Sign in to follow this  
Kamalu Diin

Wariyayaasha iyo Xarumaha Warbaahineed amar lagusiiyey

Recommended Posts

Maxaakiimta islaamiga ah oo Saxaafada Muqdisho diniin kulul siiyey maanta taas oo ku wajahan isticmaalka

 

Shiikh Cabdi-raxmaan Janaqow iyo Sheikh Yuusuf Indha-Cade oo kala haya xilalka Kugeenka Fulinta iyo Madaxa Amaanka ayaa maanta si cad ugu sheegay koox saxafiyiin ah oo ka soo qeybgalay Shirkii jaraa’id ee ka dhacay Villa Baydhaba in aan wararka loo isticmaali Karin dagaalka in uu u dhaxeeyo Maxaakiimta iyo Dowladda Federaalka balse la dhahayo Somalia iyo itoobiya ayuu u dhaxeeyaa.

 

Digniintaan ayaa waxaa loo jeediyey Wariyayaasha iyo Xarumaha Warbaahineed ee ka jira Muqdisho waxaana lagu amray in ay isticmaalaan dagaalka in uu ka dhaxeeyo Somalia iyo itoobiya, isla markaana aan la soo hadal qaadin dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

 

Indha Cade ayaa sheegay in aysan jirin wax dowlad ah waxa uuna ku tilmaamay mas’uuliyiinta dowladda in ay yihiin Tigree sidaasi daraadeed Idaacadii ama wariyihii eraygaasi isticmaala waxa ay sheegeen in laga qaadi doono talaabo cad.

 

[Ruuxii doonaya in uu erayadaa Isticmaalo, ha aado Baydhaba iyo Adis-ababa balse halkan suurto gal idinku noqon meyso in aad dhex dhexaad kaga noqotaan Xaaladaha dalka ka jira,] sidaasi waxaa yiri indha Cade.

 

Qoraalkan digniintan ayaa waxaa aqriyey Sheikh C/raxmaan Janaqow, waxa uuna soo jeediyey in awaamiirta sida ay tahay loogu dhaqmo, waxa uuna dhinac kale ka digay in Xoogaga Maxaakiimta in loo isticmaalo Maleeshiyo, waxaa loo isticmaali karaa ciidan.

 

Amarkan ka soo baxay Maxaakiimta islaamiga ah ayaa u muuqanaya mid kala dhantaalaya dhexdhexaadnimadii warbaahinta gudaha soomaaliya oo xiliyo adag ku soo shaqeeyey dhex dhexaadnimo, waxaana muuqanaya in gabi ahaanba la diidan yahay jiritaanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, iyada oo la og yahay ilaha wareed ee haatan dalka ka jira in ay yihiin labadaasi dhinac marka laga reebo Itoobiya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

wararka loo isticmaali Karin dagaalka in uu u dhaxeeyo Maxaakiimta iyo Dowladda Federaalka balse la dhahayo Somalia iyo itoobiya ayuu u dhaxeeyaa, isla markaana aan la soo hadal qaadin dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, mas’uuliyiinta dowladda in ay yihiin Tigree sidaasi daraadeed Idaacadii ama wariyihii eraygaasi isticmaala waxa ay sheegeen in laga qaadi doono talaabo cad.dhinac kale ka digay in Xoogaga Maxaakiimta in loo isticmaalo Maleeshiyo, waxaa loo isticmaali karaa ciidan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this