Sign in to follow this  
Major-General Cawad

Puntland and Today!!!

Recommended Posts

Garoowe: Golaha wasiirada Puntland oo shir ku yeeshay Garoowe , go'aamana kasoo saaray.

- Saturday, August 06, 2005 at 11:24

 

Garoowe(AllPuntland)- Golaha wasiirada ee dawlad goboleedka Puntland ayaa maanta shir ku yeeshay xarunta madaxtooyada magaalada Garoowe.

 

Shirkaan oo uu shir guddoominayay madaxwayne kuxigeenka Puntland Xasan Daahir Af-Qurac ayaa looga hadlay xaaladaha haatan ka taagan dalka ee ay kamid yihiin ammaanka iyo arimaha gobolka Sool.

 

Shirkan oo ay saacado badan u fadhiyeen golaha wasiirada Puntland ayaa waxaa laga soo saaray qodobadan hoos ku qoran:-

 

1. In dhammaan wasaaradaha Puntland liisaska shaqaalohooda usoo gudbiyaan wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha muddo 14maalmood ah.

 

2. In saraakiisha ciidamada Puntland ay soo gudbiyaan shaqaalohooda isugu jira booilska iyo daraawiishtaba muddo 14 maalmood ah .

 

3.In la bilaabo Roondo ka shaqaysa hawlaha ammaanka magaalooyinka Puntland oo dhan.

 

4.In lasameeyo dhaqaale looga hortago arimaha ammaan darada iyo gubista deegaanka .

 

5.In dakhliga Puntland 5% loo qoondeeyo arimaha ammaanka muddo laba bilood gudohood ah.

 

6.In lasameeyo guddi gaar ah oo loo xilsaaro in wax sanaadiiq ah aysan soo galin gobolka Sool .

 

Dhammaan qodobadan lagu heshiiyay ayaa la isla gartay in sida ugu dhaqsaha badan loo hirgaliyo , dhammaan wasaaradaha iyo waaxyaha ku shaqada lehna ay u hogaansanaadaan.

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qoddobbo muhiim ah oo laga soo saaray shir ballaaran oo ka dhacay madaxtooyada Garoowe

Garoowe - 06.August.2005 Wararka ka imanaya magaalada Garoowe ee xarunta dawlad goboleedka Puntland ayaa sheegaya in madaxtooyada magaaladaasi lagu qabtay shir ballaaran oo khuseeya arrimo muhiim ah.

 

Shirkan ayaa waxaa laga soo saaray qoddobbo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:

 

1. In shaqaalaha rayidka ah ee dawladda liisaskooda saxa ah loo gudbiyo wasaaradda shaqada, shaqaalaha, dhallinyarada iyo Isbooriga.

 

2. In liiskaska saxda ah ee ciidamada kala duwan ee dawlad goboleedka Puntland loo gudbiiyo wasaaradda shaqada, shaqaalaha, dhallinyarada iyo Isbooriga.

 

3. In la bilaabo Roondo ka shaqaysa hawlaha ammaanka magaalooyinka Puntland oo dhan.

 

4. In dakhliga Puntland 5% loo qoondeeyo arimaha ammaanka muddo laba bilood gudohood ah.

 

5. In la sameeyo guddi gaar ah oo loo xilsaaro in wax sanaadiiq ah aysan soo galin gobolka Sool.

 

6. Iyo In lasameeyo dhaqaale looga hortago arimaha ammaan darada iyo gubista deegaanka.

 

Shirkan oo ahaa mid si weyn go’aamadaasi la isula meel dhigay isla markaasna la isku af gartay ayaa waxaa guddoominayey madaxweyne kuxigeenka Puntland, ahna sii hayaha xilka madaxweynaha Puntland.

 

C/naasir Yaasiin

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xukuumada Puntland Oo Go’aamo Ka Soo Saartey Shir Ay Ku Yesheen Garoowe.

 

Garowe(Radiossc.net):- Golaha Xukuumada Dawlada Goboleedka Soomaaliyeed Puntland ayaa maanta shir ay ku yeesheen Xarunta Garoowe ka soo saray Qodobo lix ah,shirkaasi ayaa waxaa shir Gudoominayey Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Xasan Daahir Afqudhac.

 

Shirkan oo loo fadhiyey mudo dheer ayaa waxaa lagaga hadlay amuuro dhawr ah oo ay ka mid yihiin Amaanka Puntland iyo Sanaaqiida Maamulka Soomaalidiidku doonayo inuu keeno Gobolka Sool goobo ka mid iyo qodobo la xidhiidha Shaqada iyo Ciidamada,Waxaanu ugu danbayntii Golahu isku raacay kan soo saaray qodob kala duwan

 

 

 

1; In Dhamaan wasaaradaha Puntland la Diwaan galiyo Shaqaalahooda una soo gudbiyaan wasaarada Shaqada iyo Shaqalaha 14 gudahood.

 

 

 

2:In Saraakiisha Ciidamada Daraawiishata iyoBoolisku ay soo Gudbiyaan Shaqalahuda oo dhan 14 maalmood gudaheed.

 

3:In la Bilaabo Roondo ka shaqaysa Hawlaha Ammaanka magaalooyinka Puntland oo Dhan.

 

 

 

4.In lasameeyo Dhaqaale looga hortago Arimaha Ammaan darada iyo gubista Deegaanka .

 

5.In Dakhliga Puntland 5% loo qoondeeyo arimaha Ammaanka muddo laba bilood gudohood ah.

 

6.In lasameeyo guddi gaar ah oo loo xilsaaro ka Hortaga Sanaadiiq Maamulka Riyaale doonayo inuu soo galiyo Gobolka Sool .

 

 

 

Radiossc.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxtooyada Puntland oo lagu gaaray go'aano dhowra.

Posted to the Web Aug 06, 16:23

 

Garoowe:- Waxaa Madaxtooyada Puntland maanta ka dhacay shir balaaran oo ay isugu yimaadeen golaha Wasiirada ee DGPL ayaa waxaa dood dheer kadib la go'aamiyey arrimaha ay kamidka yihiin:

 

-In Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha iyo dhalinyarada iyo Isboortigga loo gudbiyo Liiska shaqaalaha Dowlada inta diiwaanka gashan.

 

- In Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha iyo dhalinyarada iyo Isboortigga loo gudbiyo Liiska Ciidamada kala duwan ee DGPL.

 

-In dakhliga soo gala Maamul goboleedka Puntland 5% loo qoondeeyo arrimaha xaga amaanka labo bilood gudahood.

 

-In la bilaabo Roondo ka shaqaysa howlaha amaanka Magaalooyinka Puntland oo dhan.

 

-In lasameeyo dhaqaale oo looga hortago arrimaha ammaan darada iyo gubista deegaanka.

 

-In la sameeyo guddiyo gaara oo loo xilsaaro in wax Sanaadiiq ah aysan soo gelin gobolka Sool.

 

Shirkan ayaa go'aanadii lagu gaaray ayaa loogu balamay sidii loo hirgelin lahaa, cid walba oo ay khusaysana sideeda ay udhaqan geliyaan.Waxaana shirkaas maanta soo gunaanuday Kusimaha Xilka Madaxweymaha /Madaxweynaha DGPL Mudane Xasan Daahir Afqurac.

 

Axmed C/salaaam

Puntlandpost,Garoowe,J,F,Soomaaliya

Contacts:loole25@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this