Sign in to follow this  
Xudeedi

Bari, Laag: Massive Fire Burns Over 30 Homes + Farms

Recommended Posts

Xudeedi   

Cawil Maxamuud Cabdi

 

RBC Radio, Gaalkacyo

 

Cawil@raxanreeb.com

 

 

 

Boosaaso (RBC Radio):- Dab xoogan ayaa saacadihii la soo dhaafey ka kacay deegaanka Laag ee gobolka Bari, dabkaasi oo khasaare ba’an u geystay deegaanka uu ka kacay.

 

Dabkani ayaan geysan khasaare nafeed, hase yeeshee waxaa uu sababay gubashada in ka badan 30 aqal oo ah kuwii ay deganaayeen dadka deegaankaasi oo u badan beeraley.

 

Lama garanayo dabkani xoogan sida uu u kacay, waxaase la sheegayaa in uu khasaare xoogan oo dhinaca deegaanka ah uu geystay, iyadoo dadka deegaankaasi ay sheegeen in ay gebi ahaanba ka carareen deegaanka Laag.

 

Dabka oo markii hore ku kacay si fudud ayaa waxaa uu sii xoogeystay daqiiqado kadib markii ay timid dabeyl suurta gelisay in uu dabku ku fido deegaanka, waxaana goobaha gubtay ku jira beero ay leeyihiin dadka deegaankaasi sida uu RBC Radio u xaqiijiyey mid ka mid ah dadka degan Laag.

 

Waa markii ugu horeysay oo dab ceynkani ah ka kaco deegaanka Laag, waxaana dadka deegaanku ay sheegeen in aysan heysan wax dab demis ah iyo cid garab ka siisa deminta dabkaasi, haddii ay ahaan laheyd mas’uuliyiinta maamulka gobolka Bari iyo maamulka magaalada Boosaaso oo ay deegaankani aad isugu dhow yihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Nabadoon C/casiis Afgaduud oo aan ka waraysanay dab khasaare gaystay oo qabsaday dhul deegaaneedka Laag, Bari.

Bossaso, Sept 11 - Dab dar Alle u kacay ayaa qabsaday dhul deegaaneedka Laag oo 30km dhanka bari ka xiga magaalada Bossaso. Khasaare agab iyo deegaan ah ayaa uu sababay dabku; ma jiri [...]

Nabadoon Afgaduud speaks to Radio Daljir about the massive fire that burned numerous houses and farms in Laag. He also discussed how Puntland administration discriminates the community of Laag and regards them as others. Laag is a town 30km south of Bosaso. Many believe that its due to clan make-up that the administration in Garowe disregards inhabitants of Laag and western Bari.

 

Listen to the Audio

 

http://www.radiodaljir.com/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this