Sign in to follow this  
Som@li

Awad Ahmed Ashara ,The next President of Somalia?

Recommended Posts

Som@li   

XILDHIBAAN CAWED AXMED CASHARO OO ISU SOO TAAGAY XILKA MADAXWEYNENIMO EE SOOMAALIYA

 

Jabuuti: Xildhibaan Cawad Axmed Casharo oo isla markaana ahaa Afayeenka Baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa shaaciyey in uu ku soo biiray loolanka Maxdaxweynenimada Soomaaliya xilli uu shir jaraaid ku qabtay shir ay xildhibaanada ku lahaayeen dalka Jabuuti. xildhibaan Cawed Axmed Casharo ayaa ka mid ah siyaasiyiinta ugu miisaanka weyn dalka Somaaliya, waxaa kaloo lagu xasuustaa in uu ka mid ahaa shaqsiyaadkii wax kasoo dhisay maamulka Puntland dhamaadkii sagaashameeyadii.

 

 

Xildhibaan Casharo ayaa muujiyey inuu kalsooni weyn ku qabo baarlamaanka dowladda iyo midka kale ee ARS oo dhawaan la ansixiyey ku biiritaankooda baarlamaanka Somaaliya, wuxuuna hoosta ka xariiqay inuu balan qaadayo nabad iyo xasilooni oo wadanka ka dhalato hadii la doorto. Xildhibaanka ayaa ah shaqsi mudo badan ku dhax jiray siyaasada Somaaliya, waxayna dadka siyaasada uu dhega nugul ay ku sheegaan inuu yahay shaqsiga kaliya oo fahansan boogaha xukumada federaalka iyo wax yaalaha curuyaamiyey, oona hadii uu xilka ku guuleysto uu Somaaliweyn midnimada uu gudbin kara.

 

 

Xildhibaanka ayaa ah shaqsigii labaad oo kasoo jeeda gobolada Sanaag, Haylaan iyo Galbeedka Bari oo isu sharaxo xilka madaxweynanimada dalka Somaaliya, iaydoo uu horey xilka isu taagay Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Cabdalla oo wasiir ka ahaa dowlada ku-meel gaarka.

 

 

Waxaase jira musharixiin kale oo jagadaasi uu hanqal taagaya, kuwaasi oo isugu jira kuwa dowladda federaalka ka tirsan iyo kuwa banaanka ka ah, oo iyana horay uu soo qadimay musharaxnimadood xilka madaxweynanimada dalka Somaaliya.

 

4720.jpg

 

Dhahar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this