Sign in to follow this  
Abwaan

Dowladda Vietnam oo taageertay hanaanka dib u heshiisiineed ee dowladda federalku ay

Recommended Posts

Abwaan   

Dowladda Vietnam ayaa xaqiijisay in ay taageero weyn la garab taagan tahay dadaalada dib u heshiisiinta qaran oo ay wado dowladda federalka Soomaaliya iyo sidoo kale geedi socodka siyaasadeed ee dalka.

 

Dowladda Vietnam ayaa xaqiijisay in ay taageero weyn la garab taagan tahay dadaalada dib u heshiisiinta qaran oo ay wado dowladda federalka Soomaaliya iyo sidoo kale geedi socodka siyaasadeed ee dalka.

 

Waxa sidoo kale dowladda Vietnam ay soodhaweysay kordhinta mudada howlgalka ciidamada nabad Ilaalinta AMISOM ee dalka Soomaaliya.

 

Safiirka Vietnam u fadiya xarunta golaha amaanka ee Qaramada Midoobay Mr. Le Luong Minh ayaa hadalkan ka sheegay kulan xalay ay xarunta UN-ka ku yeesheen 15-ka xubnood ee joogtada ku ah golaha amaanka ee Qaramada Midoobay.

 

Diplomaasigan Vietnam u dhashay ayaa sheegay in uu aad uga walaacsan yahay xaalada amaan darro iyo dhibatooyinka bini’aadanimo ee hada ka jira dalka Soomaaliya,waxaana uu dhaleeceeyay weerarada ka dhanka ah shaqaalaha gargaarka caalamiga ah iyo sidoo kale xarumaha hey’adaha Qaramada Midoobay.

 

Waxaa uu diplomasigani amaanay ciidamada AMISOM ee jooga dalka Soomaaliya,isagoo beesha caalamkana ugu baaqay in ay ciidamada AMISOM siiso tageerada ugu haboon ee loo baahan yahay si loogu guuleysto dadaalka nabad raadineed ee Soomaaliya.

 

Dhinaca kale masuulkan ayaa ugu baaqay dowladda Soomqaaliya iyo mucaaradka kasoo hor jeeda in ay miiska wada hadalka isla tagaan si wax kasta oo dhibaato ah xal loogu helo.

 

 

http://www.nhandan.com.vn/english/news/160208/domestic_vietnam.htm

 

Xafiiska warqabadka shabakada wararka carmooyin.com ee Muqdisho.

 

Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

loooooooooool...............TFG iyo dadka cabsan maxay isku dhex yaaceen...

 

This is like when Bush said "many countries support US to invade Iraq...countries like Eritrea"...lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

So Vietnam is comparable to Eritrea? lol. The opposition groups who's only tool is murder are those who have no room to play in...

 

TFG is strong and Yusuf Yey is in Mogadishu's Villa Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by General Duke:

and Yusuf Yey is in Mogadishu's Villa Somalia.

for how long? weligiis laba asbuuc ma joogey, waa kan marna Meles Report u geeya, marna inuu hargab la ildaran yahay ku marmarsiiyooda, marna shir aadee?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this