Sign in to follow this  
Liibaan

Wufuuda Dhanka WoqooyiGalbeed/Somaliland OoLagu Ururinaya Magaalada Laascaanood

Recommended Posts

Liibaan   

Wufuuda Dhanka Somaliland Oo Lagu Ururinaya Magaalada Laascaanood

 

 

 

(Laascaanood, Sool, Somalia}13.7-7

Wakiilo ka socda gudida shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed. ee qaban qaabineysa shirka dib u heshiisiinta Beelaha soomalida ee Muqdisho oo ay wehliyaan Xubno ka tirsan Golaha Baarlamaanka Dowlada Federalka ayaa la filayey inay maanta u soo duulaan Magaalada Laascaanood.

 

Waxayna Laascaanood u iman lahaayeen sida la qorsheeyey lagu diyaariyey in lagu soo uruuriyo Ergooyinka maamulka labaxay Somaliland uga qayb geli lahaa Shirka dib u heshiista ee lagu wado in 15 bishan ka furmo magaalada Muqdisho.

 

Iyadoo ay ka hadhsan tahay maalin kaliya mudadii lagu balamay in Shirka Dib u heshiisiinta Beelaha Soomaalida. uu ka furmo Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dardar xoog leh la geliyey sidii uu u suurto geli lahaa qorshahaasi inkastoo ay dhibaatooyin adagi soo food saartay qaban qaabiyayaasha Shirkaas sidii ay u heli lahaayeen si ay arimahaasi ku suuro galaan, hadana waxaa muuqata iney qaban qabiyayaashu doonayaan Hanashada ergooyinkii uga qeyb geli lahaa Beel kasta iyadoo ilaa hada aanay jirin wax ergo ah oo reer waqooyi ah oo laysla og yahay oo tagtay Madasha shirka hase yeeshee la dhawrayo inay koox kastaa hesho dadkii ay geyn lahayd shirkaas.

 

Wararkii ugu danbeeyey ee ka soobaxay Qaban qabiyayaasha shirka ayaa sheega inay u diri donaan Magaalada Laascaanood xubno isugu jira Xildhibaano iyo rag kale oo ka qayb qaata soo gudbinta ergooyinka.

 

sidoo kale waxay warar xog ogaal ahi sheegayaan in la waayay Dhaqaalihii ay beesha caalamku ugu talo gashay inay ku kaabto sidii ergooyinka loo keeni lahaa Muqdisho.

 

Taasoo gudigu tibaaxeen in gudiga qaban qaabada shirku aanay haysan wax dhaqaale ah oo ay Beesha Caalamku siisay balse ay haystaan oo keliya Balan qaadyo ah in hawsha la qabto oo aan la ogayn inay hirgelayaan iyo in kale.

 

Ergooyinka lagu wado maalmahan inay u anbabaxaan madasha shirka ayaa la sheegaya inay hore xidhiidh ula sameeyeen cida ay doonayaan si mar kelya looga wada baxo laascaanood.

 

Waxaana la sheegay in ergada ka imanaysa laascaanood ay wadaan balan qaadyo ay dadka ugu sheegayaan in loo damaanad qaadayo waxa ay doonayaan oo dhinac kasta ah taasoo ah qaab ay siyaasiintu wax ku kasbadaan

 

Waxaa kale oo aad laysu waydiinayaa ergooyinla lagu ururinayo laascaanood cida ay noqonayaan iyo qaabka loosoo xulayo inkastoo la sheegayo in qaabka hore loosii qorsheeyey oo aan la filayn in ay wax caqabad ahi ku timaado, Balse lama hubo ilaa iyo hada cida uga qayb gelaysa Beelaha Reer sheekh Isxaaq iyadoo la sheegay in dadka ugu muhiimsan ee laga doonayo dhinaca beeshaas inay yihiin Salaadiinta oo qaar badan lagu tilmaamo inuu jiro xidhiidh ay had iyo jeer la sameeyaan Siyaasiin joogta koonfurta laakiin ka soo jeeda gobolada waqooyi galbeed ee soomaliya.

 

Si kastaba ha ahaatee waxaa saadaal weyn laga qaabaa in la helo ergooyin ka socda Beesha Reer Sheekh Isxaaq oo tagta madasha Shirka marka la fududeeyo duruufaha madow ee ku xeeran qaban qaabada shirka

 

Widhwidh Online News Desk..Media Center

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Koox Uu Hoggaaminayo Maxamed Jirde Oo Laascaanood Ku Ururinaya Dad Reer Somaliland Ah Oo Ka Qaybgala Shirka Muqdisho

 

 

Somaliland.Org

 

 

Laascaanood (Somaliland.org) – Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa la sheegay inay soo gaadheen rag ka soo jeeda gobolada Badhtamaha iyo Galbeedka Somaliland oo u ololaynaya shirka Muqdisho ee dib-u-heshiisiinta.

Warar aanu ka helay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in koox Lix nin ah oo uu hoggaaminayo Maxamed Jirde Xuseen ay ka soo ambabaxeen magaalada Muqdisho, iyaga oo u soo jeeda magaalada Laascaanood, halkaas oo la sheegay inay ka kaxaynayaan dad reer Somaliland ah oo ka qaybgelaya shirka Muqdisho. Waxayna wararku sheegeen in raggaasi ay shalay soo gaadheen magaalada Garoowe, maantana la filayey inay Laascaanood yimaaddaan.

Raggaas oo la sheegay inay sidaan lacag gaadhaysa US $100, 000 (Boqol Kun oo Doolar) waxa la sheegay inay doonayaan Odayaal iyo madax-dhaqameedyo reer Somaliland ah oo ay sheegeen inay kula ballansan yihiin Laascaanood.

Weriyayaal jooga magaalada Laascaanood oo aan la xidhiidhay caawa way xajiin kari waayeen in raggaasi ay soo gaadheen Laascaanood, balse, waxay sheegeen inay maqleen dhawr goor oo hore inuu magaaladaas yimi Ina Jirde, dadna uu ka kaxeeyey halkaas oo uu geeyey Gaalkacayo.

Maxamed Jirde Xuseen oo isagu ka tirsan Guddida Qabanqaabada Shirka Muqdisho, waxa ka mid ah ragga la sheegay inay la socdaan, Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo ka tirsan baarlamaanka Baydhaba fadhiya, marna Wasiirkuxigeen ka ahaa dowladda Cabdillaahi Yuusuf, Cabdirisaaq Sigaaro, Cabdirisaaq Gambayare oo ka tirsanaa Saraakiishii ururkii SNM, Muxiyaddiin iyo nin la yidhaahdo Cali Qalab-jaan; waxayna dhammaantood ka soo jeeda Gobolada Togdheer iyo Hargeysa ee Somaliland.

Xukuumadda Somaliland ayaa u digtey dadka reer Somaliland ee ka qaybgalay shirkaas. Waxayna wasaaradda Arrimaha Guduhu sheegtay in jidka isku xidha Burco iyo Laascaanood ay dhigeen ciidamo hubiya dadka jidkaa maraya.

C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Somaliland Oo Digniin Culus Jeedisay Isla Markaana Xidhay Wadooyinka Ubaxa Laascaanood

 

 

News (Laascaanood,Sool, Somalia}14.7-7

 

Maamulka Labaxay Somaliland ayaa digniin Culus kasoo saaray ka qayb galka shirka dibu heshiisiinta somalia digniintan ayaa ku soo beegmaysa xili ay laascaanood kusoo fool leeyihiin odoyaal dhaqameedo ka imanayay hargeisa walow ay xidhan tahay wadada burco iyo laascaanood xidhiidhisa............................................

 

Wasiirka Arrimaha gudaha ee maamulka hargeisa, C/laahi Ismaaciill Cali “Cirro”, ayaa soo saaray digniin ka hadlaysa, in aan laga qayb geli Karin shirka 15 July, ka bilaabmi doona muqdisho

 

Wasiirka oo soo saaray Bayaankan ka hadlaya arrintaa, ayaa waxaa uu ku sheegay in qofkii ka qayb gala shirkaa kooxaha somaliya, uu yahay Dambiile , sidaana uu dhigayo sharciga .

 

Digniinta wasiirka oo loo qaybiyey warbaahinta, ayaa waxay ku soo beegantay xilli , ay saxaafada hargeisa ay aad u buun buuninayaan war ku suu baxay shabakada Widhwidh Online oo sheegayay in magaalada laascaanood ee gobolka Sool loogu tallo galay in laga qaado Ergooyika iyo Madax dhaqameedyada beesha ***** ,iyo waliba wixii kale ee laga hello deegaanada hargeisa burco iyo borama ee ka qayb gelaya shirkaa nabada ,

 

waxaana la filayaa in magaaladan laascaanood ay soo gaadhaan xubno sar sare oo ka mid ah qaban qaabiyeyaasha shirka dibu heshiisiinta somalia.

 

Waxa kale oo la sheegayaa in aad loo adkeeyey wadooyinka xidhiidhiya magaalooyinka Burco Iyo laascaanood , iyo weliba garoomada diyaaradahaba, aadna loo hubsanayo gaadiidka iyo cidda raacaysaba.

 

Widhwidh Online News Desk..Media Center

Share this post


Link to post
Share on other sites

To broaden & to "Somalicize" this obvious 2 clan reconciliation process miyaa sheekadu? All political pundits know that this shir is only attended by the President's clan,

Geedi's clan & other powerless little clans.

 

Even the little boy from Burco knows that these men are not legitimate representatives of the somaliland people. I am curious tho',is mr Jirde an elected member of the JSL paliament? Is any member of this congregation a reprensative of the people of JSL?

 

Thursday malaq unbaa naga xigo,ee lets see what the president's new strategy is,Obviously,this is not working!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

Its obvious its not going to work. But at least few dollars of funds solicited in the name of somali peace conference have made up its way to places like Laascaanod. Waa hubaal in rag badani qayili doonaan waayahan. Thanks to the sham reconciliation efforts.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Two clans? What arrogance what about the clan from Bay, Bakool and Lower Shabbele? Those from Gedo areas not either clans?

The clan of Marka the older of the two clan you mentioned are present.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

ANYWAYS

 

After all that school boy ****** by duke the whole thing has been a shamble and it lasted about 30 mins...

 

and to make already hard realitty even more biting for the ethopian stooges and their supportes not a single soul from somaliland turned up not even reer laascanood.

 

oh dear oh dear.. we wait with bated breath what concorted tales of utopian fantasies mr comical ali will think of next to entertain us... :D

 

[ July 18, 2007, 01:05 AM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mr. Dear Mohamed Jirde will stay in the beloved Laascaanood for one good week, they he would probably go back to Mogadishu and tell Ali Mahdi that nobody showed up but wuu la xidhiidhay the odayaasha and they said they are on da way.

 

He would then Ali mahdi that the cost of this effort was 5 Million USD .. He would then request an additional budget of another 6 millions to facilitate those odayaal coming to Laascaanood very soon. As soon as he gets the new funds then he'll disappear for good.

 

That is how the business is done :D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

^Saxb hadalka iska dhaafoo , Cimaamadii booodhka ka jaf, oo Laas Caanood ka war doon. :D

 

Ps, markaad xoogaga inoo soo qaadid, ha i ilaawin. icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this