Sign in to follow this  
General Duke

Abdiqasin + Beledweyne the new Army+ other government news

Recommended Posts

MADAXWEYNIHII HORE EE TNG-da OO SHEEGAY IN DAGAALLO AY KA SOO CUSBOONAANAYAAN DALKA HADDII CIIDAMO KA SOCDA DALALKA SAFKA HORE SOOMAALIYA LA KEENO

cabdiqassim1.jpg

 

 

C/QAASIM SALAAD: "Dowladdii rabta in dadkeeda iyo Adduunku ictiraafaan waa in ay Xamar tagto, tii aanan sidaas yeelina sharcinimo ma heleyso, adduunkana aqoosan maayo, hadde markaas kadib Hoggaamiye Kooxeed meeshii uu doono waa tegi karaa" JARAA'ID

 

Khamiis, February 24, 2005 (HOL) @16:00GMT: C/qaasim Salaad Xasan, Madaxweynihii hore ee dowladdii lagu soo dhisay Jabuuti ee TNG-da ayaa maanta shir jaraa'id ku qabtay xarunta uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay arrimo badan oo Soomaalida quseynaya, si gaar ahna waxaa uu uga hadlay labo qodob oo maalmahaan ay aad u hadal hayaan dadka Soomaaliyeed, kuwaasoo kala ah wareejinta Caasimadda Muqdisho iyo keenista ciidamo shisheeye ee dalka Soomaaliya.

 

Madaxweyne C/qaasim Salaad oo aan isagu in muddo ah ka hadlin qalabka warbaahinta, hadalkiisana uu ahaa mid aad loo daneynayay ayaa waxaa uu jeediyay qudbad dheer intii uusan ka jawaabin su'aalo ay weydiinayeen saxafiyiin ka qeybgashay kulankaas.

 

C/qaasim Salaad Xasan waxaa uu sheegay in wax badan oo ay ka dagaalamayeen markii uu ahaa madaxweynihii TNG-da ay haatan soo baxayaan, kuwaasoo kala ah in dalka la kala qeyb qeybiyo, iyadoo taasina ay doonayaan qaar ka mid ah dalalka deriska la ah Soomaaliya oo aan iyagu marna raali ka ahayn in Soomaaliya ay cagaheeda isku taagto oo markaasina ay noqoto qaran awood leh, wuxuuna C/qaasim soo daliishaday hadalkii uu horay u sheegay madaxweynihii hore ee Kenya Mr. Daniel Arap Moi oo isagu ka dhawaajiyay in aaney dalalka deriska la ah Soomaaliya in aysan dooneyn in uu soo noqdo Qaran Soomaaliyeed.

 

Madaxweyne C/qaasim Salaad Xasan waxaa uu sheegay in aanu shaki uga jirin in ay dalka dib uga soo cusboonaanayaan dagaallo sokeeye oo ahli ah, waase haddii buu yiri dalka la keeno ciidamo ka socda dalalka safka hore ee Soomaaliya la deriska, isagoo soo dhaweeyay in uusan waxba u arkeynin haddii la keenayo ciidamo ka socda urrada kale ee ay Soomaaliya ku jirto, sida Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta.

 

"Midnimada dalka iyo Madaxbannaanidiisa waxaa mar walba ka soo horjeeday cadawga dibadda oo adeegsanayay dad Soomaali diirka ka ah balse uu ku adeegto cadawga Soomaaliyeed, si uu ugu fushado qorshahiisa soo jireenka ahaa oo ku saleysan in Qariidada Adduunka laga waayo Qaran Mideysan, madax bannaan oo Soomaaliya la yiraahdo, si uu arrimahaas u gaarana waxaa uu soo siiyay tacbanayaashiisii u shaqeynayay hub iyo qarash intaba, muddo afar sano ah ayaan la dagaalameynay qorshahaas cadawgu wato, hayeshee waxaa dhacay in shirkii ka socday Kenya lagu doortay madax inteeda badan ka mid ahayd kooixihii la baxay magaca SRRC oo lagu aas aasay magaalada Hasawa ee dalka Itoobiya, markaas annaga waxaa nala gudbooneyd labo dhabo in aan mid qaadno (1) in aan gebi ahaanba diidno wixii lagu dhisay shirkaas Nairobi (2) in aan ogolaano annaga oo shacabka Soomaaliyeed u soo jeedineyna in ay arkaan wixii ay la yimaadaan madaxda lagu doortay shirkaas" ayuu yiri C/qaasim Salaad Xasan oo shirkiisaan jaraa'id maanta ku soo beegay iyadoo ay dalka ku soo laabteen Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka.

 

 

C/qaasim Salaad waa uu sii hadlay, wuxuuna tilmaamay waxa la gudboonaa madaxdaas lagu doortay shirkii Kenya, "aragtidayada madaxdaas waxaa la gudboonaa in ay sii wadaan dib u heshiisiintii dowladdii hore mudada dheer ka soo shaqeyneysay, in ay qorshe u dejiyaan sidii hubka looga dhigi lahaa maleeshiyooyinka jooga gobollada dalka, in ay tababaraan ciidamadii Qaranka ee ay soo nooleysay dowladdii hore, si ay awood ugu yeeshaan hanashada nabadgelyada dalka, marka laga hadlayo hub ka dhigista, waxaa howl yaraaneysa arrintaas, iyadoo hoggaamiye kooxeedyadii dalka ka jiray ay dhamaantood xubno ka yihiin xukuumadda iyo baarlamaanka, ayna waajib ku tahay, ballanqaadeena in ay hubka dhigayaan" ayuuna hadalkiisa ku sii daray C/qaasim.

 

Madaxweynihii hore ee TNG-da C/qaasim Salaad waxaa uu sheegay in dowladdii laga sugayay fulinta arrimahaas ay soo baxday in ay muddo lix bilood ah isku mashquulineyso caasimadda in laga raro hay'adaha qaranka, sida Baarlamaanka, Xukuumadda ama Madaxtooyada, loona raro gobol ka mid ah gobollada dalka, iyadoo taasina uu xusay in ay ka soo horjeedo Axdiga Qaranka qodobkiisa 5aad farqadiisa 1aad oo caddeyneysa in caasimadda Soomaaliya ay Xamar tahay. Halkii laga sugayay in ay dib u heshiisiinta sii waddo ayuu hadana C/qaasim ku eedeeyay dowladda Federalka in ay dagaallo hor leh ka hurayaan gobollada Bay, Bakool, Jubada Hoose, Mudug, Galgaduud, Sanaag iyo Sool intaba, dagaalladaasoo cadawga hub iyo rasaasba ku bixiyay.

 

"Waxaa intaas oo dhan ka sii daran in madaxdii dowladda federaalka ka codsatay dowladaha deriska la ah dalkeena ee colaadda soo jireenka ah naga dhaxeysay qaarkood ciidamo, dowladahaasoo dalka ku soo dal dalayay hub iyo ciidamo si loo sii huriyo dagaallada sokeeye, halkaasna ay ku suusho, Midnimadii iyo Qarannimadii Dalka. Shacabka Soomaaliyeed uma kala harin diidmadiisa ku aadan in ciidamo shisheeye dalka la keeno, gaar ahaan kuwa dalalka safka hore, wuxuuna u diyaargaroobay difaaca dalkiisa, hayeeshee waxaan reebaneyn in la keeno dalka ciidamo kooban oo qorshe cad ku socda oo xilkoodu yahay ilaalinta Xarumaha Dowladda, Dekedaha, Garoomada Diyaaradaha, Tababarana Ciidamada Qaranka, kuwaasoo laga keenayo Dowladaha ku jira labada Urur ee aan ku jirno ee midna yahay Midowga Afrika, midka kalena uu yahay Jaamacadda Carabta oo aysan ku jirin dowladaha deriska nala ah" ayuu mar kale yiri C/qaasim Salaad Xasan oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u guntadaan dhowrista Midnimada dalka iyo Madax bannaanida Qaranka Soomaaliyeed.

 

 

"Waxaan marna shaki ku jirin in sharcinimada baarlamaanka iyo Xukuumadda lagu dhisay Nairobi ay ku xiran tahay hadba sida ay u hesho taageerada shacabka Soomaaliyeed, ugana howlgasho caasimadda dalka, annagu dowladdeenii TNG-da waxay sharci ku noqotay in aan caasimadda nimid kuna howlgalnay, taasina aan aqoonsi uga helnay Qaramada Midoobay iyo ururro kale oo badan" ayuu mar kale yiri C/qaasim Salaad oo intaas sii raaciyay "Dowladdii rabta in dadkeeda iyo Adduunku ictiraafaan waa in ay Xamar tagto, tii aanan sidaas yeelina sharcinimo ma heleyso, adduunkana aqoosan maayo, hadde markaas kadib Hoggaamiye Kooxeed meeshii uu doono waa tegi karaa".

 

Waxaa uu sheegay C/qaasim in aan la go'doomin karin caasimadda Soomaaliya in ay iyadana wax go'doomiso meeyee, waayo ayuu yiri "caasimadda iyada ayay ku xiran yihiin gobollada kale ee dalka sida aad ogtihiina waxaa yaala Caasimadda dhaqaalaha dalka intiisii badnaa, dadka intiisii badnaa iyaduu yaalaa, Dugsiyadii iyo Jaamacadihii iyada ayay ku yaalaan", wuxuuna markaas ka jawaabayay C/qaasim su'aal ahayd waxa ka imaan kara haddii caasimadda loo wareejiyo meel kale isla markaana la go'doomiyo.

 

Xukuumadda iyo Baarlamaanka lagu dhisay Kenya miyay metelaan dadka Soomaaliyeed ayay ahayd su'aal uu weydiiyay C/qaasim wariye Ajnabi oo shirka jaraa'id ka qeybgalay, wuxuuna ku jawaabay "haddii ay gudaha yimaadaan oo ay ka howl bilaabaan waa ay metelaan", Laakin sow qatar maahan in halkaan la yimaado oo lagu howlgalo ayay ahayd su'aal kale oo uu wariyuhu sii raacsaday, wuxuuna mar kale yiri C/qaasim " meel kasta oo adduunka ah qatari wey ka jiri kartaa, Nairobi qudheeda qatar ayaa ka jirta, Yurub meelo ka mid ah ayay qatar ka jirtaa, waayo waxaad xusuusan tahay Dalka Sweden waxaa lagu dilay Wasiirkii Arrimaha Dibadda".

 

C/qaasim Salaad waxaa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed kuwooda hadda dhashay mooyee inta kale ay ogyihiin waxa Soomaali iyo dowladaha deriska ah ka dhaxeeya, "hubka la isku gumaadayo ee dalka yaala meesha laga keenayna Soomaalida waa la socdaan" ayuuna yiri, isagoo ka gaabsaday in uu carrabka ku dhufto dal gaar ah oo uu arrimahaas ku eedeynayo, wuxuuna ku af-gobaadsaday in aysan jirin cid ka jecel in ay dowladaha deriska iyo Soomaaliya ku wada noolaadaan derisnimo wanaag.

 

"Axzaab waa la furan karaa haddii waqtigu saamaxo, waana meesha la rabo in looga gudbo qabiilka, hayeeshee ma jiro xisbi aan annagu furnay ama aan ku dhawaaqnay " ayuu kaga jawaabay C/qaasim Salaad su'aal ku saabsaneyd waxa ka jira in ay Xisbi Siyaasadeed furanayaan.

 

Sida uu u arkayo wafdiga Dowladda Federaalka ee Jowhar ka degay ayaa la weydiiyay, wuxuuna ku gaabsaday in la tegi karo meel kasta oo dalka ka mid ah, balse sida uu hadalka u yiri lama huraan waa cows jiilaale ay daruuri tahay in la yimaado Caasimadda oo uu weliba madaxweynaha ku shaqeeyo

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

WASAARADDA GAASHAANDHIGA DOWLADDA CUSUB OO BELEDWEYNE KA WADDA KULAMO LAYSUGU YEERAYO CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED EE GOBOLADA DHEXE KU NOOL

 

BELEDWEYNE, Khamiis 24/02/05

Wasaaradda Gaashaandhiga dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa ka wadda magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan dadaalo ay ku uruurineyso ciidankii Xoogga dalka Soomaaliyeed kuwooda ku sugan Gobolkaas si ay howl wada shaqeyn ah ula yeeshaan ciidamo ka socda Urur Goboleedka IGAD oo Itoobiyana horkacayso.

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Cumar Aadan Xasan (Cumar Dheere) ayaa shalay Hoteel Galbeed ee magaalada Beledweyne kulan kula yeeshay saraakiisha ciidanka kaasoo mar kale ay maanta ku ballansan yihiin in shir kale ay ciidamada iyo wasiirku ku yeeshaan Hoteelkaas, waxayna ilo wareed oo ku dhow dhow wasiirku tilmaameen in la doonayo in ciidamada laga howlgeliyo Gobolkaas.

Sida uu ku soo warramay wariyaha QARAN Nuur Muuse Xuseen (Nuur Inji), wasiir ku xigeenka ayaa la kulmay ciidankaan oo aan ka koobneyn qabiil gooni ah laakiin Gobolka oo dhan ka soo wada jeeda

Magaalooyinka Beledweyne, Baydhabo iyo Jowhar ayaa ah kuwo ay si gaar ah u dooneyso dowladda cusub inay shaqada dowlada ka bilowdo maadaama magaalada Muqdisho aaney jecleysaneyn madaxda qaar.

(QARAN PRESS)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baydhabo: Wafdigii Shiikh Aaden Madoobe oo Gaaray Baydhabo

- Thursday, February 24, 2005 at 15:14

 

Baydhabo (AllPuntland)- Wafdigii uu hogaaminayay wasiirka Caddaaladda Dowladda Federaalka KMG ah ee Somaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (shiikh aadan madoobe) ayaa maanta soo gaaray magaalada Baydhabo ka dib markii ay soo dhammaysteen booqasho toddobaad qaadatay oo ay ku kala bixinayeen degmooyinka gobollada gobollada Bay iyo Bakool.

 

Wafdiga Shiikh Aadan Madoobe, ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo iyagoo dagay hoteelka la yiraahdo AL-qudus, halkaas oo ay kula kulmeen mas'uuliyiinta magaalada Baydhabo iyo wax garad kala duwan,oo ay uga mahad celiyeen sida ay u soo dhaweeyeen.

 

Wafdiga sheikh Aadan Madoobe, waxaa kaloo ay la kulmeen Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee Dowladda Federaalka KMG ah ee Somaliya iyo Wasiirka Hourmarinta Haweenka iyo Qoyska ee Dowladda Federaalka KMG ah ee Somaliya iyo wafdigii ay hogaaminayeen oo iyagu horay ugu sugnaa gobolka Bay iyadoo labada wafdi ay kala qaateen war bixino ku saabsan booqashadoodii degmooyinka labada gobol ee Bay iyo Bakool oo ay mid miro dhal ah ku tilmaameen.

 

Wafdiyada DFKMG ee Soomaaliya ee booqanaya gobolada dalka Soomaaliya ayaa la filayaa in ay dhawaan ku laabtaan magaalada Nairobi si ay golayaasha xukuumada u siiyaan war bixin ku saabsan wax yaabihii uga soo baxay booqashadoodii ay dalka ku tageen.

 

Abshir Gabre

 

Allpuntland.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Yuusuf Bari Bari†Hadalka C/qaasim waa mid aan waxba ka shaqeynayn, dowladda ayey u taalaa wixii talaabo ah oo dan loo arko

Afhayeenka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa ka jawaabay hadal uu shalay sheegay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan oo sheegay in dagaal dhacayo haddii dalka la keeno ciidamo ka socda IGAD gaar ahaan kuwa safka hore,wuxuu sheegay afhayeenkaas in C/qaasim aanu waxba ka sheegeynin fikirkiisa. Laakiin dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dhaqaaqi doonto wax waliba oo ay u aragto inay dan ugu jiraan dadka Soomaaliyeed

 

Yuusuf Maxamed Ismaaciil (Baribari) wuxuu sheegay isagoo Xalay ka hadlayay magaalada Jowhar inuu C/qaasim yahay nin wadani ah oo ka mid ahaa madaxdii ka qeyb gashay shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida, isla markaana ka qeyb galay caleemo saarkii madaxweynaha federaalka ayna ka mideysan yihiin in la badbaadiyo umadda Soomaaliyeed.

 

Laakiin hadalka C/qaasim ayuu ku tilmaamay Afhayeenka mid shaqsiyadeed, wuxuuna nasiib xumo ku tilmaamay in C/qaasim hadala noocaas ah ka soo yeeraan.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

SARAAKIISHA CIIDAMADA QALABKA SIDA OO MAANTA SHIR AY KU YEESHEEN HOTEL RAMADAAN

KU TAAGEERAY DOWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA

 

Somaliweyn.com (Muqdisho 24/02/05)

 

Saraakiisha qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka sida Soomaaliya ayaa maanta

shir ay ku yeesheen Hotelka Ramadaan ee magaalada Muqdisho ku taageeray

Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo shaaca ka qaaday inay la shaqeynayaan

isla markaana madaxda sarsare u hoggaansamayaan amaradooda, waxaana Saraakiisha

oo gaareysa in ka badan 60-Sarkaal ay sheegeen inaan Sarkaal ama Ciidan lagu

tilmaami karin shaqsi amar la’aan ka hadlaya fasax la’aan hadba xaalada uu

dalku ku sugan yahay.

 

G/lle Sare Cabdi Afrax Tifow oo ahaa shir Guddoonkii shirka Saraakiisha ayaa

meesha ka saaray inaan hadalka ka soo yeeraya shaqsiyaad sheegtay inay ku

hadlayaan magaca Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, «Ciidan laguma tilmaami

karo kuwa meelaha ka qeylinaya ee ka hadlaya howl u taala madaxda sare ee

Dowladda Federaalka, sharciga Ciidamadana ma qabo in Askari ama Sarkaal aan

ogolaansho heysan uu ka hadlo xaalada dalku ku sugan yahay» ayuu yiri G/lle

Sare Cabdi Afrax oo dhinaca kalena isagoo ka hadlayay arrinta Ciidamada

shisheeye caddeeyay inay jiraan Ciidamo aanu carabaabin ay si gaar ah u diidan

yihiin, balse go’aan ka gaarida arrintaasi ay u taalo madaxda Dowladda.

 

Waa markii ugu horeysay oo Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida ay si cad

bannaanka u soo saaraan mowqifkooda Dowladda Federaalka Soomaaliya tan iyo

wixii ka dambeeyay dilalkii qorsheysnaa ee is daba jooga ah oo hore loogu

geystay Saraakiil dhowr ah oo ka tirsan qeybaha Ciidamada Qalabka sida, waxayna

Saraakiishan maanta kulanka yeelatay ee sida geesinimada leh mowqifkooda u

shaaciyay dhiirigelin u tahay hannaanka nabad ku soo dabaalida Soomaaliya, gaar

ahaan magaalada Muqdisho oo hoy u noqotay kooxaha ujeeddooyinka kala duwan leh

ee ka mideysan inaanay Muqdisho gacanta u gelin Dowladda Federaalka iyo Hubka

gacmaha shacabka ku jira laga qaado.

 

Xafiiska somaliweyn ee Mugadishu

somoginfo@somaliweyn.org

Share this post


Link to post
Share on other sites

10 safaaradood oo ay yeelan doonto DFKMG 25/2/05

 

 

Golaha wasiiradda ayaa isku raacay in ay yeelato DFKMG 10 safaradood oo kaliya.

 

Wasiiradu waxa ay sheegeen in ay adagtay in la furo safaarado dhawr ah wakhtigan xaadirka ah sababo la xidhidha xaga dhaqaalaha awgeed.

 

Safaaradaha la isku raacay in si rasmi ah loo furo waxaa ka mida UN, Maraykanka , Fransiiska , Talyaaniga , Masar , Ethiopia , Jabuuti , Kenya , Ugandha iyo Sucuudiga.

 

Xilalka safiirnimada iyo agaasimayaasha ayaa la sheegan in lagu salayn doono qaabka 4.5 ee wax lagu qaybsaday.

 

Dhan kale ,Dad aad u badan oo ka hayaamay qurbaha ayaa la sheegay in ay maalin walba hor tubanyihiin xafiisyadda madaxda DFKMG ah si ay uga helan jagooyin sar sare.

 

Somalitribune

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan...

 

UN, Maraykanka , Fransiiska , Talyaaniga , Masar , Ethiopia , Jabuuti , Kenya , Ugandha iyo Sucuudiga

What? No Imaaraadka Carabta, but Faransiiska? No Kuweyt, but Ugaanda? No Yemen? No Liibiya? Maaaan. War dadkeena dalalkaas ee daadsan yihiin oo business, qaxootinimo iyo wax kale u joogaan.

 

ex%20president.jpg

This man talked like a president, walked a president, seemed like a president, yet few listened his nationalist messages

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this