Sign in to follow this  
Saalax

Wafti Balaadhan Oo ka tirsan Madaxda Xisbiga UCID ayaa Maanta Si wayn - Burco

Recommended Posts

Saalax   

Wafti Balaadhan Oo ka tirsan Madaxda Xisbiga UCID ayaa Maanta Si wayn Loogu soo dhaweeyay Magaaladda Burco

 

 

Burco(Ramaas) Mar.11, 2010 - Magaalada Burco ayaa maanta si aan kala hadh lahayn loogu soo dhaweeyay Wafti balaadhan oo ka tirsan Xisbiga mucaaridka ah ee UCID oo uu horkacaayo Gudoomiyaha Xisbigaasi Eng. Faysal Cali Waraabe ,Gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland Mudane Craxmaan Maxamed Claahi Ciro ,Gudoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Xasibiga UCID Aadan Mire Waqaf iyo Xildhibaano ka tirsan Xisbigaasi.

 

Waftigan Xisbiga UCID ayaa waxa maanta Magaalada Burco ku soo dhaweeyay Kumanaan Qof oo ka tirsan taageerayaasha Xisbiga UCID ee xarunta Gobolka Togdheer iyo masuuliyiintooda kuwaas oo watay boqolaal Gaadiid ah oo ay sudhanyiin Astaanta xisbigaasi ayaa Waftigan kaga hortagay wadada Laamiga ah ee xidhiidhisa Burco iyo Sheekh halkaas oo looga soo galbiyay ilaa iyo gudaha Magaalada.

 

 

Madaxda Xisbiga UCID oo markii danbe la gaadhsiiyay xarunta Dhexe ee Xisbigaasi ku leeyahay Magaalada Burco halkaasi oo ay qudbado kala duwan uga jeediyeen dadweynihii soo galbiyay iyo Kumanaan kun oo Qof oo goobtaasi isugu soo baxay kuwaas oo ay uga warbixiyeen marxaladaha uu manta dalku maraayo iyo sida looga hortagi karo.

 

 

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Enj.Faysal Cali Waraabe oo ugu horeyn Mikirifoonka lagu soo dhaweeyay ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Anigoo ku faraxsan sida aan kala hadhka lahayn ee aad maanta reer Burcow noo soo dhawayseen waxaad tihiin dad qalbi furan oo wanaag jecel markaa manta socdaalkayagani waxa uu ka mid yahay safarka Sedex biloodkiiba aanu mar dalka ku maro”

 

Hadaba hadaan idiinka warbixiyo marxaladaha uu dalku maanta maraayo iyo taariikhihii la soo maray ,Anigu waxaan garanayaa markii aynu ku biiray dawladii kaligeed taliska ahayd ee Somaliya iyadoo meesha xoriyadaha Kiiniya ,Jabuuti iyo Suudaan looga doodaa ay tahay Gobolada Waqooyi ,Ganacsiguna waxa hugaaminaayay iyo Aqoontana waxay ahayd halkan aynu maanta joogno sidaa awgeed waa layna curyaamiyay oo dagaal ayaa laynala gallay awoodeeniina waa la dumiyay oo waxa laynoogu jawaabay waa Somali ******* balse Ilaahay wuu inoo hiiliyay markaa waxaan idin leeyahay reer Burco aduunyadu taariikhdeeda ayay raacdaa ee taariikhda yaan la iloobin” Sidaasi ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe

 

Waxaanu intaasi ku daray Gudoomiyaha UCID isagoo hadalkiisa sii wata”Dawlada maanta dalka hogaamisaa waxay noqotay dawlad xafashtay oo dilaalad ah oo cashuurtii wadanka ayay fadhiga ku cunaysaa markaa waxa laydiinka baahanyahay Shicibaw in aad u fiirsataan cida aad dooranaysaan oo aydaan qabyaalad ku taageerin axsaabta oo aad doorataan Xisbiga dalkan hugaamin kara mustaqbalkiisana toosin kara.

 

 

Anagu UCID ahaan hadaanu ku guulaysano Doorashada dalka ka dhicidoonta waxaanu idiin balan qaadaynaa in aanu soo celino adeegii bulshada mana jiraayo Qof danbe oo dalkan ka tahriiba mid u soo tahriiba mooyaane ”Sidaasi ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Gudoomiyaha UCID.

 

Gudoomiyaha baarlamaanka Craxmaan Maxamed Claahi Ciro oo isna halkaasi ka hadlay ayaa si weyn ugu mahadnaqay dadkii Burco ku soo dhaweeyay waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Dadka qaar ayaa yidhaahda Burco waa laba qaybood balse waxaan u sheegayaa kuwa noocaas aaminsan in ay Burco mid tahay waxaanan idiinkula dardaarmayaa reer Burco in aad daaqada ka saartaan kuwa idin qoqobaaya ee doonaaya in ay mustaqbalkiina dumiyaan .

 

 

Gudoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Xisbiga UCID Aadan Mire Waqaf oo isna hadal kooban ka jeediyay halkaasi ayaa usoo jeediyay dadweynaha ku dhaqan Magaalada Burco in ay u miidoobaan dadntooda guud oo ay iska jiraan kala qaybsanaanta iyo wixii la halmaala.

 

 

 

Waxa iyana xaruntaasi ka hadlay Xil.Xuseen Maxamed Cige iyo Gudoonka Xisbiga UCID ee Gobolka Togdheer Cismaan Afgaab.

 

 

 

Ugu danbeytii Waftigan Xisbiga UCID ee Magaalada Burco booqashada ku yimi ayaa sheegay in ay dhamaan gobolada bari safar ku kala bixinayaan maalmaha soosocda iyagoo baritana la filaayo in ay ka qaybgalaan Munaasibad loo samaynaayo Dhakhaatiir ka qalinjabinaysa Jaamacada Burco.

 

 

 

Ramaasnews Desk

 

Burao

 

 

 

 

5ajddk.jpg

 

 

103yfds.jpg

 

 

mikpee.jpg

 

 

ablfmv.jpg

 

 

x0sf8n.jpg

 

 

iveoaq.jpg

 

a1mqu.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Che-Guevara, his atleast better then your president sheikh dalxis who doesn't even know how to give speechs in public, let AMISOM do it for him somaha as usual or Faroole the Melbourne cab driver. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

^^^^ He has a natural abilities to attract the people by just saying some secret words about the south then boom there you go he has a big support. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Che-Guevara, there is no secrets , he just simply refered to being against unity with the south and reminded them the struggle they went through to liberate somaliland so you see people like politicians who speak from their heart just like Faisal that is why he is getting a big support day by day they are all eager for honest politicians.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this