Sign in to follow this  
codetalker

Faallo:Madaxweyne Cadde Muuse oo sidii Maxamed Dheere u hadlay...

Recommended Posts

Kalsooni...

 

Dr. C.M. Geedddi waxaa kalsoonida siiyay Baarlamaanka qaranka oo wakiil ka ah Umadda Soomaaliyeed ee isku-bahaysatay Afarta iyo barka Beelood. Mana jirto Cidd kale oo uu kalsooni iyo ic-tiraaf uga baahanyahay ama u haysa. Madaxda Maamullada gobollada iyo kooxohu Waxay u kala baxayaan : Dawladd-Diid iyo Dawladd-ddoon. Laakiin kasooni iyo ictiraaf DF kuma laha.

Shirkada shidaal-baarista...

 

Waxaa la abuuray Sharikadu Sawir ah oo laga diiwaan-geliyay jasiiradu aan magacooda la maqlin sida Maldives. Shirkadahaas Shakliga ah wuxuu saxeexay Madax-waynuhu u saxeexay Heshiisyo badan oo lagu siinayo IMTIYAAZ ( ROYALITY) Macaadin iyo shidaal. Oo keligood xaq u leeyihiin BAARISTA IYO SOO-SAARIDDA MACDANTA IYO SHIDAAKA KU JIRA ARLADA PUNTLAND.

Sharciga...

 

Heshiisyadan lama soo hor-dhigin golaha wasiirada Puntland. Sharci-yaqaanadana laga lama tashan..

 

Golaha wakiillada Puntland ( Barlamaanka ) ma ansixinin loomana sheegin arrinta gabi ahaanba.

 

Lacagaha la sheegayo in sharkadahaas bixiyeen Ma jiro wax soo dhaafay madax-waynaha iyo Dillaaliinta iyo dillaaliinta.. Khasnadda Dawladdana wax lagu shubay ma jiraan haba yaraato eh.

Talo...

 

1- Madax-wayne Cadde Muuse waxaa la gudboon in uu u soo jeediyo Ra’iiska xukuumadda Jumhuuridda Soomaaliya iyo dad-waynaha reer Puntland- CUDUR-DAAR CADD IYO RAALLI-GELIN RASMI AH.

 

2- Waxaa kale oo Md. Cadde ku waajib ah in uu macdanta iyo shidaalka Arlada Puntland ka saaro SHAKIGA, SUUQ-MUGDIGA IYO XANTA. Oo uu heshiisyada uu galay u soo bandhigo golayaasha Puntland. " XALAAL IFTIIN BAA LA QASHAA ".

More @ Faallo:Madaxweyne Cadde Muuse oo sidii Maxamed Dheere u hadlay... - Puntland Post

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this