu ka dhici doono caasimada dalka Somalia ee Muqdisho o ayna ka soo qeyb gali doonaan sida uu sheegay ku dhawaan sedex kun oo ruux oo isugu jira qeybaha kala duwan ee bulshada kuwaasi oo ka kala imaan doono wadanka gudisiisa iyo waliba dibadiisa.

Madaxweyne Yuusuf ayaa sheegay in shirkaasi uu socon doono muddo 2-bilood ah mudadaasina lagu soo afjari doono khilaafka siyaasadeen ee u dhaxeeya dhinacyada kala duwan ee bulshada si buu yiri loo soo afjaro dagaalada sokeeye ee mudadada 16-ka sanno ah ka socotay dalka Somalia

Yuusuf ayaa intaasi sii raaciyay in shirkaani dib u heshiisiinta uu mira dhalan karo hadii ay si dhab ah u heshiiyaan dhinacyada kala duwan ee Somalia isla markaana uu sheegay in uu rajaynayo in la soo afjaro doono khilaafka mudo soo jiitamayay.

Ugu dambeyntii, Cabdilaahi Yuusuf ayaa sheegay in uu u ambabixi doono dalka dibadiisa mana uusan sheegin halka uu u ambabaxayo bals waxaa uu ka codsaday xildhibaanada Baarlamanka in ay sii wadaan howshooda isla markaana uu dhawaan wadanka dib ugu soo laaban doono.

Simba Media Center, Muqdisho Somalia

Email: simba@simbanews.com

Share this post

Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Yuusuf oo shaaca ka qaaday Magaaladda iyo waqtigga la qabanayo Shirweynaha dib u heshiisiinta Soomaaliya.

Muqdisho ,Khamiis, Marso , 01 , 2007, Waagacusub.com

Madaxweyne Cabdilahi Yuusuf Axmed ayaa markii ugu horeeysay si rasmiya shaaca uga qaaday in 16-ka bisha April uu shirka dib u heshiisiinta Qaran ka furmayo Magaaladda Muqdisho .

Madaxweyne Yuusuf wuxuu dhamaan hogaamiyaasha dhaqanka iyo diinta ugu baaqay inay ka qaybgalaan Shirweynaha dib u heshiisiinta sii loo soo afjaro khilaafka iyo is mari waaga Siyaasadeed ee mudada dheer ragaadiyay dalka Soomaaliya.

“ Shirweynaha Qaran wuxuu ka furmayaa Caasimadda Dalka waxaana ku raja waynahay inuu noqon doono mid lagu soo afjaro Colaadaha iyo isnacaybka u dhaxeeya Beelaha Soomaalida”sidaasi waxaa yiri Madaxweyne Yuusuf

Madaxweyne Cabdilahi Yuusuf wuxuu ku nuuxnuuxsaday in shirka dib u heshiisiinta ay ka qaybqaadan doonaan sedex kun oo qof oo ka kala socda qaybaha kala duwan ee bulshadda iyo Jaaliyadda dibadda isagoo dhinaca kalana xusay in Shirweynaha dib u heshiisiinta ay daadihin doonaan Ergo madaxbanaan oo ay shacabka ku kalsoonaan karaan.

Cabdilahi Yusuf Axmed oo Warbaahinta kula hadlayay Baydhabo wuxuu Beesha Caalamka ugu baaqay inay shirka taageeraan oo gacana ka gaystaan dhaqaalaha ku baxaya.

Shirweynaha uu iclaamiyay Cabdilahi Yuusuf ayay aad u yar tahay rajadda laga qabo inuu mira dhalo maadama ay aad u adag tahay sida ay kaga soo qaybgalaan hogaamiyaashii Maxaakiimta ee Koofurta Soomaaliya looga itaalka roonaaday.

Madaxweyne Cabdilahi Yusuf ayaa lagu wadaa inuu Kuwait gaaro Maalinta Sabtidda kadib markii uu dowladaas ka helay Martiqaad rasmiya.waxaana Garoonka Caalamigaa ee Dalka Kuwait ka degay Maanta wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashigga Caalamigaa Proff Ismaaciil Maxamud Hurre Buubaa. Oo maalmahii la soo dhaafay ku sugnaa Dalka Sacuudi Carabiya oo ay kaga qaybgaleen Shirkii dalalka Islaamka.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf,“Shirka Waxa uu ka dhacayaa Xamar Waxuuna dhacayaa 16-ka April.”

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somalia Cabdilaahi Yuusuf Axmed oo maanta qudbad dheer ka jeediyay fadhigii Baarlaamanka Somalia ee magaalada Baydhabo ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in dowlada ay soo bandhigi doonto dhawaan qorshe cusub oo ku aadan dib u heshiisiinta dhinacyada kala duwan ee Soomaalida.

Madaxweyne Yuusuf ayaa intaasi ku daray in qodobada qoshahaan dhawaan loo qeybin doono Baarlamanka Soomaaliya si buu yiri ay iskula jaanqaado dowlada Federaalka Soomaaliya isla mar ahaantaana ay xiligaani wixii ka dambeeya ay ka go'antahay sidii ay dib u heshiisiin u dhex dhigi laheyd dhinacyada kala duwan ee Soomaalida.

Madaxweyne Yuusuf ayaa dhinaca kale shaaca ka qaaday halka iyo xiliga la qabanayo shirka dib u heshiisiinta ay dowladu qaban qaabinayso wuxuuna sheegay in shirkaasi mudo 45-cisho gudahood lagu qaban doono isla markaana uu ka dhici doono wadanka gudihiisa.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shirkaasi dib u heshiisiinta uu ka dhici doono caasimada dalka Somalia ee Muqdisho o ayna ka soo qeyb gali doonaan sida uu sheegay ku dhawaan sedex kun oo ruux oo isugu jira qeybaha kala duwan ee bulshada kuwaasi oo ka kala imaan doono wadanka gudisiisa iyo waliba dibadiisa.

Madaxweyne Yuusuf ayaa sheegay in shirkaasi uu socon doono muddo 2-bilood ah mudadaasina lagu soo afjari doono khilaafka siyaasadeen ee u dhaxeeya dhinacyada kala duwan ee bulshada si buu yiri loo soo afjaro dagaalada sokeeye ee mudadada 16-ka sanno ah ka socotay dalka Somalia

Yuusuf ayaa intaasi sii raaciyay in shirkaani dib u heshiisiinta uu mira dhalan karo hadii ay si dhab ah u heshiiyaan dhinacyada kala duwan ee Somalia isla markaana uu sheegay in uu rajaynayo in la soo afjaro doono khilaafka mudo soo jiitamayay.

Ugu dambeyntii, Cabdilaahi Yuusuf ayaa sheegay in uu u ambabixi doono dalka dibadiisa mana uusan sheegin halka uu u ambabaxayo bals waxaa uu ka codsaday xildhibaanada Baarlamanka in ay sii wadaan howshooda isla markaana uu dhawaan wadanka dib ugu soo laaban doono.

Waagacusub News

Share this post

Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta ku dhawaaqay mudada uu bilaabanayo kulan weynaha dib u heshiisiinta Soomaaliya.

Madaxweynaha wdanka Soomaaliya Mudane C/lahi Yuusuf Axmed ayaa maanta ku dhawaaqay mudada uu billaabanayo kulan weynaha dib u heshiisiinta beelaha Soomaalida.

Madaxweynaha wdanka Soomaaliya Mudane C/lahi Yuusuf Axmed ayaa maanta ku dhawaaqay mudada uu billaabanayo kulan weynaha dib u heshiisiinta beelaha Soomaalida.

Madaxweynaha Soomaliya oo maantala hadlayay xubnaha barlamaanka dalka Soo maaliya ayaa sheegay in kulan weynaha dib uheshiisiinta Soomaaliya uu bilaabanayo bartamaha bisha April ee inasoo aadan,islamarkana uusocon doono muddo labo bilood ah.

"Waxaan doonayaa in aan ku dhawaaqo in shir weynahadib u heshiisiinta Soomaaliya laguqabandoono magaalada Muqdisho uuna rasmi ahaan u billaabamn doono 16-ka bisha April uuna socondoono muddolabo bilood ah"ayuu yiri madaxweynaha dalka Soomaaliya Yuusuf oo maanta la hadlayayxubnaha barlamaanka dalka Soomaaliya.

"Waxaa kulanka ka qeyb gelidoonaan 3,000 oo ergo oo ka kala imaanaya dalka iyo dibadda intaba"ayuumar kale yiri madaxweynaha Soomaaliya Yuusuf.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 30-kiibishii janaayo ku dhawaaaqay barnaamijka dib u heshiisiinta qaran ee Soomaaliya.

Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho

Mooge   

cabdulahi yusuf was first to announce peace conference in 2007. long live long live the father of nation.

taladaadiisii waa la qaatay. TFG wants to do another conference. it is good.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this