Sign in to follow this  
General Duke

President PM Geedi operations will continue..

Recommended Posts

R/WASAARE CALI MAX'ED GEEDI OO SHEEGAY IN DAGALADA MUQDISHO LA SII WADI DOONO.

 

prof_Ali_Mohamed_Gedi.jpg

 

Sabati, 21, Apri. 2007 (HOL) R/Wasaaraha Dowlada Federaalka Cali Max'ed Geedi oo la hadlay Qaar ka mid qalabka Warbaahinta Gudaha ayaa sheegay in Dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho la sii wadi doono tan sida uu hadalka u dhigay R/iisul wasaaruhu meesha lag saarayo kooxo uu ku tilmaamy in ay ku xiran yihiin Arga-gixisada.

 

R/iisul Wasaaraha oo ka hadlayay Qodobo dhowr ah ayaa ugu horeyn soo qaatay dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho oo uu ku tilmaamay in Ciidamada Dowlada Federaalka oo garabsanaya kuwa Itoobiya guul waaweyn oo la tabaan karo ka soo hooyeen dagaalka lala galay sida uu yiri kooxaha ka soo horjeeda, waxaana uu intaa ku daran in hada la oran karo Dowalada Federaalku iyada ayaa gacanta ku heysa dhamaan Caasimada Muqdisho.

 

Sidoo kale waxaa uu sharaxaad kooban uu ka bixiyay cida ay Isaga la tahay in uu u dhaxeeyo Dagaalka Muqdisho, waxaan uu sheegay in dagaalku yahay mid u dhaxeeya sida uu yiri Ciidamada Dowlada oo kaashanaya kuwa Xukuumada Itoobiya iyo waliba kooxo uu ku tilmaamay in xiriiir qoto dheer la leeyihiin Ururka Al-qaacida, waxaana uu intaa ku daray in hada la sii wiiqayo awooda kooxahaasi.

 

Hadalka R/iisul wasaare Geedi oo u muuqday mid lagu soo beegay dagaalka ka socda Caasimada Muqdisho ayuu sidoo kale kaga hadlay wax uu kala socdo wada hadalo la sheegay in u socdaan sarakiisha Ciidamada Itoobiya iyo waliba Odayaal ka soo jeeda beesha ******, waxaa uu sheegay in uusan ka warqabin Odayaal ka turjumaya Magaca Beesha ******, lakiin waxaa uu yiri Idaacadaha ayaan ka Maqlayay Odayaal leh marna hishiis xabad joojin ah ayaan qaadanay marna sida uu isagu hadalka u dhigay Itoobiya dalka ha ka baxado oo ah ayuu yiri hadalo aan Micno badan laheyn.

 

Dhanka kale waxaa uu R/iisul wasaare Geedi soo hadal qaaday dadka shacabka ah ee wali ku harsan goobaha dagaaladu ka socdaan isaga oo ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan inta ku harsan xaafadaha la bar tilmaameed sanayo ay isaga guuraan, si loo yareeyo ayuu yiri wax yeelo soo gaarta dadka rayidka ah, taasoo u muuqata in dagaalku wali halkiisii yahay siina socon doona,

 

Dhinaca kale wararkii ugu danbeeyay ee xaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dhinacyada is haya gabalku u dhacay, lagana yaabo in Dagaalku halkiisa ka sii socdo.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Inta Aanan La Gaarin Shirka Magaalada Waa La Nabadeyn Doonaa

--------------------------------------------------------------------------------

Muqdisho(Calanka.com) 20-April-2007

 

Ra`iisal wasaaraha Somaliya prof. Cali Maxamed Geedi ayaa maanta mar uu ka hadlay dagaalada goos-gooska ah ee ka socda qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ey soo afjari doonaan ka hor inta aanan la gaarin shirka dib u heshiisiinta kaasoo lagu wado in uu qabsoomo 14-juun.

 

Mudane Geedi ayaa ka gaabsaday in uu sheego qaabka ey kusoo afjarayaan dagaalada ka socda xaafadaha qaar ayaa laga dhadhansanayay hadaladiisa in ey ku xalin doonaan dagaaladan qaab nabadeed, waxa uuna yiri "Qorshe nabadeed ayaa inoo socda, shirka ka horna waa la nabadeynayaa magaaladan", balse kama uusan bixin wax faah-faahin oo dheeraad ah dadaaladaas nabadeed.

 

Mar wax laga weydiiyay ra`iisal wasaaraha in ey ku filantahay mudadan lagu qiyaasay labada bilood ee ka harsan shirka in ey ku nabadeyn karaan caasimadda ayaa waxa uu yiri "Waad aragtiin magaalada inteeda kale waa ey nabdoon tahay marka laga reebo labo dagmo, dowladda ayaana gacanta ku haysa sidoo kale somaliya oo dhana waa ey xasiloon tahay marka waqtiga aan haysano ee labada bilood ah wali wuu inaga badan yahay"

 

Dagaallo goos goos ah ayaa maanta ka socday xaafadahan ey dirirtu shalay ku dhex martay ciidamada dowladda iyo kooxaha kasoo horjeeda, inkastoo ey maanta galinkii hore ey daganaayeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ Rudy, awoowe arinta meesha ay mareyso waa iska cadahey oo magaalada waa la nabadaynayaa laakin waxaan umalaynayaa in aad markaan xooga khafiiftay oo wax aad ku hadasho iyo wax aad ku heestoba kala garanayn. Xaaladaada caafimaad si kastaba ha ahaate fadhi hama ha fadhiisan waa lagu fadhisiin :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

u right on the money, dead man tells no lies!!

i petty tfg cheerleaders! who is gonna be giving them free skirts n boom booms when tfg moves to adis.lool.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this