Sign in to follow this  
Maaddeey

Sh. Xasan Dahir: 'in ay Fashil ku burburi doonto waan dareensanaa'

Recommended Posts

Maaddeey   

Sheekh Xasan Daahir Aweys Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam oo waraysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya siiyaya Idaacada Shabelle ayaa waxa uu sheegay in fashil ay ku burburtay dowladda KMG ee uu hogaamiyo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed isagoo sheegay in markii la dhisayay dowladda ay fashil ku bilaabatay islamarkaana ay dareensanaayeen in fashil ay ku burburi doonto.

 

“Adeer inagu Waxaas awalaan dowlad u aqoonin markii hore ayay fashil ka bilaabatay fashil in ay ku dhamaaneysana waan iska ogyen, insha Allaah fashilkaasi ayana ku dhamaanaysaa, inay isku foor fooriyaana waa dabeecad ay iyagu lahaayeen waxaana dhib qaba kuwa iyaga wax ka sugaya” ayuu yiri Xasan Daahir.

 

Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys waxa uu wacad ku maray in marnaba Ururka Xisbul Islaam aysan ka mid noqon doonin dowladda KMG ee uu hogaamiyo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaana uu sheegay in ay ka go’antahay Ururka Xisbul Islaam in ay dagaalo la galaan dowladda KMG iyo Ciidamada Midowga Afrika ee taageeraya Dowladda Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

“Anagu mabaadii’a ayaan dadkaani isaga soo horjeednaa waana iska soo horjeedeynaa maxaayeelay niman cadow la saftay waaye nin gaalo iyo mamda’oodii qaatay weeye anugana umada in aan ka xoreyno ayaan rabnaa” ayuu hadalkiisa intaasi ku daray Xasan Daahir.

 

Gudoomiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys waxa uu wax kama jiraan ku tilmaamay war shalay ka soo baxay Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade oo ahaa Wasiiru dowlihii Wasaradii Gaashandhiga ee Xukuumada la riday oo ku aadanaa in Ra’isul Wasaarihii Xukuumadiisu ay dhacday uu taageero dhaqaale iyo mid Milatari uu siin jiray Xoogaga ka soo horjeeda dowladda KMG ee Soomaaliya, waxaana Sheekh Daahir uu si kulul eedeemo ugu jeediyay Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade.

 

“Runtii waa nuuc doqonimo ah hadii uu nin sii socdo uu candhuud ka daba tufo sharaf dhacna isaga yay ku tahay, laakiin in ay isku marqaati furan ayay taasi dadka u cadeynaysaa umadiibaa garanaysa waxaa ay dadkaasi yihiin” ayuu yiri hogaamiyaha Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir.

 

Warkani ka soo baxay Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ku soo beegmaya xilli shalay Madaxweyne Sheekh Shariif uu ku dhawaaqay in ay dhacday Xukuumadii ra’isul wasaare Sharma’arke islamarkaana uu soo dhisayo Xukuumad waxtar leh oo wax qaban karta iyadoona isla shalay uu iscaislay gudoomiyihii Baarlamaanka KMG Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe.

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this