Sign in to follow this  
wacdaraha_aduunka

Dowladda KMG ee tabarta daran oo Xasuuq u Geysatay Qaar ka Mid ahaa Culumada Ahlu Sun

Recommended Posts

Shariif shouldnt have started this as these warriors will take on his moryaans as they took on Al-saqiir and Hisbul Khaa'in combined.

 

 

Dowladda KMG ee tabarta daran oo Xasuuq u Geysatay Qaar ka Mid ahaa Culumada Ahlu Sunna Waljamaaca oo Masjid Dhexdiisa Kitaab ku Aqrisanayay Xaafadda Xoosh...

 

 

Culumada ayaa masjidka dhexdiisa laga soo uruuriyey kadibna meel gaar ah la isugu geeyay. ********ta dowladda ee jidgooyada iyo qarbudaadda ka wada degmooyinka Xamar, ayaa wareysi kooban la yeeshay culumada.

Markii ay u xaqiiqowday in aysan wax raad ah ku lahayn rabshadaha ka socda degmada Dharknley, wax yar kadib, ayaa mid ka mid ahaa askarta uu weydiiyey jamaacada ay ka soo jeedaan. Wadaad ka mid ahaa kuwa dhintay ayaa ku jawaabay inay yihiin culumada Ahlu Sunna Waljamaaca. Isla markii ay afkiisa ka dhammaatay ayaa nin magacaas dhibsaday uu rasaas huwiyay oo halkaas 4 ka mid ah ku naf waayeen. INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN!

 

Waxaa intaas ka sii foolxumayd markii ay diideen in meesha laga qaado kuwii dhaawacmay oo iyaguna ahaa 4 wadaad. Muddadii baasku socday ayaa rag kaloo badani ka qeyb qaateen dilalka. Dilalka ayaa ahaa toogasgo-dhow (piont blank range) oo ah toogasha ka dhow inta aysan tiirada qaadan xabbaddu ama waa dil foolxun.

 

Waxaa iyana mahadha kale reebtay, markii uu inkiray ninka degmada Dharkanley wakiilka uga ah dowladda Jabuuti lagu soo dhoodhoobay. ********ta Ina-Shaawey ayaa si toos ah uga qeyb qaadatay XASUUQA culumada masjidka Xoosh. Ilaahay dhamaantood shahaadadooda ha aqbalo, kuwa noolna ha caafiyo, aamiin!

 

Magacayda Culumada la Xasuusqay

 

1- Sh. C/Raxmaan Maxamed Mursal - Mu'addinka Masjidka

2- Sh. C/Fataax Xasan Carte - Mu'addin, Ku-sime

3- Sh. C/Callaahi - Maamulka Masjidka

 

Culumada Dhaawaca

 

1- Sh. Faarax Maxamed Xiish - Mudarris

2- Sh. Sh. Maxamed Sugaal - Xerow

3- Sh. Cabdi Kuus - Xerow

 

Culumada Fakatay/Badbaadday

 

1- Sh. C/Casiis Cismaan Cabdi - Xerow

2- Sh. Siddiiq Sh. Maxamuud - Xerow

3- Sh. Mustaf C/Qani - Xerow

 

Waraysiyo aan la yeelanay culumada ayaan dib u soo gelin doonaa inshaa Allaah!

 

 

Xafiiska Wararka ee Ahlu Sunna Waljamaaca

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ahlusunnah Waljamaaca oo soo bandhigtay Nin Ajnabi ah oo eey ku Dileen Dagaalkii kadhacay 18-Bishaan Deegaanka Dab-Qurun oo U dhow Tuulada Wabxo baritaan kabacdi

 

Ahlusunna Waljamaaca ayaa maantay soo bandhigtay sawirka Nin Ajnabi ah oo ku geeriyooday Dagaal ku dhex maray Dagaanka Dab-Qurun Ciidanka Ahlusunna Waljamaaca & Khawaarij Ajnabi u badan kuwaasoo ka dagaalamaayay somalia ilaa horaantii 2006dii sida ku cad muuqaalo iyo qoraalo laga helay jeebabka Ninkaan Ajnabiga ah oo heysta dhalashada Dalka Sweden islamarkaana kasoo jeeda asal ahaan dalka marooko,

 

Ninkaan ayaa ku geeriyooday dagaal ka dhacay 18-May-2009 Dagaanka Dab-Qurun oo u dhow Tuulada Wabxo, Dagaalkaan ayaa ahaa mid lagu bur buriyay saldhigii ugu weyn ee laga abaabulo dagaalada eey khawaarijta ku qaadaan Tuulada Wabxo iyo degaanada u dhow.

 

wararka ayaa intaa ku daraya in eey u baqdeen tiro aan la aqoon oo isugu jirta ajnabi ah iyo Somali dhanka Degmada Ceel-buur ee G/galgaduud.

 

Dagaalka oo ahaa mid eey kasoo hooyeen Culumada Ahlusunnah Waljamaacah Guulo waaweyn ayaa la xaqiijiyay in eey uga dhimatay khawaarijta ilaa 83 kamid ah Canaasiirta khawaarijta, dhanka Culimada Ahlusunna Waljamaaca waxaa uga dhintay 1 sheekh waxaana uga dhaawacantay ilaa 3wadaad.

 

Dhanka kale Culimada Ahlusunna Waljamaaca ayaa bilaabay in ey xoojiyaan jiidaha hore ee dagaalka, waxeeyna noo xaqiijiyeen dadweeynaha ku nool degaanada G/Dhexe Culimo aad u fara badan oo kusii qul qulaya jiidaha hore ee dagaalka, lamana oga in eey u diyaar garoobayaan weeraro ka dhan ah khawaarinta ku sugan degaanada kamid ah G/Dhexe sida Maxaas/Ceel-buur & kuwo kale.

 

Culimada Ahlusunna Waljamaaca ayaa u xil saartay hogaaminta Dagaalka Rag isku darsaday Cilmiga Diinta islaamka & Qibradaha dagaalka kuwaasoo lasheegay in eey yihiin qaarkood janaraalo qibrad badan u leh dhanka milatariga iyagoo kasoo qabtay milatarigii somaliya jagooyin sar-sare .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this