Suldaanka Posted November 17, 2006 National Conference on correction of Institutional differences (Shir Qarameedka Turxaanbixinta Golayaasha Qaranka) opens in Sheikh Town. Delegates from the various branches of government (executive branch, Parliament and House of Elders) have arrived in the mountains side town. --------- Kulanki ugu horeeyay ee Turxaan bixinta Golayaasha Qaranka oo Saaka ka Furmay Sheekh hadhwanaag 2006-11-16 (Hadhwanaagnews) SHeekh(HWN) waxa maanta magaalada sheekh ka furmay kulankii ugu horeeyay ee ay siwada jira isku soo hor fadhistaan gudiyo ka kooban sadex labada aqal ee somaliland iyo horin wasiiraa oo ka socda xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin. Shirkan u Biloowday Gudida Xalinta Khilaafadka Golayaasha oo ka Kooban 9 Wasiir, 13 Xildhibaan oo ka socda Aqalka Wakiilada iyo 13 Xildhibaan oo ka Socda Aqalka Odayaasha ayaa la doonay in heshiis buuxa laga gaadho arima dhawr ah oo mudooyinkan Danbe ku kala dhex jiray Golayaasha Xukuumada Baarlamaanka iyo Asaaxaabta Mucaaridka ah waxan Soo jeediyay Sameynta Gudidan turxaan Saarka Qaranka Madaxweynaha oo markaa Magacaabay 9 Wasiir oo arintaasi ka shaqeeya. Gudidan ayaa mar hore kulan ku yeeshay Magaaladda Hargeysa lakiin hada waxay Kulamadooda u soo wareejiyeen Dhanka magaalada Shiikh Halkaas oo la filaayo inay ka sii wadaan Hawlahood. Waxi ka soo kordha kala soco hadhwanag.com Wariye Cabdisalan ilkacase Hadhwanaag.com ilkacase1@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites