Sign in to follow this  
ANWAR

HAMBALYO, HAMBALYO THE NEW Gudoomiyaha gobolka Baay

Recommended Posts

ANWAR   

1) Waxaan si deg deg ah ugu dhaqaaqayaa dhismaha maamul wax ku ool ah oo ku dhisan nidaam iyo kala dambeyn oo hay'ad walibana ay leedahay barnaamij shaqo oo cad oo fulintiisana lagula xisaabtamayo maamulkaas oo ku saleysan habka maamul wanaaga ah, kaas oo loo marayo wadiiqada wadatashiga ah ayadoo la tixgelinaayo dokomintiyada maamul ee aasaasiga ah kaas oo aan ku kalsoonahay bulshada gobolka Baay inuu u horseedayo nabad iyo horumar oo mustaqbalka ay ku deydaan maamulada iga danbeyn doona.

 

2) Maamulkeygu wuxuu si deg deg ah u sameyn doonaa Ciidan Gobol oo awood u yeelan kara sugidda amniga gobolka guud ahaan kuwaasoo u qeybsamaya Booliis, Asluub iyo ciidan Gobol, ciidankaasoo ilaalinaaya sharciga gobolka iyo shuruucda dalka. Xuquuqdoodana loo heli karo.

 

3) Waxaan xil weyn iska saari doonaa xalinta colaadihii dhex marey dadka gobolka iyo baaba'inta aanooyinkii laga dhexlay si loogu bedelo nabad iyo iskaashi, dibna loogu dhiso Gobolka.

 

4) Wuxuu maamulkeygu u hawlgali doonaa soo celinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada sida in la hagaajiyo Goobaha Caafimaadka, Biyaha, Waxbarashada, Korontada, Nabadgalyada, Sharciga, Xaruumaha Agoonta, Xafiisyada, Fanka iyo Isboortiga.

 

5) Maamulkeygu wuxuu diyaarin doonaa Barnaamish lagu horumarinaayo wax soo saarka gobolka, dib u dejina loogu sameynayo dadkii ka barakacay gobolka Baay ee qaxootiga ku ah gobolada kale ee dalka si looga faa'iideysto kheyraadka dhulka, xoolaha iyo macdanta ayadoo laga hortagayo xaalufinta dhirta lana raadinayo maalgelin dibadeed iyo suuq.

 

6) Waxaan dhiirigelinayaa Barnaamij lagu hirgelinaayo qorista farta afka Maayga, saxaafada gobolka, tacliinta iyo hidaha Reewineed.

 

7) Maamulkeygu wuxuu u hawl galayaa sameynta Maamul Goboleed ku dhisan hannaanka Federaalism iyadoo la tixgelinayo sida ay goboladu isku raaci karaan.

 

8) Waxaan balanqaadayaa dhiirigelinta iyo in si weyn wax loola qabsado dowlada federaalka Soomaaliyeed ee xarunteeda ku meelgaarka u dooratey Gobolka Baay ayadoo laga faa'iideysanaayo barnaamishyadeeda Dib u heshiisiinta, Hub ka dhigida, Dhaqancelinta Maleeshiyooyinka, Dib u Dhiska Dalka iyo Horumarinta Arimaha Bulshada.

 

9) Waxaan balanqaadayaa in si cadaalad iyo sinaan ah oo eex la'aan ah aan ugu adeego bulsha-weyta gobolka ayadoo maamulkeygu kor u qaadi doono xiriirka gobolada dalka iyo dhawrista xuquuqda derisnimo.

 

10) Wuxuu maamulkeygu si gaar ah u tixgelin doonaa xuquuqda caruurta, haweenka,curyaamiinta iyo dadka laga tirada badanyahay, ayadoo haweenka iyo curyamiintan loo sameyn doono xarumo lagu barayo xirfado shaqo si ay noloshooda u maareeyaan.

 

11) Mabaadii'ida uu ku hawlgalayo maamulka gobolka Baay waa Ilaalinta caqiidada Diinta Islaamka, Xuquuqul Insaanka Iyo Shuruucda Caalamiga ah iyo kan dalka u degsan.

 

INSHAA-ALLAAH

 

:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this