Sign in to follow this  
General Duke

Geedi Clan courts are talking rubish

Recommended Posts

R/wasaare Geeddi “Maxkamad ku sheega haddii ay Itoobiya doonayaan wey yaqaanaane dalkeeda ha u raadsadeen, haddii ay dan kale leeyihiina ha soo socdaan”

 

Ra’iisal wasaaraha xukuumadd KMG Prof. Cali Max’ed Geeddi oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa jawaab kulul uga bixiyay diginiintii ka soo yeertay golaha maxkamadaha islaamka ee aheyd in ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan dalka gudihiisa ay 7 cisho uga baxaan, haddii kalena ay weerari doonaan, isagoo ra’iisal wasaaruhuna ku tilmaamay warkaasi war loogu soo mar marsoonayo dagaal lagu soo qaado fariisinka dowladda ee Baydhabo.

 

 

 

Ra’iisal wasaare Geeddi ayaa u sheegay maxkamadaha in haddii ay doonayaan Itoobiyaan ay u raadsadaan dalkooda, haddii kalena ay cadeystaan inay doonayaan duulaan ay ku soo qaadaan magaalada Baydhabo “Maxkamad ku sheega haddii ay Itoobiyaan doonayaan wey yaqaanaane dalkeeda ha u raadsadeen,; haddii ay dan kale leeyihiina ha soo socdaan waxay naga helaan bey leeyihiine, wax badan ayaan isku daynay inaan baajino dagaal dhex maraya dowladda maxkamad ku sheega, oo aan is laheyn shacabka Soomaaliyeed ee daalan yaan la dhibaateyn” ayuu yiri Geeddi oo ka dhawaajiyay inay ka dhamaatay dul qaadkii ay u hayeen maxkamadaha midoobay ee Muqdisho.

 

 

 

Sidoo kale, ra’iisal wasaare Geeddi ayaa maxkamadaha ku eedeeyey inay ciidamo ajaanib ah ku soo daabulayeen maalmihii ugu dambeeyay magaalooyinka Buur-hakaba iyo Diinsoor oo ay maamusho dowladda KMG Soomaaliya, sida uu yiri iyagoo doonaya inay weeraraan magaalada Baydhabo.

 

 

 

Garaad Salaad Xirsi

garaadcadde@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this