Sign in to follow this  
Che -Guevara

BASTA!!!

Recommended Posts

Garoowe: Bannaanbax sababay dhaawacyo oo ka dhacay iridka hore ee xarunta Baarlamaanka Puntland

25. July 2007

 

 

 

Garoowe(AllPuntland)- Waxaa goor dhow Bannaanbax rabshato ay la socdaan uu ka dhacay iridka hore ee xarunta Baarlamaanka Puntland, kaasoo dadweyne fara badan ay isugu soo baxeen iyagoo ka cabanaya sicir bararka laga dareemay gobolada Puntland.

 

Bannaabaxayaasha ayaa is hor dhoobay xarunta Baarlamaanka Puntland iyo xarunta Madaxtooyada ee magaalada Garoowe, iyadoo dadweynaha ay dhagxaan tuurayeen, waxaana gebi ahaanba ay xereen dadweynaha wadooyinka waaweyn iyo goobihii ganacsi.

 

Ciidamada ilaalada xarunta Madaxtooyada ayaa rasaas ay cirka u ridayeen ku kala eryay boqolaal dadweyne oo is hor dhoobay xarunta Madaxtooyada iyadoo wararka laga helayo halkaasi ay ku dhaawacmeen sadax ruux oo ka mid ah dadkii dhigayey bannaanbaxayaasha.

 

Dadka dhaawacmay ayaa la sheegay inuu ka mid yahay askari ka tirsan ciidamada ilaalada ee xarunta Madaxtooyada kaasoo ay dhaawaceen dhagxaantii ay tuurayeen dadweynaha.Wixii warar ah ee ku soo kordha wararkeena danbe ayaad kala socon doontaan sida ugu dhaqsiyaha badan haduu Alle Idmo.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

web page

Share this post


Link to post
Share on other sites

Tuug say tuug kale qabanaa. Puntland need to get Cadde and Gaagaab.

 

Maamul goboleedka Puntland oo gacanta ku dhigey qalab lagu sameynayay lacago Been abuur ah

 

July 24, 2007 Markacadeey

 

 

 

 

Ciidamada maamul goboleedka Puntland ayaa manta shaaciyay qalab lagu sameynayay lacago been abuur ah oo ciidamada Puntland ay gacanta ku dhigeen.

 

Howl gal ay ciidamada puntland qaadeen xalay ayaa lagu soo qabtay qalab la sheegay in ay ka koobnaayeen hal computer iyo hal Printer (daabace) oo lagu daabacayay lacago been abuur ah oo shilin Soomaali iyo dolar-ba isugu jira.

 

Xilliga qalabkan la soo qabanayay ayaa la shaaciyay in kooxihii ku shaqeysanayay ay ku howlanayeen howlo daabicis ah, iyada oo Printer-ka la sheegay in ay ku jireen xaashiyo lagu daabacayay lacagaha been abuurka ah oo daabacan.

 

Lama soo qaban kooxihii ku shaqeysanayay qalabkan, iyada oo weriyeyaasha ay soo sheegayaan in howlgalkan uu ku soo beegmayo xilli warshado waa weyn oo lacagaha lagu daabaco ay gudaha Puntland ku yaalaan.

 

Magaalooyin Muqdisho, Boosaaso iyo kuwa kale oo Soomaaliya ah ayaa lagu daabacaa lacago been abuur ah, taasi oo looga maarmay lacagihii been abuurka ahaa ee dalka dibadiisa lagu soo daabici jiray.

 

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii la eryay xukuumadii Maxamed Siyaad Barre lacagaha dalka laga isticmaalayay waxa ay u badnaayeen lacagaha mar dambe la soo daabacayay, kuwaasi oo u badan kuwa si sharci darro ah lagu soo daabacayay.

 

 

Maxamed Cali Madka

Xafiiska Markacadeey Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somali troops in Puntland fire at crowd, wound five

25 Jul 2007 15:10:38 GMT

Source: Reuters

 

 

By Abdiqani Hassan

 

BOSASSO, July 25 (Reuters) - Troops guarding the presidential palace in the northern Somali region of Puntland on Wednesday shot at protesters angered by high costs of living due to a rise in dollar demand, resident said.

 

Residents accuse the Puntland administration of minting hundreds of millions of shillings and buying the U.S. dollar from local markets prompting the greenback, which is the main trade currency, to shoot up.

 

That has led to soaring food prices.

 

Hundreds took to the streets of Garowe, Puntland's administrative capital, chanting anti-government slogans but as the charged crowd approached the presidential palace, guards there began shooting.

 

"The troops opened fire at us and wounded five people. We were protesting at the high cost of living as a result of the rise in dollar demand," Asha Mohamed, one of the protesters, told Reuters by telephone.

 

"Life is unbearable. I have not fed my children anything for the last two days. Foodstuffs are so expensive."

 

Puntland is relatively peaceful compared to the rest of Somalia, which has had no central government since warlords chased away former dictator Mohamed Siad Barre in 1991 and plunged the country into anarchy.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

well this sad and predictable state of affairs were on the card for a while now, puntland crooked leadership should have known you can only bend something upto certain point before it breaks so all their shaddy business, corruption, neptism, money printing, waste dumping seems to have caught up with them as the political tension in the region have reached boiling point due to the extreme inflation rate which has made living unbearable for the average folks.

 

 

lets hope it finishes in peace

Share this post


Link to post
Share on other sites
ElPunto   

^How dare they protest? Who do they think they are? Bunch of ungrateful ingrates I tell ya.

 

lets hope it finishes in peace

LOL - somehow my sincerity meter is not registering anything with that statment.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

am not hyprocrite i say what i mean, and i do hope it finishes peacefully.

 

but then again like you said how dare these silly ungratefull fools complain about being taken for a ride.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe: Madaxweynaha Puntland oo siweyn uga hadlay Sicir bararka Suuqyada Puntland ,nabadgalyada iyo lacagaha la daabacyo.

26. juli 2007

 

 

 

 

 

Garoowe(AllPuntland)- Madaxweynaha dawlad gobaleedka Puntland Maxamuud Muuse Xirsi oo xalay wareysi siiyay Radio Gaalkacyo ayaa wuxuu ka hadlay xaaladaha ay mareyso dawlad gobaleedka Puntland,gaar ahaan nabadgalyada ,sicir bararka Suuqyada Puntland iyo Makiinadaha lacagaha daabaca.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa wuxuu ugu horeyn canbaareyn xoogan dusha uga tuuray kooxihii ka danbeeyey dhagaxtuurkii lugu sameeyey xarumaha dawlada Puntland sida Madaxtooyada iyo hoolka Baarlamaanka.

 

Madaxweynaha ayaa wuxuu sheegay in ay dawladiisu ogolaatay in markii lasameeyo dibadbax balaaran oo looga soo horjeedo sicir bararka ka jira Puntland,balse Madaxweyne Cade Muuse wuxuu sheegay in ay dadkii Shacabkaa ku soo dhex dhuunteen dad uu ku tilmaamay kuwa ka soo horjeeda danaha Shacabka Soomaaliyeed,gaar ahaana shacabka Puntland.

 

“Dadkii dhagxaanta ku weeraray Goobaha shacabka loogu shaqeeyo oo ku soo dhex dhuubtay shacabkii Mudaharaadyay waxaa lasiiyay lacago kala duwan ,waana og nahay Puntland dhawaana sharciga ayay horkeenaysaa” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

 

Md.Cade Muuse wuxuu sidoo kale sheegay in sicir bararka ku yimid dhaqaalaha Puntland ay la qabto caalamka oo dhan ,isagoo sheegay Madaxweynuhu in dhaqaalaha Puntland ku xiran yahay wadamo carbeed.

 

Madaxweynaha dawlad gobaleedka Puntland Maxamuud Muuse Xirsi ayaa wuxuu sidoo kale ka hadlay xaalada amaan ee Puntland ,isagoo sheegay in ay jiraan dadka ka soo horjeeda nabadgalyada Puntland kuwaas oo uu Cade Muuse sheegay in ay xiriir la leeyihiin kuwa amaan darada ka wada caasumada Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Wuxuu sheegay Gen.Cade in ay dawladiisu kooxahaasi la dagaalamayso dooneysana in ay gabi ahaanba ka qabato Umada Soomaaliyeed ee ay doonayaan in ay waxyeeleeyaan waa sida uu hadal udhigaye.

 

Mar wax laga weydiiyay Madaxweynaha Puntland arimaha lacagaha lugu daabaco Puntland ayaa wuxuu sheegay in ay qabteen makiinadii ugu weynayd ,isagoo sheegay in ay kuwa kalena ku raad joogaan.

 

Cade Muuse ayaa sheegay in makiinadaha Puntland lakeeno ay leeyihiin dad ka soo horjeeda Jiritaanka Puntland ,ayagoo buu yiri taas u sameynaya in aysan hirgalin dawlada Soomaaliya oo ay dawladiisu kaalmeyso.

 

“Dadkii aanu qabaney ee lugu qabtay Makiinadii Boosaaso lugu qabtay waxa ay noo sheegeen in looga soo dhiibay gobalada Koonfureed waxa saas loo yeelayaa waa in lala dagaalamaa Sumcada Puntland” ayuu markale yiri Madaxweynaha dawlad Puntland.

 

Hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa wuxuu ku soo beegmay xili deegaanada Puntland boqolka doolar lugu sarifayo lacag gaarayso (labo Malyan oo Shilin Somali ah).

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yeey coming to get Pland's Dekeda revenues!

 

Muqdisho: Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo wafdi uu hoggaaminayo oo la filayo iney gaaraan Puntland

26. July2007

 

 

 

 

 

Muqdisho(AllPuntland)- Waxaa jira warar isa soo taraya oo sheegaya in maanta lagu wado wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed ay qorsheynayaan iney ugu ambabaxaan xarunta maamul goboleedka Puntland ee Garoowe.

 

Warku wuxuu intaa ku darayaa in abaabul xoogan oo loogu diyaar garoobayo soo dhoweynta wafdigaasi ay ka socdaan magaalada Garoowe iyadoo shalay uu Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland uu warbaahinta u sheegay in la filayo saacadaha soo socda iney halkaasi soo gaaraan wafdi uu horkacayo Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed kuwaasoo uu sheegay iney booqashadooda la xriirto sidii ay wadatashi iyo wada hadalo ula yeelan lahaayeen mas’uuliyiinta Puntland iyo sidii maamulkaasi gacan ugu geysan lahaa howlaha baaxada leh ee horyaala dowladda Federaalka.

 

Lama oga xiliga uu ku aadan yahay safarka Madaxweynaha balse saakay ayaa wadooyinka ka baxa xarunta Madaxtooyada ee aada garoonka diyaaradaha lagu arkayey ciidamo fara badan oo halkaasi ka joojiyay dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo dadka kuwaasoo isugu jira ciidamada Soomaalida, Itoobiya iyo kuwa Ugandha.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

Somehow nothing fills up these crooks. Qabri might though.

 

PL resources endangered list iyo extinct ayey ku socotaa hadeysan wax iska badalin goor dhow.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Umad iska dhiciso waayeen. I'm glad people came out. Life is becominh unbearable with Cadde's extremely corrupt regime, and Yeey's constant dipping into Pland's treasury.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

^I know you don't mean iska dhiciska in xabad form but PL needs move books than bullets. These thugs will one day go away but I doubt if the next generation is yet ready to lead the way or any better.

 

Cadde's days might be numbered but the place has become Ina-Yusuf's safe deposit box.

 

Balo wax laguugu dar!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this