Sign in to follow this  
MR ORGILAQE

Puntland's Response

Recommended Posts

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Su'aalo laga Waydiiyay Dagaalkii Ka Dhacay Aricadeeye

 

 

 

Garoowe (AllPuntland)- Waxaa shalay Xarunta Madaxtooyada DGSPL ku qabtay Shir Jaraa’id Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta DGSPL Md. C/risaaq Yaasin C/lle (Geesood), kaasoo uu kaga xog waramayay Kormeerkii Hawleed ee uu Maalinimadii Sabtida ku tagay Jiida Hore ee Dagaalka ka socdo ee Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

 

Wasiirka ayaa sheegay inuu Halkaasi kula kulmay Saraakiisha sar sare ee Ciidamada, Masuuliyiinta Gobolka Sool, Odayada, qaybaha kala duwan ee

bulshada, kuwaasoo uu ka dhegeystay warbixinno ku saabsan Xaaladda Dagaal iyo waxyeelada Ciidanka soo gaadhay, waxaa kale oo uu soo indha indheeyey Xaaladda dhabta ah ee ka jirta Jiidda Hore ee dagaalka.

 

Wasiirka ayaa sheegay dhamaan masuuliyiintii iyo dadkii uu kula kulmay meelihii uu tagay inay dhamaantood u muujinayeen inay ka xun yihiin

dagaalkaan iyo gardarada maalin walba lagu soo qaadayo dhulkooda, waxayna kulan kasta ay dadku noo sheegayeen ayuu yiri inay ka go’an tahay difaaca dalkooda ayna u dulqaadan doonin gardarro lagu soo hunguriyeeyo dhulkooda.

 

Wasiirka oo markii uu dhameeyey Warbixintii ay ka weydiiyeen suxufiyiintu su’aalo dhawr ah ayuu uga jawaabay. Waxayna u dheceen su’aalihii sidan:-

 

Su’aal :- Md Wasiir waxaa jira in dagaalka lagu soo qabtay Maxaabiis marka side ula dhaqmaysaan Maxaabiistaas aad soo qabateen?

 

Jawaab:- Maxaabiista aannu qabanay waa 23, waxaanna Aaminsanahay dad walaalahaya ah oo la soo khalday inay yihiin waxaanuna ula dhaqmaynaa sida ugu wanaagsan ee loola dhaqmo Maxaabiista, iyo sida ugu fiican ee loo daaweeyo ama wax loogu qabto.

 

Su’aal:- Md. Wasiir ma jiraan wax khasaare ah oo soo gaaray ciidamka DGSPL?

 

Jawaab:- Haddii kol meel dagaal ka dhoco khasaare waa imaanayaa, khasaarana waa jiraa dad baa dhintay, kuwaa dhaawacmay, laakiin wax qayma ah ee ay noo leedahay ma jiro, xagga iyo xagaba waxa ku dhintayba waa dad walaalahaya ah ee soomaaliyeed, mana ku faanayno kuwa xagga ku dhintay sida aan uga xunahay kuwayaga ayaanu uga xunahay.

 

Su’aal:- Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliland waxa uu sheegay inay khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawac boqolaal gaaraysa inay idiin geysteen marka arrintaas idinku maxaad ku beeninaysaan?

 

Jawaab:- Soomaalidu waxay tiraahdaa “Haruubkaa tabin†ninkii maanta ciidankiisu jabay ama ciidankiisu ama baaba’ay isagaa ciil iyo caro qaba, annagu koley waxyaalahaan ku muujin karno waxaa ka mid ah in Taliyihii Aaggooda oo dhan dhintay, in saddex taliye guuto ahi ka dhimatay, in ciidan faro badan maydkoodii mesha daadsan yahay, waxaana weeye waa iska midi midi ku taag waa hadal Afrikaan in la yiraahdo boqolaal baan dilnay iyo magaciisii baan dilnay, hadee ishaa Macalina, Masuuliyiintaa Macalina, ninkii ugu sareeyey Ciidankooda ayaa dhintay, guutooyinkii soo weeraray ee saddexda ahaa saddexdii Taliye guuto waa ka dhinteen, meel walba dhaawac iyo mayd baa ka daadsan, aad baana uga xunahay dadka walaalahaya ah oo dhintay, ama dhaawacmay kuna faani mayno, dadka dhintay xagga iyo xaggana masuuliyaddaas iyagaa qaadaya, caalamkana waa u sheegaynaa.

 

Su’aal:- Sida uu sheegay Wasiirka Soomaaliland waxa uu yiri Dagaalku weli ma dhamaan waa soconayaa, marka idinka maxaa idiin qorshaysan ka Dawlad Goboleed ahaan?

 

Jawaab:- Waa Nasiib darro; Nasiib Darro weeye; in maamulka Soomaaliland ay leeyihiin weli weerar baanu nahay, annagu weerar ma nihin laakiin waxaa noo qorshaysan inaanu is difaacno, hadday na soo weeraraana dee koley Jawaabteeday helayaan, annaguna difaac baanu nahay, haday manta na soo weeraraan iyo haddii ay berri na soo weeraraan iyo haddii ay maalin kale na soo weeraraanba, waxaanuna maamulka Soomaaliland u sheegaynaa “warhooy nina nin gurigii ma xukumo, Soomaaliyana shan qaybood bay u qaybsantay qayb ka midaanu nahay Laascaanood qayb baanu wada nahay isir baanu isku raacnay shirarkii lagu qabtay Carta iyo Imbieghatiba, annagaa isla dhalanay, annagaa dhulka leh, annagaa mid wada ah, annagu Boorame weerar kuma nihin oo Burco weerar kuma nihin, gurigayagii weeye waxa weerarka lagu yahay, mar walbana waxay yiraahdaan waa nala soo weeraray, ma xishoonayaan, hadee waxyaalah beenta ah in laga xishoodaa wanaagsan, hadee diyaar baanu u nahay inaanu is

difaacno.

 

Su’aal:- Waxaa kale oo jira sidii shalay nalooku sheegay furinta in ciidan badani iyo hubba uu ka soo goostay Ciidanka Soomaaliland, side la idiinku xaqiijiyay inuu ciidankaasu jiro?

 

Jawaab:- ciidankaasi ciidan qarsoon maaha; ciidan 80 nin iyo saddex tikniko ah iyo gaari xamuul u saaran yahay ayaa ka soo goostay oo awal dad la khalday ahaa, oo u dhashay dhammaantood gobolka Sool, ciidankaasuna annaguu xagayaga yahay, ciidan qarsoona maaha, ciidan laga been sheegi karana maahan, ciidan la khalday bay ahaayeen, haatanna ogaaday runta, oo ogaaday in dhulkooda iyo guryohooda weerar lagu yahay.

 

Su’aal:- sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa in maxaabiistii ay qabteen ciidanka Soomaaliland ay qaar ka mid ah laayeen oo ay ku jiraan rag saraakiila ah oo ay ka mid yihiin Axmed Raan, marka idinku Tallaabada aad ka qadaysaan Maxaabiistan aad gacanta ku haysaan maxay tahay?

 

Jawaan:- Taa waa ka Jawaabay; Annaga Maxaabiista layn mayno, ilaahayna naguma jirabin, nin maxbuus ah oo walaalkaya ah oo aan dagaal ku qabanay inaan dilno, mana dilayno, sida ugu wanaagsan baan ula dhaqmaynaa, waa nasoo gaartay inay maxaabiis laayeen, adduunkana waxaan u sheegaynaa inay waxaasi yihiin wax aad u xun, nin maxbuus ah oo la dilay, umadda walaalaha ah oo wada dhalatay oo shacabka ahna in colaytan iyo dhibaato intaas le’eg la kala dhex dhigo waa wax aad u xun, dadka Puntland waxay aad uga xumaayeen oo aad iyo aad uga urageysnayeen Gabadha yarta ah ee Hargeysa lagu haysto oo madaxweyne ku xigeenku hayo, oo ma taqaanaa si xun loola dhaqmay, oo la jirdilay oo la fara xumeeyey, marka haddii la yiraahdo maxaabiistiina waa la laynayaa dee annagu waxaan leenahay shacabka yaan la isku dirin, oo yaan ummadda…….dadka walaalaha ah oo ganacsigu ka dhexeeyo oo is dhexmara oo wada joogaoo qaraabada ah oo xididka ah yacni colaytan intaas le’eg yaan la dhex dhigin, caalamkana waxaan ogeysiinaynaa ina arrintaasi ay tahay arrin mamnuuc ah oo ku xun in maxaabiista la laayo, annagu 23 nin baanu qabanay, 23-kana bisha cas baanu tusaynaa caalamkaan tusaynaa, niman weriyayaal ah oo hadda nala jooga oo ka socda Caalamkaan tusaynaa si wanaagsanna waan ula dhaqmaynaa.

 

Su’aal:- ugu dambaytii maxaad ugu baaqaysaa umadda reer Puntland ee ku dhaqan dalka gudihiisa iyo dibaddiisa kuwaasoo idinkala socda qaybaha kala duwan ee warbaahinta?

 

Jawaan:- Waxaan ugu baaqaynaa; waxa lagu yahay weerarka waa guryeheenii deegaankeenii iyo shacabkeenii, marka waanuna is difaacaynaa, haddee wixii aad ka qayb qaadan kartaan af iyo addinba waa inaad u diyaargarowdaan, wabillaahi Tawfiiq.

 

Warintii: Faarax Yusuf Nuur (Faarax KK)

 

Garoowe, Puntland, Soomaaliya

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Shir ka dhacay Xarunta Gobolka Nugaal

 

Garoowe (AllPuntland)- Waxaa Shalay ka dhacay Xarunta Gobolka Nugaal shir ballaaran oo ay ka soo qayb galeen Masuuliyiinta Gobolka Nugaal, kuwa degmada, Odayaasha, Nabadoonada, qaybaha Bulshada kaasoo looga hadlayay Xaaladda Dagaal ee ka jirta Gobolka Sool.

 

Ugu horreyntii waxaa halkaasi ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Gobolka Nugaal Md. C/qaadir Cuuke (Bicir), waxaana uu ka hadlay sida ay uga xun yihiin Shacabka Gobol Nugaal Gardarada Ciidanka Riyaale ee weerarka ku ah Dhulkooda iyo dadkooda, waxaana uu sheegay in inay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin Walaalohooda Gobolka Sool ayna marnaba ku daawanayn Gardarrada Riyaale.

 

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland C/lle Sare Nuur-salaad Muuse oo war bixin dheer oo ku saabsan Xaaladda Dagaal ee ka aloosan Gobolka Sool u soo jeediyay masuuliyiintii iyo dadweynihii halkaasi isugu yimi.

 

Taliyuhu waxa uu sheegay in dagaalkii ka dhacay Maalinimadii Jimcaha ay Ciidamada Puntland ku gacan sareeyeen cadawgiina la jabiyay, waxa uu si faahfaahsan ugu kala dhigay Dagaalkaas iyo sidii uu u dhacay iyo weliba sida ay guushu ku raacday Ciidamadii Puntland, waxaana uu sheegay in ay hadda ciidanka Cadowgu siweyn isugu diyaarinayaan inay soo roigaal celiyaan weeraro kale, waxaana sidaa qirtay Masuuliyiin sar sare ee ka tirsan Taliska Riyaale, Waxaana sida la sheegay ay ku soo gurayaan Jiida dagaalka Ciidamo iyo hub.

 

Sidaa awgeed waxa uu taliyaha Ciidanka Boolisku G/lle Sare Nuur Salaad ku dhiiri geliyay inay waajib tahay Difaaca Dalka loogana qayb qaato sida

ugu dhaqsaha badan.aanna loo kala harin, rag iyo dumarba.

 

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Nabadoon Caydiid soo dhaqsade oo sheegay inay sida uu sheegay Guddoomiye ku xigeenka Gobolku Bicir ay ka gobol ahaan Maamul odayo iyo Shacabba ay ka go’an tahay difaaca dalka kuwaasoo ay ku can bexeen, hadana ay diyaar u yihiin sidii loo difaaci lahaa Gobolka Sool, waxaana uu sheegay in ay aaminsan yihiin labada Gobol inay isku mid yihiin.

 

Faarax Yusuf Nuur (Faarax KK)

 

Garoowe, Puntland, Soomaaliya

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Guumiyaha Baarlamaanka Puntland oo la Dhaarshay

 

 

 

Garoowe (AllPuntland)- Fadhigii Shalay ee Golaha wakiilada DGSPL ayaa maanta lagu dhaariyay Guddoomiyaha Cusub ee Golaha wakiilada DGSPL Md. Cismaan Dalmar Yuusuf, oo lagu doortay Fadhigii shalay ee Golaha.

 

Cismaan Ayaa la doortay ka dib markii Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada ay kala noqdeen Kalsoonidii Guddoomiyenimada iyo xubinimadii Golahaba, ka dib markii lix ka mid ahaa Mudanaasha Goluhu ay u soo jeediyeen Dhaliilo 7-qodob ka kooban goluhuna ka dooday.

 

 

 

Dhaartii Cismaan Dalmar Yuusuf ayaa waxaa dhaariyay Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Sare ee DGSPL.

 

Dhaartii ka dib ayuu Guddoomiyaha cusubi waxa uu halkaa ka jeediyay Hadallo kooban kuwaasoo uu ku sheegay in ay sharci ahaan ahayd inuu manta Furmo kalfadhigii 12-aad ee Golaha Wakiilada, laakiin uu u baaqday Kooramka Mudanayaasha oo aan dhamayn, waxaana ictiqaadsanahay ayuu ri inuu inoo furan yahay kalfadhigii 12-aad ee Golaha, waxaana uu ka codsaday mudanayaasha inay soo xaadiraan shaqada.

 

Waxa intaasi ka dib ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha wakiilada Md. Cali Saxar Guuleed, oo shegay in isbadalkaani ku yimi si loo sameeyo isbadal shaqo oo ka horumarsan kii hore sidaa daraadeedna Mudanayaasha iyaga oo ka tarjumaya Magacooda Mudanenimo iyo kan Gole Wakiil ahaan ay dadka iyo dalka Hawsha ay uiga aadan yihiin u gutaan si hawlkarnimo ah, shaqadana la geliyo dar dar cusub.

 

Mudane Cali Saxar waxa kale oo uu mudanayaasha u sheegay in mudanihii aan soo xaadirin shaqada laga jari doono Gunadooda, laguna dayactiri doono Xarunta Golaha Wakiilada.

 

Si kastaba ha ahaatee fadhigii saaka mudanayaashii ka soo qayb galay ayaa niyadoodu dhisnayd waxayna u muuqdeen kuwo ku faraxsan Guddoomiyaha cusub ee ay u doorteen inuu xilka u hayo mudada labada bilood ah ee harsan.

 

 

 

Faarax Yusuf Nuur (Faarax KK)

 

Garoowe, Puntland, Soomaaliya

 

 

This is Better I am glad there is some sense of Somaliness around

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this