Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland: The New Electoral Commission

Recommended Posts

Shirkii Golaha Wasiiradda ee Maanta oo Isniin ah lagu qabtay xarunta madaxtooyadda oo uu gudoominayey Madaxweynaha JSL mudane, Daahir Rayaale kaahin, waxa lagaga dhawaaqay in la soo dhamasytiray todobadii xubnood ee komishanka cusub ee doorashada madaxtooyadda ee soo socota.

 

Sida aynu ka warqabno xubnihii hore ee gudidii komishanka doorashooyinka qaranka, dhawaan ayey iska casileen xilkii ay u hayeen qaranka, iyagoo u fududaynaya meel marinta iyo ku dhaqanka heshiisyaddii ay dhawaanta gaadheen saddexda xisbi qaran, taasi oo ay ka mid ahaayeen wax ka bededka xubnaha komishanka doorashooyinka qaranka JSL.

 

Sidaa awgeed, madaxweynaha JSL mudane Daahir Rayaale Kaahin isagoo arrintaasi ka duulaya waxa uu golaha wasiirada ku war geliyey in todobaddii xubnood ee ay ka koobnaayeen komishanka cusub iyagoo isku dhamays tiran uu u gudbiyey golaha baarlamanka si ay u asnixiyaan, waxana madaweynuhu ka codsaday golaha wakiiladda in ay fadhi degdega ah iskugu yimaadaan si ay u ansixiyaan xubnaha cusub ee loo soo xulay komishanka doorashooyinka qaranka.

 

Todobadda xubnood ee loo soo xulay komishanka cusub, waxa ay kala yihiin sidan hoos ku xusan:

 

Magacyada saddexda xubnood ee madaxweynuhu magacaabay waxay kala yihiin:

 

1. Maxamed Axmed Xirsi Geele.

2. Eng: Ciise Yuusuf X.Maxamed (Egn; Ciise Xamari)

3. Faarax Abiib Aadan.

 

 

Labda xubnoo d ee golaha guurtidu soo xuleen waxay kala yihiin:

1. Raabi Shariif Cabdi Maxamed.

2. Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil.

 

 

Xubinta uu soo xulay xisbiga Kulmiye waa:

1. Cali-Khadar Xasan Cismaan

 

 

Xubinta Xisbiga UCID

2. Cabdifataax Ibraahim Xasan.

 

 

 

Gebagebadiina waxa madaxweynuhu qoraal degdeg ah oo xambaarsan todabadaa xubnood uu u diray golaha wakiiladda oo uu kaga codsanay in ay isugu yimaadaan fadhi degdeg ah oo aan caadi hayn si ay u ansixiyaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

In Total:

 

 

1- Maxamed Axmed Xirsi Geele.

2- Eng: Ciise Yuusuf X.Maxamed (Egn; Ciise Xamari)

3- Faarax Abiib Aadan

4- Raabi Shariif Cabdi Maxamed.

5- Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil.

6- Cali-Khadar Xasan Cismaan

7- Cabdifataax Ibraahim Xasan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I am not that sure, we where clapping our hands when the first electoral Commission was announced, how are these guys different then jamac Sweden , i mean its the same game different players. I have to see in order to believe they are honest guys and really want to hold election. Any thing from that Viva Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

5 years later you will hear the same thing "new electoral commission" the "election is coming soon" and blah blah blah.

 

Hargeisa is now the adal empire whether any of you want to accept that or not is irrelevant because rayale is not asking for your input.

 

Somafiland will never hold an election it failed to do so 3 times and rayale won't start holding it any-time soon. Even if he does which is very slim chance, he will just rigg it for him to win.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Khayr   

Originally posted by Oodweyne:

^^^ It's best to leave tolka's talking points at home. Or failing that, at least, at the proverbial gate of
SOL
before you enter here. For, what you did in here (
unbeknowest to you, perhaps
) was to expose yourself, both in-terms of how laughable you really are in our company.

 

And, in-terms of sheer
"indoctrination"
that you have had the misfortune to undergo right at the hand of your
"politically grooming family"
(
as it were
).

 

Hence, it's best to take good care of your failing,
dear lad
; particularly, long before you inadvertantly share it in the public square. And, that,
my friend
, is a piece of a free advice. Therefore lets hope that you'll heed it; if nothing else, at least for your own political learning process (
as it were
), indeed.

 

Regards,

Oodweyne.

:confused:

 

Is this a Soliloquy of yours, old chap? :rolleyes:

 

Indeed, Somafialand is what it is. Keep the chaad flowing boyz, said the Riyaale, the Fox. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

All the best to the new team members. There is a monumental task ahead of them. May they succeed where the previous NEC members felt short.

 

PS

JB, care to introduce to us the new NEC members? What is their background i.e. education or work experience?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Poker   

Originally posted by Xaaji_xundjuf:

I am not that sure, we where clapping our hands when the first electoral Commission was announced, how are these guys different then jamac Sweden , i mean its the same game different players. I have to see in order to believe they are honest guys and really want to hold election. Any thing from that Viva Somaliland.

Maad u ducaysiduun maxaad uga dayrinaysaa?

 

 

Not that I know any of these catz, I wish them all the best and I hope they do honorable work.

Share this post


Link to post
Share on other sites

We should wait until they are approved by the Parliament on Saturday IA ,,, then their profiles will be released.

 

I don't think i know any of them right now ......

Share this post


Link to post
Share on other sites

Golaha Wakiillada oo Ansixiyay 7 Xubnood ee Komishanka Cusub

 

 

Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta duuduub ku ansixiyay 7-dii xubnood ee komishanka cusub madaxweynuhu u soo gudbiyay Golaha Wakiillada si ay uga gutaan waajibaadkooda hubinta inay u qalmaan komishaneernimo.

 

Fadhigii maanta ee Golaha oo ay ka soo xaadireen 66 Xubnood oo ka mid ah mudaneyaasha Aqalka Baarlamaanka la soo doortay waxa shirgudoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiillada, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.

 

Gudoomiyaha Guddida Arrimaha Gudaha ee Golahaasi Md. Siciid Cilmi Rooble ayaa isagu golaha ugu horayn faahfaahin ka siiyay su’aalihii ay waydiiyeen komishankan cusub, isaga oo ku booriyay mudaneyaasha inay Todobadan xubnood si aan kala hadh-lahayn ugu wada codeeyaan si loo guda-galo hawlaha doorashooyinka mararka dib u dhucu ku yimi.

 

intaa ka dib Xoghayaha Golaha Wakiillada ayaa mudaneyaasha u akhriyay CV-yada Todobadan xubnood oo 3 ka mid ah uu soo magacaabay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, Labana Guurtida ay soo magacaabeen halka Labada kalena ay Xisbiyada Mucaaradku soo magacaabeen.

 

Gudoomiyaha Golaha Wakiillada, Md. Cabdiraxmaan Cirro ayaa fursad kooban siiyay oo hadalka ku soo dhaweeyay Todobadan xubnood si mid kasta oo ka mid ahi Xildhibaanada ugu qanciyo waxa uu maaggan yahay hadiiba loo doorto oo uu fursad u helo xubinimada Komishanka.

 

Hadalka ay Golaha Wakiillada ka jeediyeen Todobadan xubnood ka dib waxa la guda-galay in mid kasta si gaar ah cod loogu qaado.

 

 

 

Xildhibaanada fadhiyay Madasha ayaa xubin kasta oo ka mid ah Todobadan xubnood ugu codeeyay si aan kala hadhlahayn, 65 mudane ayaa xubin kasta gacanta u taagay, may jirin cid ka aamustay iyo cid diiday toona, Gudoomiyuhuna ma codayn.

 

Talaabadan ay mudenayaasha Golaha Wakiilladu wada jirka iyo sida midaysan ugu ansixiyeen komishanka cusub ayaa dadka siyaasada oddorosa una dhuun-daloolaa ku tilmaameen talaabo hore loo qaaday oo soo dhawaynaysa rajada laga qabo in doorashada Madaxtooyada mudada lagu wado in hada loo qabto ay ku qabsoonto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this