Sign in to follow this  
xiinfaniin

Sharif's men about to take Jahwar back

Recommended Posts

Dagaal ku dhexmaray ciidanka MMIS iyo Al-shabaab duleedka Magaalada Jowhar

Posted to the Web May 19, 16:05

 

 

Jowhar:-Waxaa maanta ka dhacay duleedka magaalada Jowhar iska horimaad u dhexeeya Ciidan ka tirsan MMIS iyo ciidan ka tirsan Xoogagga Al-shabaab oo iyagu ka baxay magaalada Jowhar.

 

Ciidanka MMIS garabka DFKM ayaa waxaa la sheegayaa in ciidankoodu ay u qaybsameen degeenada ku xeeran magaalada Jowhar ,iyadoo magaalooyinka Jowhar iyo Mahadaay ay gacanta ku hayaan Xoogagga wadaadadda hubaysan ee Al-shabaab iyo Xizbul Islaami.

 

Dagaalkaan ayaa waxaa uu ka dhacay Deegaanka lagu magacaabo Balcaano oo Bari kaga beegsan Jowhar una jirta magaalada Jowhar qiyaastii ilaa 20KM

 

War hordhac ah oo soo baxaya ayaa sheegay in ciidanka MMIS ee ku sugnaa Degaanka Balcaano ay weerar ku qaadeen ciidan ka tirsan Al-shabaab oo ka baxay magaalada Jowhar.

 

Ilaa hadda lama garanayo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay iska horimaad xoogagga oo maanta dhexmaray ciidanka MMIS garabka taageersan DFKM iyo xoogagga Al-shabaab oo iyagu gacanta ku haya magaalada Jowhar.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Muqdisho:"Qabsashada degmada Jowhar waxaa ka dambeeya dad aan naqaano mana heysan doonaan"Gudoomiyihi hore ee G/Sh/Dhexe Max'ed Cumar xabeeb Max'ed Dheere

19. maj 2009

 

 

Muqdisho(AllPuntland )-Max'ed Dhere oo mar gudoomiye ka soo noqday G/Sh/Dhexe deegaan ahaana ka soo jeeda ayaa sheegay in dadka degmada Jowhar looga soo duulay meelo kale lana doonayo in la biliqeyso hantidooda sharafkoodana lagu tunto.

 

Max'ed Dheere ayaa sheegay in shacabka Sh/Dhexe aan la fareynin in ay is difaacaan oo ay u dagaalamaan xuriyadooda sida u sheegay , waxaana uu beeniyey inuu ku jiro abaabul dagaal oo uu isaga u hogaamin doono degmada Jowhar.

 

"Waxaan aad uga xumahay dad diin sheeganaya in ay dhacaan maanta hantidii hay'adaha samafalka waxaad ogtihin in la bililiqeystay baaburtri hay'adaha iyo kumniyuutaroddi ma naqaan sharci dhigaaya" ayu yiri Max'ed Dheere.

 

Siyaasiga Max'ed Dheere ayaa tibaaxay in shacabka Jowhar ay yihiin shacab masaakiin ah oo aan u dulqaadan karin dhibaatada lagu hayo .

 

Ugu dambey ayaa Max'ed Dheere oo wax laga weydiiyey in uu Muqdisho u yimid xil uu dawladan ka qabto ayuu sheegay in aanay ta waxba ka jirin isagana uu yahay muwaadin dalkiisa ku soo laabtay xaqna u leh in uu nolaado.

 

Mar uu ka hadlayey xiriirka ka dhaxeeya isaga iyo Madaxweyne Shariif ayu sheegay in xirir saaxibtinimo oo aad u wanaagsan uu ka dhaxeeya uuna salaan iyo booqasho ugu tagay marki u soo dagay.

 

Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this