Sign in to follow this  
General Duke

Djibouti: Governemnt opposition talks open

Recommended Posts

Jabuuti: Shirka Dib u Heshiisiinta ee Jabuuti oo furmay, iyadoo Dhinacyada Dowladda iyo Isbaheysiga Casmara ay is hor fadhiisteen.

12. maj 2008 [/b

 

Jabuuti (AllPuntland) - Waxaa goor dhoweyd Magaalada Jabuuti ee Dalka Djibouti ka furmay Shirkii Dib u Heshiisiinta ee loo madlanaa in ay yeeshaan Dawlada Faderaalka iyo Mucaaradkeeda.

 

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ahmedou Ould Abdalaha ayaa si rasmi ah u furay Xaflada furitaanka Shirka, iyadoo ay is hor fadhiisteen Dhinacyada siyaasada soomaaliya.

 

Xaflada furitaanka Shirka oo ay goob joog ka yihiin Safiirada Beesha Caalamka iyo Dib lomaasiyiin heer sare ah waxaa qudbad gaaban ka jeediyay Ahmedou Abdalah oo dhinacyada isku haaya Siyaasada Soomaaliya ku bogaadiyay in ay gaaraan xal waara.

 

Ergada Dawlada faderaalka uga qeyb galeysa Shirka ayaa iyana ka hadlay goobta, waxayna balan qaadeen in ay diyaar u yihiin Kulanka si shuruud la'aan ah.

 

Wasiirka Dib u heshiisiinta Dawlada Cabdirisaaq Ashkir ayaa sheegay in xal laga gaaro soomaaliya ay ogol yihiin.

 

Sidoo kale Madaxa Wafdiga Isbaheysiga casmara C/raxamaan Cabdi shakuur warsame wuxuu sheegay in ay soo dhoweynayaan kulanka, diyaarna ay u yihiin dib u heshiisiinta.

 

Dowladda Jabuuti oo iyadu dalkeeda lagu qabanayo ayaa waxaa la filayaa inuu xaflada soo gunaanado Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Jabuuti, iyadoona la filayo inuu ka hadlo Doorka Jabuuti ee Soomaaliya.

 

Kulanka ayaa u muuqda mid horu dhac, waxaana maalmaha soo socda loo dab qaadi doonaan dhinacyada kala duwan, waxaana qodobada looga hadlayo ay noqon doontaa mid masiirka soomaaliya ku aadan.

 

Cabdicasiis Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ould Abdullah “Dadaalad nabadeed ee Jabuuti ka bilaabmay waa kuwo sii socon doona tan iyo inta laga gaarayo nabad Soomaaliya saldhigata”.

 

Wakiilka Qaramada Midoobay ugu qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya Ahmedou Ould Abdullah ayaa maanta ka shanqariyay in dadaalada dib u hehsiisiinta Soomaaliya ee hada ka bilaabmay dalka Jabuuti ay sii socon doonaan beesha caalamkuna aanay ka rajo dhigeynin nabad raadinta Soomaaliya wax kastaba ha ku qaadatee.

 

“Dadaalada nabadeed ee Jabuuti ka bilaabmay waa kuwo sii socon doona tan iyo inta laga gaarayo nabad Soomaaliya sal dhigata”ayuu yiri wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada midoobay ugu qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya Ahmedou Oold Abdullah oo maanta khudbad ka jeedinayay munaasabadii furitaanka kulan weynaha nabadda Soomaaalida ee jabuuti ka furmay.

 

“Xitaa hadii arrintu aanay halkan kusoo gaba gaboobin,howshu nagama hakan doonto wayna sii soconeysaa halkii lagu dhameystiraba”ayuu mar kale yiri wakiilka xoghayaha guud ee arrimaha dalka Soomaaliya Ould Abduillah.

 

Inkastoo mucaaradku wali ku adkeysanayaan in wax wada hadalo ahi aanay furmin ayaa hadana wakiilada beesha caalamka iyo saraakiisha dowladda federalka Soomaaliyaba waxaa ay sheegayaan in ay qabaan rajo buuxda oo ku aadan guulo in laga gaaro wada hadalada bilaabmay maanta gellinkii dambe.

 

 

Xafiiska war qabadka shabakada carmooyin.com ee Baydhabo.Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@GMAIL.COM

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaflad loo qabtay Wada Hadallo ay yeelanayaan Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta oo Magaalada Djibouti ka furantay

 

Isniin, May 12, 2008(HOL): Xaflad lagu furayay Wada hadallada ay Magaalada Djibouti ku yeelanayaan Ergooyinka ka kala socda Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga dib u xoreynta ayaa goor dhow ka furantay Magaalada Djibouti ee dalka Jibouti.

 

Xafladdan oo ay ka qeybgelayaan Diblumaasiyiin ka socda Qaramada Midoobay iyo Wakiillada Beesha Caalamka ee Dalalka daneeyo Arrimaha Soomaaliya, ayaa waxaa ujeedkeedu yahay in looga dhawaaqo in ay furmeen wada hadalladii xalka loogu raadinayay mushkiladda Soomaaliya ee ay isku so horfariisanayeen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ee ka soo horjeeda.

 

Waxaa lagu soo waramayaa in xafladdan uu furay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jibouti Maxamuud Cali Yuusuf, kaasi oo uu Dalkiisa martigelinayo Wada hadallada ay isku soo hor-fariisanayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka ka soo horjeeda.

 

Haddiiba dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ay isla ogolaadaan in ay si toos ah isu soo hor-fariistaan ayaa waxaa waxyaabaha ajende ahaan u hor-yaala ee ay ka wada hadlayaan waxaa ka mid ah Arrimaha Ammaanka, Siyaasadda, sidii Ciidamada Itoobiyaanka looga saari lahaa Soomaaliya iyo Xaaladaha Bani’aadannimo ee ka taagan Soomaaliya.

 

Warkan ku saabsan in galabta magaalada Djibouti lagu qabanayo xaflad lagu furayo Wada hadallo dhexmaraya Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo mas’uuliyiin u hadlay Isbaheysiga Dib u xoreynta ay sheegeen in aysan wax wada hadal ah la geleynin Dowladda Federaalka, halka mas’uul u hadlay Dowladdana uu sheegay in ay mar walba diyaar u yihiin wada hadallada.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa waxay ka war dhowrayaan waxa ka soo baxa Wada hadallada ay Qaramada Midoobay dhexdhexaadineyso ee is-af-garadka looga dhex dhalinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka ka soo horjeeda oo muddo sanad ka badan ku dagaalamaya Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Caasimaddiisa Muqdisho oo inta badan dadkii deganaa ay uga barakaceen dagaallo ka dhaca.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirka Soomaalida ee Djibouti oo furmay

 

Yusuf Hassan

BBC Djibouti

 

Shirka Soomaalida waxa uu ka furmay magaalada Djibouti

Wada hadalkii Dowladda KMG ah ee Somalia iyo Isbahaysiga Dib U xoreynta ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Djibouti.

 

Warbixinta Shirka

 

Shirka oo ay sidoo kale ka qeybgalayaan diblomaasiyiin, mas'uuliyiin ka socota ururada Midowga Africa, Jaamicadda Carabta iyo Qaramada Midoobay ayaa waxaa ka hadlay mas'uuliyiinta ka kala socotay dhinacyada dowladda iyo mucaaradka oo labaduba ka hadlay sida ay u doonayaan in xal loogu helo dhibaatada Somalia.

 

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia Ahmedou Ould Abdalla ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in labada dhinac ay isa soo horfariisteen, iyadoo ay tiro kooban ka socdaan dhinac walba.

Share this post


Link to post
Share on other sites

We must try for peace. The TFG has arrived and is in support, thus why are the clowns of Asmara against it?

 

Another miscalculation on their part.

Share this post


Link to post
Share on other sites
money   

The ARS is playing a good game here. They putting the UN and the International Community on the spot. You were accomplices of the invasion of sovereign member-nation by another nation. The UN have to admit that it broke Article 2, Section 1 of the UN Charter which states that "The Organization is based on the principle of the sovereign equality of all its Members." and Section 3 which states: "All Members shall refrain in their international relations from the threat or use of force against the territorial integrity or political independence of any state, or in any other manner inconsistent with the Purposes of the United nations."

So the UN was complicit of the invasion of Ethiopia in the sovereign nation of Somalia as it was an accomplice of the invasion of US into IRAQ.

 

 

The Law of Nations also states that:

#54 - no nation has a right to interfere in the government of another state.

#55 - One Sovereign cannot make himself the judge of the conduct of another....as t the case of the Tigre ruling minority of Abyssinia and the traitor warlord infested regime of Yeey.

 

The ARS must demand from the UN a guarantee that Ethiopia will immediately withdraw from Somalia and that there will be no immunity to the crimes of humanity and war crimes committed by invading Ethiopian troops and the Somali warlords.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this