Sign in to follow this  
MR ORGILAQE

Wiil Waal Lagga iyo Barida Lug Laguugu Dar!

Recommended Posts

Wiil Waal Lagga iyo Barida Lug Laguugu Dar!

Faallo: Mudug Online

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Rag ka agdhawaa maamulkii Wiil-Waal ayaa waxaa dhibtey Wiil-Waal oo marka xoolaha la qasho lagga iyo baridaba isagu cunijirey, xagga ragga inta kale ay cunijireen hilbaha inta hartey, sida laga warqabana badanaa miyiga dadka joogaa waxaa ku yar nafaqada oo qofkii la xurmeynayo ama la baananayo waxaa la siiyaa dufan, inta badanna kurus ama bari idaad, lagguna laftiisu kama daro. Muddo kaddib ayaa ragii qaar ka mid ah is xan warsadeen oo ka doodeen sida odeygu uussan raggii kale waxba ugu reebin dufankii, nin ayaa talo soo jeediyey oo yiri; "aan la hadalnno Wiil-Waal oo aan ku dhahno Wiil-Waal lagga iyo barida iskuma heshid". Raggii talada ninkaasi waa la qurxoonaatey, hase yeeshee waxaa la waayey nin isagu yiraahda aniga ayaa odeyga u sheegaya arritaan. Wada hadal dheer ka dib raggii waxey isla garteen in Wiil-Waal si wada jir ah talada loo gaarsiiyo, seddex afhayeen ayey iska doorteen waxeyna hadalkii u qaybsadeen sidaan:

Ninka 1aad inuu yiraahdo ereyga; "Wiil-Waal", ninka 2aadna yiraahdo; "lagga iyo barida", kan 3aadna yiraahdo; "iskuma heshid"

 

Markii raggii isugu yimid ardaagii Wiil-Waal ka talin jirey ayaa ninkii 1aad hadalkii bilaabey oo yiri; "Wiil-Waal", kii 2aad ayaa isaguna yiri; "lagga iyo barida", kii 3aad ayaa wuxuu yiri; "lug laguugu dar" meeshii laga sugayey inuu yiraahdo; "iskuma heshid". Raggii inta is fiirsheen ayaa meeshii lagu kal yaacey, xoogaa kaddib ayey ninkii 3aad ku yiraahdeen; war maxaad sidaas u yeeshey oo ballantii uga baxdey, wuxuu ugu jawaabey; idinku maxaad oran laheydeen, waxaa la waayey nin isagu ku dhiirada inuu yiraahdo ereyga ah: "iskuma heshid", waxeyna dhamaantood isla garteen in ninkaasi caqli badnaa, maxaa yeeley hadduu yiraahdo erega "iskuma heshid" Wiil-Waal goobta ayuu ku dili lahaa.

 

Hadaba innagoo dhuuxeyna sheekada Wiil-Waal waxaa maanta nala gudboon inaan ku niraahno Dagaal-Oogayaasha hadda Xildhibaanda isu badaley, "Dagaal-Oognimada iyo Xildhibaanimada Wasiirnimo laydinkugu dar", si bal mar’uun loo helo Dawlad Soomaaliyeed oo Calankeedu Dunida mar labaad ka lusho, Baasaboorkeeduna noqdo midey ugu yaraan hablaha waratadaa Dubai iyo Kenya ugu dulaan.

 

Ragga iyagu u suxul doobaya iney helaan Wasiirnimo ee Gabdhaha dharbaaxda markiiba la gaaraya madasasha shirka horteeda waa iney xoogaa xishood iyo Samir muujiyaan, maxaa yeeley Xildhibaan gabar ma dharbaaxo ee gursiga ayuu uga gacaa markuu arko kuna yiraahdaa “danta maanta ku keentey waa dan culuse maxaan kula qabtaaâ€.

 

Dawladda 77 Wasiir iyo ku xigeenno ka kooban haddana wali la leeyahey looma dhamma waa “hal diidani gaaf wareega ma daysoâ€, marka nuxurka runtaa la eego Soomaaliya waxaa ka badan 15 Wasiir iyo ku xigeenadooda oo noqonaya wadar ahaan 30.

 

Waxaa iyaduna la yaab mudan in Dawladda dibad jooga ah Golaha Wakiilladu yiraahdaan kalsoonida ayaan kala noqonney iyagoo ku shirsan Qol kiro ah (Hall) halka dhismayaashii Soomaaliya looga talin jirey Hoobiye harsanayo, Xarumihii iyo Wasaaradihiina garaashyo laga dhigtey qaarna noqdeen qashin qub eeyada raabiyada qabaa seexdaan sida Ex-Baarlamaan oo kale.

 

Run ahaantii waa wax laga naxo in War Isgaarsiinta caalamku ku celceliyaan Dawladda Soomaaliyeed Muqidsho ma tagi karto nabad galyo xumo awgeed, sidee la doonayaa in wadanku u xasilo xaruntii laga talin lahaana ay noqoto meel shaydaan ku hoydo, malaha waxaa habboon in meel kale caasumad laga dhigo lagana minguuriyo Muqdisho.

 

Mudug Online/Edtorial

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this