Sign in to follow this  
Mahdi

Puntland waxay ka mid tahay dalka Soomaaliya

Recommended Posts

Mahdi   

Anigoo tixraacaya shirarkii jaraa'id oo ay kala qabteen Ra'iisulwasaaraha Soomaaliya iyo DGPL maalmihii 28ka iyo 29ka bishii August 2005ta, waxaan qoraalkaygaan ku muujinayaa ka dib:

 

1 - Markii aan arkay Qaybta 1aad/qodobka 2aad/faqraddiisa 4aad ee Dastuurka Puntland oo u qoran "Puntland waa qayb ka mid ah Soomaaliya xil ayaana ka saaran baadi goobka iyo dhawridda dawlad Soomaaliyeed oo ku dhisan habka Federaalka."

 

2 - Markii aan arkay Qaybta 1aad/ qodobka 10aad/faqraddiisa 1aad ee Dastuurka Puntland oo u qoran "Puntland waxay ka mid noqoneysaa dawla

Soomaaliyeed oo habka Federaalka ku dhisan."

 

3 - Markii aan arkay isla qodobka 10aad/faqraddiisa 2aad ee Dastuurka Pl oo u qoran "Waxay dawladda PL ku wareejindoontaa dawladda federaalka ah waxyaabaha ay ka mid yihiin: Arrimaha Socdaalka, Difaaca, Siyaasadda dibedda, Istaambada Boostada, Lacagaha, habka cabbirka."

 

4 - Markii aan arkay Qaybta 1aad/ qodobka 3aad/faqraddiisa 2aad ee axdiga dawladda federaalka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ee u qoran "AxdigaDFGS waa xeerka ugu sarreeya oo ay hoos yimaadaan dhammaan hay'adaha iyo qof kasta waxaana meelmarinaya sharciga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo dhan. Xeer kasta oo aan la socon karin ama ka hor imaanaya Axdigan wuxuu noqonayaa wax kama jiraan."

 

5 - Markii aan arkay Qaybta 7aad/qodobka 61aad/faqraddisa 9aad ee isla axdigan oo u qoran "Golaha shacabka ayaa ah ansixiyaha heshiisyada caalamiga ah."

 

6 - Markii aan arkay Qaybta 9aad/qodobkiisa 83aad/faqraddiisa 1aad ee isla Axdigan oo u qoran "Khayraadka dabiiciga ah ee dalka sida macdanta, Biyaha, Dhirta iyo Xayawaanka waa hanti qaran , sharci ayaana caddaynaya qaabka ugu wanaagsan oo loogu manaafacaadsanayo."

 

7 - Markii aan arkay "Shedule 1." ee ka hadlaya awoodda DFGS qodobkiisa 9aad oo khayraadka dabiiciga ah."

 

8 - Markii aan ka waayey Dastuurka Puntland meel uu uga hadlayo Khayraadka dabiiciga ah.

 

9 - Markii aan arkay Qaybta 4aad/qodobka 19aad/faqradiisa 4aad ee Axdiga DFGS, Qaybta 13aad/qodobka 88aad/faqraddiisa 3aad ee isla Axdigan, Qaybta 12aad/qodobkiisa 89aa/faqraddiisa 14aad ee isla Axdigan oo ah kuwii ay cuskatay Dawlad goboleedka Puntland oo aan innaba awood u siinayn maamulka Puntland in gali karto heshiisyo ku aaddan khayradka dabiiciga ah, in Ra'iisul wasaraha DFGS uu ka gar leeyahay DGPL uuna mudanyahay in isaga laga siiyo raalli gelin hadalkii ka soo yeeray madaxda gobolka Puntland.

 

Waxaan ku boorrinayaa Ra'iisulwasaaraha dawladda Soomaalida in uusan uga haybeysan cidna mas'uuliyadda saaran uusanna u qaadan arrin shakhsi ah arrimaha ay dhalinayaan duruufaha dalka ka jira.

 

Talo ku wajahan madaxda Puntland

 

Waxaan talo ugu soo jeedinayaa Dawlad goboleedka Puntland in ay dhawrto Axdiga u qoran gobolka iyo Axdiga DFGS ee reer Puntland ay wax ka qorteen.

 

Waxaan u soo jeedinayaa madaxda maamulka Puntland in ay muujiyaan mas'uuliyad ayna xushmeeyaan magaca dadka reer Puntland oo ay wakiilka ka yihiin ahna runtii hooyada midnimada ummadda Soomaaliyeed ayna ka muuqato Axdiga ay qorteen.

 

Waxaan dareensiinayaa maamulka Puntland in ay ahayd sababtii dadka Puntland ay u doorteen nidaamkan federaalka in ay ku jirto maslaxadda guud ee ummadda Soomaaliyeed iyo tan gobolkaba iyadoo la baahinayo awoodda wax qabad ee dawladda iyo dhaqaalahaba si ummadda Soomaaliyeed jiritaankeedu uusan ugu xirnaan hal magaalo iyo maamul kaligi taliye ah.

 

Sidaas darteed ma ahan in la marin habaabiyo arrinkaas isaga ah oo loo macneeyo in gobol kasta iskiis u madax bannaan yahay oo siduu doono yeelayo.

 

Waa inuu ahaadaa xeerku midka ummadda kala haga waxaan gundhig u noqonaya Axdiga qaranka. Bal ka warrama haddi gobollada Puntland mid kasta nin marooqsado oo uu yiraahdo wixii khayraad ku jir gobolkan annagaa heshiis ku galeyna mana dhageysaneyno Moaamulka Puntland. Saw jid kuma aha maamulka Puntland arrintaasi haddii ay iyagu bilaabaan marooqsi iyo in aan axdiga la raacin. Sawse ma ahan horseed qalloocan oo burbur keeni kara.

 

Waxaan u arkaa in maamulku ku degdegey isagoo raalli iga ahaanaya jawaabtii uu ka bixiyey war saxaafadeedkii Ra'iisulwasaaraha isla markaasna ay habboonayd in arrimaha khuseeya dawladda Soomaaliya looga wada hadlo xafiisyada dawladda aan laguna khasbin Ra'iisulwasaaraha in saxaafadda uga hadlo arrimahaas iyadoo ka imaanaysa awood la'aanta dawladda federaalka oo aan weli amarkeeda fulin karin.

 

Talo ku aaddan dadweynaha Puntland

 

Waxaan kula talinayaa dadka reer Puntland in ay ka feejignaadaan in loo adeegsado arrimo keeni kara khilaaf hor leh oo Soomaaliya ku soo biira oo aan marna loo adeegsan caaddifad gobol iyo mid qabiil, taas oo aan ahayn maslaxadda ummadda Soomaaliyeed iyo midda gobolkaba.

 

Waxaan idin xusuusinayaa in Aabbayaashiin ay ahaayeen kuwii u soo halgamey gobonnimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed ayanna ahayn arrin la dhayalsado ama la dhaafsado manfac aan aan cidina ku waareyn. Gabagabo

 

Waxaan ra'yigayga ku sheegayaa in Soomaaliya ay tahay mid aan loona baahnayn in si qaldan loo isticmaalo nidaamka federaalka ah oo tijaabo ku ah ummadda Soomaaliyaeed. Midnimada Soomaaliya waa lama taabtaan mana aha wax ay shaki gelin karto dagaalladii sokeeye ee ka dhacay dalku.

 

Waxaan u rajeynayaa ummadda Soomaaliyeed in ilaahay uu xaqa waafajiyo iimaankana ku sugo uuna ka dhigo kuwii quud xalaal ah u raadiya ubadkooda.

 

Inj.Saciid Dhafuuje

dhafuuje@filajnet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this