Sign in to follow this  
me

Dagaaladii ka socday Muqdisho oo la isku gabal dhacsaday

Recommended Posts

me   

Dagaaladii ka socday Muqdisho oo la isku gabal dhacsaday

 

Click here to find this article in english

Daawo Sawirada

Mogadishu 31, March.07 ( Sh.M.Network) In ka badan 150 ruux ayaa ku nafwaayay tiro 300 kor u dhaafeysa oo u badan rayid dhaawac ayaa ka soo gaaray ka dib dagaalo qaraar oo maalintii 3aad galay oo ka dhacay caasimada Somalia ee Muqdisho.

 

Dadka geeriyooday iyo kuwa dhaawacmay ayaa u badan kuwo waxyeelo ka soo gaartay madaafiic xoogan oo dhinacyada ku dagaalamaya Muqdisho ay is dhaafsadeen, iyadoo madaafiic BM ah ay ciidamada Ethiopia ku garaaceen xaafado ay dagan yihiin dad rayid ah, taasoo keentay qasaaro naf iyo maalma leh.

 

Dagaaladii maanta dhacay ayaa waxaa ku nafwaayay in ku dhow 20 ruux oo u badan rayid halka tiro ka badan 55 ruuxna ay ku dhaawacmeen, iyadoo wali ay jiraan dad dhaawac qaba oo ku go'doonsan goobaha dagaalka uu ka soconayo.

 

4 ka mid ah dadka maanta geeriyooday ayaa waxa uu madfac kula dhacay agagaarka Xamar Jadiid sida uu shabelle u sheegay Yaasiin Cali oo ah suxufi madax banaan oo shabelle la soo xiriirey.

 

Waxa uu sheegay in ay jiraan bubur madaafiicda ay u geeysteen xaafadahaasi.

 

" Waxaa ku jira dadka dhaawaca ah hooyo Somaliyeed oo caloosha ay ka soo dhacday, mana jirto wado la marsiiyo dhaawaceeda, waayoo meel walba ayaa rasaastu ay ka dhaceysaa" ayuu hadaladiisa sii raaciyay.

 

Ciidamada dowladda Ethiopia iyo kooxaha ka soo horjeeda ayaa wali waxa ay isku horfadhiyaan xaruntii goobihii maalmahaan ay ku dagaalamayeen.

 

Wariye ka tirsan shabelle oo ku dhowaaday Stadio Muqdisho ayaa waxa uu soo sheegay in ciidamada Ethiopia ay ku saaran yihiin xarunta Xisbiga iyo Dhismo halkaasi ku dhow oo wax lagu baran jirey halka kooxaha ka soo horjeeda ay ku jiraan Stadio Muqdisho iyo Isgoyska Cali Kamiin.

 

Sidoo kale ciidamo Ethiopian ah ayaa waxa ay ku jiraan qeybo ka mid ah dhismayaasha Xamar Bile, halka kooxo kale oo aad u hubeysan iyo ciidamo kale oo Ethiopian ah ay ku kala gabal dhacsadeen wadada Florance ee Xararyaale.

 

Dhawaqa rasaasta ayaa maqribnimadii caawa noqday mid teel teel ah, inkastoo mararka qaar la maqlayo madaafiic iyo rasaas xoogan.

 

Madaafiic dhowr ah oo maanta ciidamada Ethiopia ay ku garaaceen xaafadaha Towfiiq, Xamar Jadiid, Suuq-bacaad ayaa waxa ay geysatay qasaaro nafeed oo soo gaaray dad rayid ah, iyadoo madaafiicdaasi ciidamada Ethiopia ay ka ridayeen dhanka Madaxtooyada.

 

Sidoo kale madaafiic ay kooxaha ka soo horjeeda ciidamada Ethiopia ay ku garaaceen madaxtooyada ayaan la ogeyn wali qasaaraha dhabta ah ee ay geysteen.

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tahliil   

The struggle is on..bro...I whole heartedly believe that my brothers, the new Darwiishes in the south will soon emerge victorous...Behold how the Somali tide is changin and changin soon... Even Siilanyo showed his statesmenship and called what's going on in Mogadishua massacre comparable to what happened some yrs ago in the N/West...in the name of Government

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this