Sign in to follow this  
Kowneyn

Garaad Cabdulqani Oo Bogaadiyey Doorashada Saleebaan Nuur Ee Guddoomiyenimada Guurtid

Recommended Posts

Kowneyn   

Garaad Cabdulqani Oo Bogaadiyey Doorashada Saleebaan Nuur Ee Guddoomiyenimada Guurtida

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 1 September, 2004

--------------------------------------------------------------------------------

Garaad Cabdulqani Garaad Jaamac oo ku sugan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa hambalyeeyey Guddoomiyaha cusub ee Golaha Guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan, isaga oo doorashadiisa ku tilmaamay arrin wax ku ool ah oo dan u ah ummadda Somaliland. Sidoo kalena, cuqaal iyo odayaal reer Buuhoodle ah ayaa dhambaal hambalyo u soo diray Saleebaan.

Garaad Cabdulqani dhambaalkiisa, wuxuu ku qoray;

“Anigoo ku hadlaya magacayga, magaca Isimada iyo magaca dadweynaha deegaanada bariga Somaliland waxaan kuu soo gudbinayaa salaan diirran oo kal iyo laab ah. taas oo ku saabsan jagada Guddoomiyenimada Golaha Guurtida Somaliland ee laguu magacaabay. Waxaana u arkaa magacaabista laguu magacaabay jagadaas inay tahay arrin wax-ku-ool ah oo dan u ah ummadda Somaliland. waxaanan aaminsanahay inaad ku buuxinaysid jagadaa waaya-aragnimada iyo ruugcadaanimo labadaba. Waxaan Illaahay kaaga baryayaa in uu kuu fududeeyo hawshaa culus ee laguu magacaabayâ€.

Saleebaan Maxamuud Aadan oo uu goluhu cod buuxa ugu doortay guddoomiye Salaasadii ina dhaaftay, khudbaddiisii u horreysey oo uu jeediyey maalin kadib, waxa uu ku baaqay in maamulka la gaadhsiiyo gobolada Sool iyo Sanaag Bari oo aanu maamulka Somaliland si fiican uga hirgelin tan iyo 1991kii markii lagu dhawaaqay gooni-isu-taagga Somaliland. Waxana uu sheegay in dalku kala hadhay oo gobolada Galbeedkana jaamacadihii laga baxay, barigana ay jiraan degmooyin aan weli dugsiyadii hoose ka furnayn.

Cabdirisaaq M. Dubbad, Hargeysa.

Share this post

Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Garaad Cabdulqani dhambaalkiisa, wuxuu ku qoray;

“Anigoo ku hadlaya magacayga, magaca Isimada iyo magaca dadweynaha deegaanada bariga Somaliland waxaan kuu soo gudbinayaa salaan diirran oo kal iyo laab ah. taas oo ku saabsan jagada Guddoomiyenimada Golaha Guurtida Somaliland ee laguu magacaabay. Waxaana u arkaa magacaabista laguu magacaabay jagadaas inay tahay arrin wax-ku-ool ah oo dan u ah ummadda Somaliland. waxaanan aaminsanahay inaad ku buuxinaysid jagadaa waaya-aragnimada iyo ruugcadaanimo labadaba. Waxaan Illaahay kaaga baryayaa in uu kuu fududeeyo hawshaa culus ee laguu magacaabayâ€.

AMEEN TO THAT. smile.gif

Share this post

Link to post
Share on other sites
Cawralo   

Calooshiis u shaqayste. Who still respects boqortooyada somalida anyway, he has no authority

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this