Sign in to follow this  
Duufaan

Riyaale UDUB, Kulmiye got more money?

Recommended Posts

Duufaan   

After the six months extension, Riyaale party is looking forward. Riyaale needs lot of cash but very concern Kulmye money. Any fake money may not be enough. Tracking Kulmiya money to Burco and war of T maybe next move.

 

 

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Oo Markii Ugu Horeysay Sheegtay Inay Ka Dawakhsan Tahay Dhaqaalaha Xisbiga KULMIYE Kula Kaambayngaraynayo

 

-------------------- -------------------- -------------------- --------------------

 

 

 

()

hadhwanaag 2009-04-01 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Xukuumadda Madaxweyne Daahir Rayaale, ayaa ka dawakhday badnaanta xaddiga dhaqaale ee Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, isla markaana markii ugu horeysay maanta, Daaha ka rogtay in uu KULMIYE ka ka dhaqaale badan yahay dawlad ahaan, Xisbigeeda UDUB iyo Xisbiga kale ee Mucaaridka ah ee UCID.

 

“Dawladda waxa lagu xantaa lacag bay cuntaa,tan ka badan ee KULMIYE ma Ajanab ayaa keena, ee maalin walba wax lagu laaluushayo ee shanta sanno soconaysaa waa maxay, Annagii dawladda ahayn intaas oo jeer ayaanu lacag la’nahay, oo daymo badan ayaa dawladda lagu leeyahay, bal dadweynaw waxaad soo baadhaa meesha lacagtan faraha badan ee sida daadka u socotaa ka timi, oo tii dawladdu haysay mid ka fara badan ayaa socota’e maxaa UCID u heli waayay, maxaa UDUB u heliwaayay, dadwaynaw soo baadha, annigu waan yaabanahay meesha ay ka soo baxayso’e, oo baadhay welina waan ku daba jiraaa halka ay ka soo baxayso Annigu garan waayay.” Sidaa waxa yidhi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda Somaliland Yuusuf Ciise Tallaabo.

 

Inkasta oo aanu Wasiirku moogayn xanta Xukuumadda uu ka tirsan yahay marka dhinaca dhaqaalaha laga hadlayo, haddana waxa uu sheegay in uu ka dawakhsan yahay dhaqaalaha uu kula kaambayngaraynayo Xisbiga KULMIYE. Wasiir Tallaabo waxa uu u muuqdaa mid halmaansan in dhaqaalaha Xisbiga KULMIYE yahay Shilimo jeebab dad ka soo baxay, oo dadka xisbigu iska ururiyaan, balse si fiican loo maamulay. Isla markaana wax kasta oo si fiican loo mamulaa muuqan karo.

 

Hase ahaatee, Tallaabo oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waar KULMIYAW lacagta sidan u badan hadaad walaal haysaan dawladnimaba waad ka maarmaysaan, haddaad siyaasad u isticmaalaysaanna, maad Dugsi Agoomaha iyo mid Naafaha ah ku samaysaan, maad wanaagba nagula tartantaanoo wax wanaagsan ku qabataan lacagtan, haddaad sidaas samaysaan dadkuba idinka ayuu idin jeclaan lahaa. Markaa lacagtan cusubi wax soomaalidu hayso ka badane waxaan odhan lahaa laaluul innaga bixiyoo dunidaa kale siiyoo, dawlado dhan oo inna ictiraafi lahaa ayaa jira, haddaynu dhawr Malyuun u dhiibno Madaxweynayaasha Mucaaridka ku soo raagay aynu dhawr Malyuun u dhiibno oo nidhaahno waar noo kaambayn-gareeya, afar shan inna Ictiraafa ayaynu heli lahayn.”

 

Wasiir Ku-xigeenka Caddaaladda Yuusuf Ciise Talaabo, oo aan waydiiyay, in Xukuumaddu hayso Dakhligii guud ahaanba dalka Somaliland, halka KULMIYE taageerayaashiishu Dhaqaalaha uga ururiyaan. Sidaa daraadeed, maxaad u arki wayday xaddiga dhaqaalaha Hantida Qaranka ee ay dawladdu ku takri-fasho, inta Shilimada jeeb taageere ka soo baxay kuu muuqdaan?

 

Waxaanu kaga jawaabay su’aashaas Tallaabo oo uu yidhi, “Annigu Dhaqaalaha aqoon badan ayaan u leeyahay, maaha aragti la’aan, ee waa la ogyahay dhaqaalaha Xukuumaddu inta uu yahay, laakiin ninka Bilaacamalka ah ee Shan sanno iyo in ka badan lacagtiisu sida daadka u socoto, ee soo wada uun waa mid ka shaki leh, in la baadhana u baahan.”

 

Inkasta oo aan sii waydiiyay in la ogyahay inkasta oo ay le’egtahay lacagta dawladdu iyo in ay hantidii ummadda kula gorgortamayso Xisbiyada, isla markaana halka KULMIYE taageerayaashiisu lacagta uga ururiyaan UDUB dadku ay u lacag doontaan, sidaa daraadeedna tii uu isaga oo afka Wasaaradda Cadaaladda ku hadlaya cambaarayn lahaa tahay dawladda, halka uu lacagta KULMIYE wax laga shakiyo ku tilmaamayo. Wasiir Tallaabo waxa uu taa kaga jawaabay, “Annagaba lacagta qaadhaanka ah ee Xisbiga waa nalaga ururiyaa, Xisbi kastana taageerayaashiisu lacagta way bixiyaan. Anniga wakhtiyada qaar ayaa 350,000 Somaliland Shilin ah layga qaadi jiray, marki dambe ee dadku soo batay ayaa 100,0000 kun layga dhigay, laakiin, waxa is waydiin leh maxay Xisbiyada kale ee UDUB iyo UCID ula mid noqon waayeen ee KULMIYE lacagtiisa daadka aan dhamaanayn ka dhigay.”

 

Wasiir Ku-xigeenka Caddaaladda Yuusuf Ciise Tallaabo, oo ka mid ah Wasiiradii ay isugu dhadhawaan jireen Madaxweyne Rayaale, ayaa badhtamihii sannadkii 2008 hawl caafimaad ugu baxay dalka Itoobiya, gaar ahaan Addis Ababa, ayaa loo qabsaday, isla markaana loo xidhay lacagtii Huteelkii uu degay. Waxaanu wakhtigaasi sheegay in Wasiirka Maaliyadda Xuseen Cali Ducaale (Cawil) iyo Wasiirka Arrimaha dibada Cabdillaahi Maxamed Ducaale, ay wanjaleen oo ay Jaz la ciyaareen. Hase ahaatee, mar maanta la waydiiyay Jaz-taa uu sheegay in ay Wasiiradu la ciyaareen halka ay ku dambaysay iyo waxa uu ka yeelay, waxa uu si kooban u yidhi, “KKKKKKK. Salaad walba wakhtigeeda ayaa la tukadaa, markaa mawduucan maanta ka hadlayay kaasi wuu ka baxsan yahay.”

 

Si kastaba ha ahaatee, hadalka Wasiir Tallaabo waxa uu muujinayaa in ay Xukuumadda oo dhaqaale aad u badan ku bixisa ololaha Xisbiga UDUB, ay culays dhaqaale dareentay, isla markaana KULMIYE u muuqdo mid dhaqaale ahaan kaga badin kara tartanka doorashooyinka iyo kala jiidashada shacbiga. Lana odhan karo arrintaas ayaa ah ta kaliya ee uu Wasiirku iinta ugu yeelayo Dakhliga Xisbiga KULMIYE.

 

Cabdifataax Ismaaciil Mursal

Hadhwanaagnews Reporter

Office/Hargeysa/Soma liiland.

E-mail. mrmursal@gmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Submited By hadhwanaag : 2009-04-01

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this