Sign in to follow this  
Xudeedi

Somali Women Lawmakers Hold a Meeting in Mogadishu and Release a Peace Statement

Recommended Posts

Xudeedi   

9798.jpg

 

Haweenka Xildhibaannada ah ee DKMG ah oo ku baaqay in la badbaadiyo shacabka, lana joojiyo dagaallada socda

 

Haweenka xildhibaannada ah ee ku jira baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan ay ku yeesheen Muqdisho Arbacadii shalay ayaa waxay kaasoo saareen baaq ay ku dalbanayaan in la joojiyo dagaallada ka socda Muqdisho.

 

"Walaalayaal, waxaan idinka codsanaynaa inaad joojisaan dagaallada, dadkana la badbaadiyo. Waxaan idin kugu baaqaynaa inaad miiska wadahadallada isugu timaadaan si aad khilaafkiinna u xallisaan," ayay tiri xildhibaanad Caasho Axmed Cabdalla oo saxaafadda u warbixisay kulankoodii.

 

 

Xildhibaannadan, waxay sheegeen in dagaallada socda ay yihiin kuwo awoodda lagu kala cayrsanayo, iyadoo sheegtay in koox walba ay doonayso inay dadka maamusho, waxaana ka codsanaynaa inay dadka badbaadiyaan si ay hadhow u helaan bulsho ay xukumaan.

 

 

Haweenkan, waxay ugu baaqeen dowladda iyo kooxaha kasoo horjeeda inay si wadajir ah u joojiyaan dagaallada, iyagoo sheegay in dagaalku aanu faa'iido u lahayn dalka iyo dadka.

 

"Dadka barakaca ku jooga gudaha iyo daafaha Muqdisho, waxaan codsanaynaa in la taageero, maadaama ay ka carareen dagaallada ka socda caasimadda, taasna ay sababtay inay ka tagaan waxyaabo badan oo ay u baahnaayeen," ayay Caasho C/lla ka codsatay dowladda iyo kooxaha kasoo horjeeda.

 

 

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay haweenka xildhibaannada ah ee ku jira baarlamaanka ay diraan baaqyo nabadeedyo noocan oo kale, waxaase ay tan iyo sannadkii hore dirayeen baaqyo lagu dalbanayo in dagaallada lagu joojiyo.

 

 

Maxamed Ciise Maxamuud_Dhahar Online

 

 

mociise@hotmail.com

 

 

Muqdisho Somalia

 

 

 

 

Back To Home

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bishaaro Cabdi Garabey ahaa qofka midig fadhiyo. Family friend waaye, oo markee Nayroobi imaato reerka la joogtaa. I met her, a nice xildhibaanad.

 

N.B. - Sawirka gadaashood lagu sawiray cajiib ah. Meesha 'shalay' ku qorantahay darbiga. See shaley Xamar ahayd ku sawiran, kan hoosena probably 'maanta' ku qoran oo see maanta tahay ka hadleyso.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Meel dheer lee wax ka faagtaa. :D

 

Goorma midkooda u talin doona wadanka? dhiiga ku jira I wish inuu ku jiro kuwa aan waxba u ogoleyn oo wadankeena burburiyey.

 

Xaasidsanaa nimanka qaarkood oo kursi ku dhegnaan jecelaa. Nooga fuqa kursiga calool weynayaasha tihiin maxaan dhahaa! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
sahal   

Xaasidsanaa nimanka qaarkood oo kursi ku dhegnaan jecelaa. Nooga fuqa kursiga calool weynayaasha tihiin maxaan dhahaa!

iyaga yaa ka caloolo waawayn :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this