Sign in to follow this  
General Duke

Hargaysa: Riiyaale Thief Finance officer looted $millions from poor

Recommended Posts

riyaale.jpg

"I know Gucci when I see it, I am RICH" ....... ;)

.................... .................... .................... .

Eng. Maxamed Xaashi oo soo Bandhigay Hanti Balaayiin Doollar ah oo Rayaale iyo Wasiir Cawil Dibadaha Dhigteen

 

“Hantida ma-guurtada ee Rayaale urursaday intii uu xilka hayay: Jabuuti: Villa badda saaran iyo hal dabaq oo badhtamaha magaalada ah, Qaahira; Dhisme 9 dabaq ah oo ku qoran Cabdiraxmaan Daahir Rayaale Kaahin, UAE (Shaariqa): Qasri, Boorama dhawr guri”

 

 

“Hantida uu urursaday Cawil Cali Ducaale intii uu xilka hayay: Kenya (Nairobi) afar ******* oo middiiba tahay hal dabaq, 7 gaadhi weyn oo Volvo ah”

 

.................... .................... .................... ......

Hargeysa (Jam)- Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ah siyaasiyiinta urur-siyaasadeedka QARAN ee la midoobay xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, ayaa soo bandhigay hanti balaayiin dollar gaadhaysa oo uu sheegay in Madaxweyne Rayaale iyo Wasiirkiisa Maaliyaddu dibadaha dhigteen.

 

Eng. Maxamed Xaashi waxa uu ku eedeeyey Wasiirka Maaliyadda Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil) inuu markab raashin ah oo ganacsade Carbeed ku caawiyey Somaliland uu ku iibiyey dalka Jabuuti. Qoraal uu xalay khadka internetka Jamhuuriya ugu soo diray, waxa uu ku sheegay in Wasiirka Maaliyaddu si qarsoodi ah Jabuuti ugu iibiyey markab raashin ah oo ganacsadaha Carbeed ee Al-cammuudi ku caawiyey ummadda Somaliland, isla markaana lacagtii ka soo baxday aanay ku dhicin khasnadda dawladda.

 

 

Qoraalkaas oo uu ku soo bandhigay dhaliilo tiro badan oo uu u xambaariyey xukuumadda Madaxweyne Rayaale iyo hantida ummadda ee madaxda xukuumaddu lunsadaan, waxa uu u dhignaa sidan:

 

 

“Xaalad adag oo horleh ayaa soo foodsaartay JSL. Xaaladdaas waxa abuuray madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin. Daahir wuxuuu mansabka madaxweyne ka dhaxlay, Madaxweyne M .I.Cigaal (AN) bishii May 2002, Daahirna wuxuu u magacaabay Ku-xigeen madaxweyne Axmed Yuusuf Yaasiin.

 

 

Maamulka Rayaale sidee loo arkaa? Sida qaalibka ah, madaxdu waa laba nooc. Mid ay arrimihiisa gaarku hoggaamiyaan iyo mid u adeega danaha caamka ee dalka iyo dadka. Haddii aan qiimayno xilgudashadii Daahir Rayaale Kaahin, wuxuu ku sifoobi nin aad u danaya arrimihiisa gaarka ah. Madaxda noocan ah waxay adeegsadaan, dad u dhaga-nugul. karti iyo daacadnimo ma aha, shardi raalligeliya.

 

 

Waxa furma albaabada musuq-maasuqa. Dastuur, sharci iyo dan gaar meel uma wada hoydaan. Dastuur iyo sharci waxa loo sameeyay, danta caamka ah. Waa sababta Dastuurka loo adkeeyay ee lagu ansixiyay afti dadweyne.

 

 

Sidee ayey madaxda noocan ah daweynaha u raalligeliyaan? Waxa ay adeegsadaan Qabiil, kaasoo u adeega danaha khaaska ah, mid qof, qoys amma beel.iwm. Markaa dadweynaha waxa loo tumaa durbaanka qabiilka. Durbaankaas waxa u dhaga-wadan danayste oo dhan iyo inta aragtida gaaban. Kuwaa waxa hormood ka ah: Maalqabeen, Madaxa-dhaqameed baahi badan iyo afmiishaar.

 

 

Waxa dadweynaha lagu duufsadaa sheekada; Dawladdii reer-hebel, wasiirkii reer-hebel. Waxa la isugu faanaa, Madaxweyne ilaa Agaasime, wasiir, xildhibaan iwm ee reerku leeyehay. Waa dareen in aan dadweynuhu u sinayn xukuumadda, haddii ay tahay mansab ama dheef. Waa asaaska xukuumad ballaadhan oo tayo xun. Waa majara-habaabin dadweyne. Laguma xisaabtamo, maxay xukuumaaddu qabatay, ee waa imisa madaxda aynu ku leenahay. Waa gabboodka madaxda sare ee musuq-maasuqa, maal urursigii iyo kursi jacaylka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this