Sign in to follow this  
Jacaylbaro

BADBAADO POLITICAL PARTY ANNOUNCED IN BURAO

Recommended Posts

MAGAALADA BURCO OO LAGAGA DHAWAAQAY URUR SIYAASADEED LA MAGAC BAXAY BADBAADO IYO WARARKALE

 

 

 

Burco (QARAN) Magaalada Burco ayaa waxa ka socday Mudooyin u dambeeyay Dhaqdhaaqyo siyaasadeed oo ku lug sameynta Urur siyaasadeed laga dhawaaqo,kaasoo ay hormood u yihiin kooxo dhaliyaro iyo aqoonyahno oo hore u taageeri jiray Xisbiga Udub ee talada dalka haya.

 

Hadaba Gudiga Qabanqaabanda ee sameynta Urur Siyaasadeedkaas ayaa caawa Weriyaha G/Bariga Somaliland Kayse Axmed Digaale soo gaadhsiiyay War saxaafadeed kaasoo u dhignaa sidan.

Sida lawada ogsoonyahay todoba iyo toban sanadood ayaa ka soo wareegtay markii lagu -dhawaaqay gooni isutaagii Soamaliland 18mey1991,iydoo hanashadeedii aan sinaba weli loo dhamaystirin.

-Marka aynu tixraacno Qodobada mabaadiida guud ee dastuurka sida muwaadin kastaa ay u furantahay inuu fuliyo,iyagoo sugaya jiritaanka Somaliland oo aan maanta raadraac,hiyidoon iyo qorshe siyaasadeed oo lagu haybinayaa meelna lagu ogayn,islamrkaana aan u muuqan murano siyaasadeed oo isku dhaliilaya asbaabaha hakiyay xeragalinta Somaliland arimahaas dhamaan.

-Marka aynu jeedaalino duruufaha siyaasadeed,bal qaxan eeg ku xeeran geeska afrika,oo aan maareyn siyaasadeed oo lagaga hortagayo shirqoolada Somaliland loo maleegayo,talo midaysana loogu maqnayn.

-Marka la eego colaadaha ka dhex oogan Isirada soomaliyeed,dhinaca Somalilandna u soo hulaaqaya,oo lagama maarmaan tahay in si Nabadgelyo iyo Sinaan walaaltinimo iyo heshiis lagu xaliyo,taasoo ka mudan wadahadalka dawlada imbigaati ee dhawaaqeeda laga sanqadhinayo iyadoo Somaliland isu dhameyn taas la,aanteedu ku qiimaysan tahay dhaxal xumo ay mutaystaan Isiradii u dhashay Somaliland oo aan iyaga kala soocidoonin.

-Marka la eego in aanay asxaabta siyaasadeed ee dalka ka muuqan,Ujeedo looga midaysan yahay xerogalinta Somaliland balse ay ku heelan yihiin isu diyaarinta doorashada labaad ee aan dalku u dhameyn.

 

Goaan.

 

-Hadaba anagoo ka mid ah muwaadiniinta Reer Somaliland ee xaqa u leh inay ka taliyaan aayahooda cidhib dambeed sida ugu haboon u hanaaniyaan.

-Markaanu hadaba aragnay in aan xisbiyada siyaasadoodu farqi lagu kala doorto lahayn marka ay tahay jiritaanka Somaliland

-Markaanu aragnay Muwaadiniin naga horeysay oo iyaba saluugtay hogaamiyaha siyaasadeed ee dalka,ay furteen xisbi siyaasaded Qaran,ka dib markay si xeel dheer u axadheen dastuurka dalka aqoonsadeena sharci u leeyihiin isu abuubulaan urur siyaasiya kuna mahad sanyihiin.

-Markaanu aragnay inay xisbiyada siyaasdeed ee jiray af iyo adin ku jideeyeen in awood dastuuriya loo siman yahay sameyntiisa.

-Markii dastuurka ujeedadiisu qabyada tahay,dulmar daraasadeed,nuxur hubinta ujeedada ugu nasanay isla markaana ku qanacnay anagoo hadaba tixraacayna arimaha kor ku xusan waxaanu bulshada u soo bandhigaynaa inaanu furnay Urur la magic baxay BADBAADO,Maanta oo taariikhdu tahay 27/06/2007,saacaduna tahay 7;00 fiidnimo,iyadoo soomalidu tidhaahdo “Laba talaabo dhexdood ayay talo ka dhalataa”.

-waxa shirweynaha soo socda ee ururka la dooran doonaa Gudoomiyaha Xisbiga iyo Madaxda sare ee Xisbiga.

 

GUDIGA QABANQAABADA IYO QORAALADA.

 

1-Maxamuud Axmed Cali.

2-C/raxman Cismaan Cabdile(farjar).

3-Jamaal Maxamed Warsame.

4-Cismaan C/laahi Muuse.

5-Cismaan Cabdi Jiir.

6-Salaad Jaamac Diiriye.

7-Saleebaan Cabdi Ducaale.

8-C/kariim X.Maxamed Biixi.

 

 

qarannews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

Udub now is playing great politics good work. i believ this is much better than causing chaos. Let Qaran be Sub-Kulmiye and Baadbaado be Sub-Udub. Now waiting For Sub-Ucid.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

I just got more info on the new Udb branch party. No big heavyweights in the Mix I think they should have done better than this. According to some reliable infos One the individuals named in the list is bed ridden and the rest are more of loosers than noble.The bed ridden guy's nickname Is more famous than his real name. You know what they call Him? You cant believe but its normal, for Reer Burco are so good at such art of Naming Individuals . By The way They call him " NABICADHEEYE" They say he never talks good about no one in his lifetime thus the NIcnamed him that way.

Share this post


Link to post
Share on other sites

[quoteThe bed ridden guy's nickname Is more famous than his real name. You know what they call Him? You cant believe but its normal, for Reer Burco are so good at such art of Naming Individuals . By The way They call him NABICADHEEYE They say he never talks good about no one in his lifetime thus the NIcnamed him that way.

Wuxuuba jiro sariirta ula koray habaarka dadka maala aqbalay? Nabicareeye? :D

 

Nabiga muxuu ka kasbaday caradda keenay?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this