Sign in to follow this  
General Duke

Gen Abdi Mahdi : security operation will start soon.

Recommended Posts

Gen. Cabdi Mahdi oo sheegay in dhawaan ciidamada DF ay sameyn doonaan howl galo amniga dalka lagu sugayo.

 

Kismaayo Talaado, February 27, 2007 Simba Radio.

 

Janaraal Cabdi Mahdi oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in dhawaan ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed ay Howl galo lagu sugayo amniga guud ahaan wadanka Soomaaliya ku dhaqaaqi doonaan.

 

Janaraal Cabdi Mahdi ayaa tilmaamay in ciidamada Xooga dalka Soomaaliya iyo waliba Ciidamo kale oo dhawaan Tababaro loogu soo gabagabeyn doono garoonka diyuuradaha ee Bali Doogle ay bilaabi doonaan Howlgal wax looga qaban doono Amniga Caasimada Muqdisho isla mar ahaantana ay gacan bir ah ku soo dhigi doonaan sida uu sheegay dadka weeraraa iyo qaraxyada ka wada Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Jeneraalka ayaa sidoo kale sheegay in shacabka Sooomaaliyeed looga baahn yahay in ay garab siiyaan cidamada DF wuxuuna si gaar ahan ugu baaqay shacabka reer Muqdisho in ay iska qabtaan dadka magaalada ka wada weerarada isla markaana ay la shaqeeyaan Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya ee dhawaan howlgalka ka bilaabi doona Magaalada.

 

Janaraal Cabdi Mahdi Abaanduulaha ayaa waxaa uu ku nuux nuuxsday in xiligaani wixii ka dambeeya ay Dowlada Federaalka Soomaaliya wax ka qaban doonto amniga Guud ahaan wadanka Soomaaliya gaar ahaan Goobaha uu tilmaamay in ay ka jiraan amni Xumida sida Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho Isla markaana Ciidamada Dowalada ay wadanka ku soo celin doonaan amnigii iyo kala dambeeytii.

 

Simba Media Center, Muqdisho Somalia

Email: simba@simbanews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abaanduulaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya oo sheegay in ay dhawaan Ciidamada Dowlada Muqdisho ka bilaabi doonaan Howlgalo amniga lagu sugayo.

 

Abaanduulaha Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyed Janaraal C/Mahdi ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in dhawaan Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed ay Howlgalo lagu sugayo amniga Guud ahaan wadanka Soomaaliya ku dhaqaaqi doonaan.

 

 

 

Janaraal Cabdi Mahdi ayaa tilmaamay in Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya iyo waliba Ciidamo kale oo dhawaan Tababaro loogu soo gabagabeyn doono Garoonka Diyuuradaha ee Bali Doogle ay bilaabi doonaan Howlgal wax looga qaban doono Amniga Caasimada Muqdisho isla mar ahaantana ay gacan bir ah ku soo dhigi doonaan sida uu sheegay dadka weeraraa iyo qaraxyada ka wada Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Abaanduulaha Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed janaraal Cabdi Mahdi ayaa intaasi ku daray in shacabka Sooomaaliyeed looga baahn yahay in ay garab siiyaan Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya wuxuuna si gaar ahan ugu baaqay shacabka reer Muqdisho in ay iska qabtaan dadka magaalada ka wada weerarada isla markaana ay la shaqeeyaan Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya ee dhawaan GHowlgalka ka bilaabi doona Magaalada.

 

Abaanduulaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed janaraal Cabdi Mahdi ayaa sidoo kale waxaa uu ka warbixiyay xiliga Rasmiga ah oo ay Ciidamada Dowlada Howlgalada ka Bilaabi doonaan Dalka Soomaaliya wuxuuna sheegay in howlgalka amni sugida ah mudo gaaban gudahooda ka bilaabi doonaan Caasimada Muqdisho si wax looga qabto dadka wada amni darida.

 

Janaraal Cabdi Mahdi Abaanduulaha Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa uu ku nuux nuuxsday in xiligaani wixii ka dambeeya ay Dowlada Federaalka Soomaaliya wax ka qaban doonto amniga Guud ahaan wadanka Soomaaliya gaar ahaan Goobaha uu tilmaamay in ay ka jiraan amni Xumida sida Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho Isla markaana Ciidamada Dowalada ay wadanka ku soo celin doonaan amnigii iyo kala dambeeytii.

 

C/kariin Xuseen Guutaale.

AllMudug,Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this